 |
|
 |
mesut |
 |

Real Madrid oo Gacanta ku dhigtay Mesut Özil oo ah Xiddig 5-ta Waqti ee Salaada Tukada,Qaranka Germany Wacdi raaxada uga qaaday, & Dunida Islaamka oo ka hadashay (Halkaan ka Daawo muuqaalo yaab badan + News Kale) Mesut Özil Laacibka weeyn ee Dalkaan Germany looga yaqaan (Mital) oo ah macnaheeda Bir ama waxa eey ula jeedaan Magnet-ka eey Soomaalida u taqaano Birqabatada ayaa waxaa Nasiib weyn u yeelatay ineey Shukaansi badan ka dib la soo wareegto Kooxda Real Madrid ee dalka Spain. Mesut Özil ayaa waxaa ka daba rafaaday marka Real Madrid laga soo tago Kooxaha waa weeyn ee Man Utd, Bayer München,Barcelona, Inter, iyo Chelsea oo isbuucii ugu dambeeyey soo bandhigtay doonitaanka Laacibkaan Asalkiisa Turkiga ah balse ku dhashay Gobolka Gelselkirchen ee Jarmalka. Inta uusan bilaaban Koobkii Addunka ayaa Bogaan www.xiriiriye.com waxa uu idiin soo bandhigay Mucjisooyin uu la soo baxay Mesut Özil oo aanu sheegnay in la gadan doono bilaha soo socda maadama uu ka yaabiyey bahda Horyaalka Bundesliga ee dalkaan Germany. Özil oo u dheela Kooxda Werder Bremen ayaa waxa uu si weeyn ugu soo caan baxay Kooxda Gobolka uu ku dhashay ee uu ka yamid ugu Tunka weeyn waa FC Schalke ka dib na waxa uu u wareegay Dhanka Kooxda laga Biilo Degada Bremenhafen & Xayeeysiinta (So geht Bank-Heute) ee Werder Bremen. Mesut Özil oo ah Ruux ku wanaagsan dhanka tarbiyadiisa iyo Aqlaaqda eey soo bareen waalidkiisa ayaa waxaa la sheegay in eeysan jirin maalin qura oo 1-mar Salaada eey ka tagto iskaba daa inuu wax yaalo kala sameeyee. Waa 21-jir, Real Madrid-na waxa eey cash kula wareegtay 15-Milyan. Telefishinka Ntv qeeybtiisa Sportiga ayaa Doraad arin la yaab leh kala kulmay Mesut Özil ka dib iyaga oo wareeysi intervieu ah la leh ayaa waxaa dhacday in Mesuz Özil eey soo ag dhigeen Cabitaano badan oo kala nuuca ahaa sida Coca Cola Fanta Pepsi iwm taas oo si deg deg ah Özil ugu celiyey Martisoorayasha Tv-ga Ntv una sheegay inuu Sooman yahay.. intaas ka dib si aad ah ayey uga raali geliyeen arinkaas Maamulka tv-ga maadama eeysan la soocan Soonkiisa. Bastian Schweinsteiger & iyo weeraryahan Kooxda Bayer München iyo Qaranka Jarmalka Mario Gomez ayaa sheegay in Mesut Özil uu mar kasta ka wacdiyo wax yaalo xun xun in eeysan sameeyn oo Illah markasta kor uga jeedo diinteey doonaan ha heeystaane. Özil oo la weey diiyey in Suaal aad u kulul ayaa sidan eheed: Hada Real Madrid ayaa ku gadatay saan u jeedno waad soomantahay ka waran hadii adoo sooman Real Madrid Barcelona is qaabilaan?? !!! Waxa uu ku jawaabay Mesut Özil Sidan, (Naja) waxaan hubaa 100% inaan markaan soomanahay awood badanahay. Özil ayaa la weeydiiyey in uu ogyahay iyo in kale Xiddiga kale Sami Khedira ee isla Kooxda Real Madrid ka iibsatay Kooxda Stuttgart ee Jarmalka una dheela Qaranka Germany in uu isna sooman yahay iyo in kale maadama uu dhalay aabe Tuunisiyan ah iyo Hooyo Jarmal ah ?? waxaa uu ku soo koobay hadal kiisa sidan: hada wuu maqan yahay oo Madrid ayuu jiraa laakiin Jimcihii mar uu yimid München Ciyaartii Bayer Vs Real Madrid ayaan isku meel ka wada afurnay !! ..Intaas ka dib waxaa qoslay Wariye Martin Lautner oo la yaabay sida labadaan Xiddig isku og yihiin. Akhristoow waxaanu halkaan idinkugu diyaarinay 5-video Daawasho ah oo ku saabsan Arinta Laacibkaan Aqlaaqda wanaagsan ee Taageerayaal badan oo Soomaaliyeed ka muteeystay qadarin & ineey fiiro gaar ah u yeeshaan Mesut Özil halka war baahinta caalamka kuwooda islaamka ah sidoo kale afka ka qaadi waayeen laga soo bilooba Koobkii Addunka ilaa hada oo uu ku biiray Kooxda ugu lacagta badan Dunida. 1-Halkaan ka Daawo waxa eey war baahinta islaamka ee dunida ka yiraahdeen Mesut zil : http://www.youtube.com/watch?v=QP4NRH0FNW0 2- Halkaan ka Daawo sida Saxaafada Germany wacdarihiisa ugu sameeyen qaab Kumbiyiitar sida uu mar kasta uga dhex dhuunto kuwa isaga Banooniga ku raaca : http://www.youtube.com/watch?v=5ADerPvuZak&feature=related 3-Halkaan ka Daawo isaga oo Ciyaarkasta inta uusan dheelin ka hormariya Ducooyin eey Joornalistayasha daba dhiteen iyaga oo mar kasta sawira lana yaaban Qaabka Ducada Mascuuuuud Özil : http://www.youtube.com/watch?v=dqmPb83TrcU&feature=related 4-Halkaan ka Daawo Taageerayasha Jarmalka oo aad u tageersan inta badan waxa eey aaminsan yihiin inuu yahay Nika u badali lahaa Michael Ballack : http://www.youtube.com/watch?v=xLi-pbgwHFg 5- Ugu Dambeyntii Bahha Xiriiriye waxaad Halkaan ka Daawataan Wacdaraha Mesut Özil Guul & Guuldaro sida uu ugu qanco waxa uu calaf u helo iyo weliba sida eey Tababarayaasha u jecel yihiin : http://www.youtube.com/watch?v=479Ga8aS4ls Dhanka kale waxaa la dheelay Kulamo ka tirsan Champions-League-Quali- 2010/11 Kooxaha ayaa sidan ku kala baxay. Kooxaha Tottenham & Auxerre oo kala tirsan Horyaalada England iyo France ayaa dhulka lagu jiiday oo kooxo yar yar eey soo garaaceen Halka Dinamo kiev Vs Ajax Bareejo 1-1 ah ku balameen. Kulamada ayaa sidaan u dhacay:
Play-off, wajiga hore
| Talaado, 17. August: |
| Zenit St. Petersburg (RUS) |
AJ Auxerre (FRA) |
|
1:0 |
| Dynamo Kiew (UKR) |
Ajax Amsterdam (NED) |
|
1:1 |
| Rosenborg Trondheim (NOR) |
FC Kopenhagen (DEN) |
|
2:1 |
| Sparta Prag (CZE) |
Zilina (SVK) |
|
0:2 |
| Young Boys Bern (SUI) |
Tottenham (ENG) |
|
3:2 |
| Arbaco, waxaa dheelaya 18. August: |
| Red bull Salzburg |
Hapoel Tel Aviv (ISR) |
|
20.45 Uhr |
| FC Basel (SUI) |
Sheriff Tiraspol (MDA) |
|
-:- |
| Partizan Belgrad (SRB) |
RSC Anderlecht (BEL) |
|
-:- |
| Werder Bremen (GER) |
Sampdoria Genua (ITA) |
|
-:- |
| SC Braga (POR) |
FC Sevilla (ESP) |
|
-:- |
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|