Xayawaanka loo yaqaan Dolphins oo Gool Qurux badan ka dhaliyey Victor Valdes, Maxaad kala socotaa Baashaalkii Miami & Xiddigaha Barca (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan)
Baashaal aan loo kala harin ayaa waxa uu ka dhacay magaalo Xeebeedka lagu magaaco Miami oo ku taal dalka Mareeykanka. Xiddigaha kooxda Fc Barcelona wexeey soo bandhigeen muuqaal soo jiitay dad badan oo si weeyn ula dhacsan Ciyaaraha Kubada cagta.
Goolhayaha 2-aad ee Qaranka Spain iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona Victor Valdes waxaa Biyaha dhexdooda ama goob ay ku dabaalanayeen Gool Qurux badan ka xareeysayDolphins oo ah Xayawaan u qaab eg sida Kaluunka balse si weeyn u jecel la Ciyaarista Beniaadanka.
Laacibiintii magaalada Miami Wacdaraha ka soo dhigay waxaa ka mid ahaa Ciyaartooyda kala ah David Villa, Pedro, Xavi, Busquets iyo Victor Valdes. Sidoo kale horay waxaanu idinkugu soo gudbinay baashaal nuucaan la mid ah oo Leo Messi iyo Lamaanihiisa goobtaas ku soo sameeyeen.