Qisadii ugu hadal heeynta badneed dalka Talyaaniga : Philippe Mexes Vs Corriere della Sera >> " Ma Qeeyliyo ee waan Qarwaa, Qof Waalan ayaa Qeeyliyo, Been ayuu iga Qoray Corriere della Sera laakiin hada Qaladkiisa wuu saxay,, (Qosol iyo Yaab ka taagan Gudaha dalka Talyaaniga).
Waxaa Xal loo helay Xurguf dhex taalay Difaaca dheg dhega badan ee kooxda Rossaneri Ac Milan iyo Jaraaidka caanka ah ee lagu magacaabo Corriere della Sera. Hal Isbuuc ka hor ayuu Tv-ga qaaska ah ee kooxda Ac Milan (Ac Milan Canal) wuxuu sii daayey Taariikh nololeedka Ciyaaryahan Philippe Mexes oo dhanka Difaaca kaga Ciyaara Qaranka Diiqa Reer France iyo kooxda Ac Milan ee (The Rossaneri).
Tv-ga Ac Milan Channel ayaa kula kaftay Laacib Philippe Mexes inuu ka mid yahay Xiddigaha Rossaneri kuwooda Riyada badan ee Riyooda marka ay jiifaan. Philippe Mexes oo Qoslay waxa uu qirtay arintaan wuxuuna sheegay in Qof kaste oo BeniŽaadan ah uu Riyoon karo arinkaasina uu yahay wax iska caadi ah.
Wareeysiga Tv-ga Ac Milan Channel oo aad u dheeraa xiligii la wareesanayey Philippe Mexes waxaa Gacanta Midig iyo dhanka Bidix ku kala dheganaa xaaskiisa iyo Gabar yar oo uu dhalay.
Tv-ga qaaska ah ee Ac Milan wuxuu Isbuuc walba ka sheekeeyaa Taariikh nololeedka Laacibiinta u Ciyaarta naadigaas waxaana ka xusi karnaa Wareeysiyadii uu qaaday kuwoodii ugu xiisaha badnaa ineey kala ahaayeen Wareeysigii Laacib Zlatan Ibrahimovic oo qirtay inuu Dhiigiisa asal ahaan ka soo jeedo dalka Bosnia, Wareeysigii Robinho iyo Wiil yar oo uu dhalay oo noqon raba Laacibka badali doona Familka Robinson Robinho iyo Wareeysigii Kevin Prince Boateng oo ka hadlayey Boateng inuu yahay Xiddig asal ahaan ku dhashay magaalada Berlin ee caasimada dalka Germany balse goŽaan ku gaaray inuu u safto Qaranka Reer Aabihiis ee Ghana halka Walaalkiis ka yar Jerome Boateng uu u safto Qaranka Germany.
Jaraaidka Corriere della Sera waa Wargeeyska 2-aad ee loogu aqriska badan yahay dalka Talyaaniga marka laga soo tago Jaraaidka La Gazzetta dello Sport oo dhanka Sport No1 ka ah dalka Talyaaniga .
Corriere della Sera oo sal fudeed uu qaaday ayaa Taariikh Nololeedkii Ciyaaryahan Philippe Mexes ee ka baxay Tv-ga Ac Milan waxa uu Ciwaan uga dhigay eray Soomaali ahaan u dhigmay sidan >> " Philippe Mexes Laacib marka uu Jiifo Qeeyliyo,, !!!!
Philippe Mexes oo Warkaan iyo Bahdilkaan soo maqlay ayaa Furka tuurtay wuxuuna dacwad la daba kacay Corriere della Sera isaga oo leh sidan " Qolada beenta iga Qortay ee Corriere della Sera Qaladkoodii weey sexeen wexeeyna ii sheegeen in Cilad farso ay dhacday oo hadalkaas ay kala jeedeen wuu Riyoodaa, Anigana waxaan u sheegay Qaraw iyo Qeeylo ineey labo kala yihiin maxaa Yeelay Qofka Waalan ayaa Qeeyliyo laakiin Qof kastoo BeniŽaadan ah wuu Riyoon karaa xili kasta,, (Wuu Qarwi karaa).
Corriere della Sera ayaa waxaa la sheegay hadii uusan Qaladkaas ka raali gelin leheen Laacib Philippe Mexes inuu muteeysan lahaa Lacag Ganaax ah oo aad u fara badan sida uu dhigaayo Sharciga Xoriyada Saxaafada dalka Talyaaniga gaar ahaan kuwa Sportiga.
Dhoor Bilood ka hor ayeey eheed markii uu Dagaal Saxaafadeed kulul dhex maray Jaraaidka Corriere della Sera iyo Xiddiga Ac Milan & Qaranka Talyaaniga Ivan Gennaro Gattuso . Ciyaaryahan Gattuso wuxuu xiligaas ku eedeeyey Corriere della Sera inuu yahay Taagere Juventus oo aad u neceb Naadiga Ac Milan.
Xurguftii dhacday xiligaas ayaa ka bilaabatay ka dib markii uu Corriere della Sera Qoraal uu qoray ku sheegay in qaar ka tisan Xiddigaha Ac Milan aysan Dabeecad ahaan heshiin doonin wuxuuna Laacibiintaas ku sheegay Ivan Gennaro Gattuso, Zlatan Ibrahimovic, Van Bommel iyo Kevin Prince Boateng oo hada dhamaantood Saaxiibo ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)