Mesut Ozil oo ku guuleeystay Tarantankii Table Tennis-ka ee Ciyaartooyda Real Madrid, Antonio Cassano oo u wareegay Ac Milan iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda Real Madrid Mesut Mustafa Ozil ayaa waxa uu ku guuleeystay Ciyaartii Kubada (Table Tennis-ka ) eheed ee maalmihii la soo dhaafay uu tartankeeda dhex yaalay dhamaan Ciyaartooyda kooxda Real Madrid. Ciyaartaan oo aad u xiiso badneed ayaa waxaa soo daayey Tv-ga caanka ah ee Spain ETB Sat waxaana iskugu soo haray dhamaadkeedii ama 4-tii ugu dambeeysay ciyaartooyda kala ah Habi Alonso Vs Sergio Ramos & Cristiano Ronaldo Vs Mesut Ozil.
Mesut Ozil oo ka soo badiyey Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu Finalka la yimid Sergio Ramos oo soo garaacay Habi Alonso waxaana gaba gabadii ciyaarta si xarago leh Koobkii Winter-ka Table Tennis-ka kooxda Real Madrid ku xayuubsaday Ciyaaryahan Mesut Mustafa Ozil oo Dhawaan ku soo biiray kooxda Real Madrid isaga oo uga yimid dhanka Kooxda Bremen ee horyaalka Jarmalka.
Wacdaraha ciyaartaan ayaa waxaa ka mid ahaa iyada oo uu Garsoore ka ahaa Laacibkii weeynaa ee Qaranka France iyo kooxda Real Madrid Zinedine Yazid Zidane halka eey marti sharaf ama Taageerayaal ka ahaayeen Xiddigii hore ee Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Luis Filipe Madeira Caeiro Figo oo hada ka mid ah Masuuliyiinta ugu sareeyso ee kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga waxaa sidoo kale Ciyaartaan Taageere Cristiano Ronaldo ahaa oo loo jeeday isaga oo u nacamleenaayo Jose Morinho.
Spain ETB Sat oo Guushii Mesut Ozil ka dib wareeysi kooban la yeeshay ayaa waxa uu soo bandhigay Taariikhdiisa iyo xiliyadii uu yaraa oo si weeyn uu ugu waalnaa Ciyaarta Table Tennis-ka wuxuuna Mesut Mustafa Ozil shaqsi ahaan sheegay ineey adag tahay si looga badiyo ciyaartaan maadaama uu yiri waxaan ciyaari jiray ilaa Yaraanteedii waxana ilaa iyo hada ciyaaraa Waqtiyada aan Firaaqada leeyahay. Mesut Ozil oo la weey diiyey inuu Guuldarooyin kala kulmay ciyaartaan iyo in kale ayaa waxaa uu yiri sidan : " Ciyaartaan weey adag tahay in Sahal la iiga badiyo balse Xiddiga iga adag ee waligeey iga badin jiray Xiligii aan Juunyarka Qaranka Germany ku wada jirnay waa Kevin-Prince Boateng oo hada u ciyaaro naadiga Ac Milan iyo Qaranka Ghaana ayuu yiri Mesut Ozil !
Tartanka Ciyaarta Table Tennis-ka oo loo qabto Ciyaartooyda Real Madrid dhamaadka Sanad kasta ayaa waxaa sanadkii ugu dambeeyey qaaday oo heeysta Ciyaaryahan Raul Gonzalez Blanco oo xili ciyaareedkaan u wareegay kooxda Fc Schalke ee horyaalka Germany waxaana ka sii horeeyey oo sidoo kale heeysto Koobkaan Weeraryahankii hore ee kooxda Man Utd iyo Real Madrid Rutgerus Johannes Martinus Ruud van Nistelrooy oo hada u ciyaaro kooxda Hamburg ee isla horyaalka Germany halka 2-jeer oo isku xigto uu Koobka ciyaarta Table Tennis-ka qaaday Ex-Player Zinedine Yazid Zidane oo hada ka mid ah Maamulka ugu sareeyo ee kooxda The Galactikos Real Madrid.
*** Kooxda Ac Milan ee Horyaalka Talyaaniga oo dooneeyso sanadkaan ineey isku darsato 3-koob ayaa waxa eey Xaqiijisay la soo wareegida Weeraryahanka Qaranka Talyaaniga iyo Kooxda Sampdoria Antonio Cassano. Milan ayaa waxa eey ka faaideeysatay Qilaaf ba´an oo mudooyinkii ugu dambeeyey dhex yaalay Weeraryahan Antonio Cassano iyo Boss-ka kooxda Sampdoria ninka lagu magacaabo Riccardo Garrone.
Antonio Cassano oo 28-jir ah ayaa waxa uu xiliyadii ugu dambeeyey isku bad badali jiray kooxo badan waxaana lagu wadaa in Heshiiska cusub ee kooxda Ac Milan uu uga bilaawdo 2-1.2011 maadaama suuqa beeca ciyaartooyda uu furmi doono 31-12.10 waxaana Milan kooxda Sampdoria eey Faraqa u gelisay lacag 4-Milyan iyo bar ah halka uu Casanno shaqsi ahaan mushaar u qaadan doono Adduun gaaraya 2,8 Milyan oo Euro sanadkiiba.
Antonio Cassano in uu ku biiro kooxda Ac Milan ayaa War bixinta Skysport wexeey leedahay waxaa u sabab ahaa Qilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Boss-ka Sampdoria Riccardo Garrone iyo weliba Xaaskiisa oo Uur leh oo ku qalqaalisay sidii uu ugu wareegi lahaa dhanka Naadiga Ac Milan. Kooxda Rossoneri ee Ac Milan ayaa sanadkaan wexeey ku jirtaa Riyo ah ineey koobab badan isku darsato wexeeyna soo Aruursadeen ciyaartooy badan oo Dunida caan ka ah.
*** Jaraaidka La Gazzetta dello Sport ayaa Dab iyo Baasiin ku sii shiday Qilaafkii u dhexeeyey Boss-ka kooxda The Champions League heeysato ee Inter Milan Massimo Moratti iyo Tababarahooda uga yimid dhanka Fc Liverpool Macalin Rafael Benitez. Kooxda Inter oo ku maqneed koobka Qaaradaha Adduunka oo si xiiso leh uga socday dalka isku taga Imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada Abu Dhabi kuna soo guuleeysatay ciyaartiisii Fiinaalaha oo eey 3-0 uga soo badiyeen kooxdii mataleeysay Qaarada Afrika Mazembe Lubumbashi oo ka socotay dalka Kongo ayaa Massimo Moratti waxa uu sheegay in guushaas eeysan wax ka badali doonin Xanaaqii iyo caradii uu u qabay Macalin Rafael Benitez oo uu ku sheegay Shaqsi dhulka la galay awoodii kooxda Inter iyo kala dambeentii Ciyaartooyda.
Horyaalka Talyaaniga oo ilaa 6-da Janaayo nasiino la geli doono ayaa waxaa la shaaciyey 3-da Macalin ee la doonaayo in lagu badalo Macalin Rafael Benitez oo la qabsan waayey kooxda Inter Milan waxaana ka mid ah Tababarayaashaas Ex-Macalinkii hore ee Roma Luciano oo hada Tababare u ah kooxda Zenit St. Petersburg ee horyaalka Ruushka, Ex-Milan-Coach Leonardo iyo Goolhayihii hore ee Qaranka Talyaaniga Walter Zenga.
Filo Goor dhaw warar Sport oo Top News ah iyo Faaqidaada Horyaalada oo aad u xiiso badan+Daawasho .