Ciyaaryahan caan ah oo lagu soo cadeeyey inuu Xiriir weeyn kala dhaxeeyo Mafiyada Qatarta ah ee dalka Talyaaniga (Halkaan ka Aqri War bixinta oo Tarjuman)
Ciidamada Dambi baarista dalka Talyaaniga ayaa wexeey Cadeemo buuxdo ku fadeexeeyeen Xiddiga Qaranka Talyaaniga iyo Kooxda Man City ee horyaalka Ingiriiska Mr.Mario Balotelli Barwuah. Laacibkaan ayaa lagu helay Kiis lagu sheegay inuu xiriir & Qandaraas weeyn kala dhaxeeyo Labada Nin ee Mafiyada dalka Talyaaniga ugu caansan kuwaas oo lagu kala magacaabo Salvatore Silvestri iyo Biagio Esposito.
Nimankaan oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Napoli wexeey ka ganacsadaan waxa loo yaqaan Nacasta ama Daraagiska wexeeyna sidoo kale Qarash xoogan siiyaan ama Maskaxda Lacag uga badalaan Ciiyaartooyda da´da yar yar si eey kooxohooda u qasaariyaan ama Rooso uga qaataan ka dibna Lacag Malaayiin ah ku helaan.
Raiola waa Ninka Wakiilka ka ah Mario Balotelli wuxuuna qiray arintaas ineey jirto balse Mario Balotelli ayaa ku adkeeysanaya in Nimankaas uu xiriirka la lahaa uusan ogeeyn ama warba u heeyn ineey ka tirsanaayen Mafiyada ugu Musumaasuqa badan dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Camorra/Scampia .
Mario Balotelli ayaa lagu wadaa inuu Ganaax ahaan u bixiyo Lacag dhan 11.000 oo Euro waxaana ka sii daran taas aamin bixida eey ka aamin bixi doonaan kooxaha Horyaalada Yurub gaar ahaan kooxdiisa Man oo awalba Ficilkiisa Qaatu ka taagneed.