 |
|
 |
MessiVsmalaga |
 |

SAXAAFADA : Geele Gaaboow Lionel Messi oo kooxda Malaga dhulka la simay & Cristiano Ronaldo oo Rigooreyaal uusan shaqeeysan ugu Jawaabay,*Diego Milito oo Jiifka ka kacay iyo kooxda Juventus oo qaaday Koobkii Qaboobaha (Halkaan ka Daawo Faaqidaada La Liga & Serie A + Top News) *** Xiddiga heeysta Laacibnimada Dunida ee u Ciyaara kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka Argentina Lionel Andres Messi ayaa ka xishoon waayey kooxda Malaga oo uu marti u ahaa. Horyaalka dalka Spain ee Primera Division/La Liga oo la ciyaaray kulankiisii 19-aad wuxuu Geele Gaaboow Leo Messi 3-Gool oo xiriir ah ka xareeyey kooxda Fc Malaga Daqiiqadihii 33-aad, 51-aad iyo 80-aad. Goolka kale waxaa Fc Barcelona u saxiixay Xiddiga Reer Chile ee Dunida ugu Raqiisana balse gadaal ka Qaaliyoobay waa Laacib Alexis Sanchez Daqiiqadii 48-aad. Saaxafada ugu afka dheer Caalamka wexeey qabaan inta uu Aw Gaaboow Leo Messi sidaas u kacsan yahay waxa uu dal-dalan doonaa koobab fara badan kuwaas oo sabab u noqon doono inuu markiisii 4-aad jeebka dambe gashto Abaalmarinta Laacibka Sanadka ee Dunida. Halkaan ka Daawo Leo Messi oo lagu tiriyo Xiddig Gaaban iyo Testadiisa oo badatay >>> http://www.youtube.com/watch?v=FScU1prkwTk. ***Kooxda Real Madrid oo Caalamka looga yaqaan Boqorada Reer Yurub wexeey 4-1 ku suuldaartay naadiga Athletic Bilbao oo Garoonkeeda marti ku ahaa balse Gool kala hor martay Real Madrid Daqiiqadii 12-aad waxaana u saxiixay Goolka Naadiga Bilbao Weeraryahanka Qaranka Spain Fernando Llorente .Goolasha Hala Ole Glackticos Real Madrid waxaa u kala saxiixay dhankooda Difaaca mintidka ah ee reer Brazil waa Ciyaaryahan Marcelo Daqiiqadii 24-aad. Daqiiqadihii 46-aad iyo 65-aad ayuu Laacib Cristiano Ronaldo 2 Gool oo Rigoore ahaa dhaliyey waxaa Rigooreyaashaas keenay Laacibiinta kala ah Ricardo Kaka iyo Mahare Mesut Özil. Xiddiga dheg dhega badan ee kooxda Athletic Bilbao Oscar de Marcos wuxuu Daqiiqadii 66-aad Rooso ku qaatay Laacib Mesut Özil oo uu Jilaafo raaxada uga qaaday. Ugu dambeeyntii kooxda Boqorada Reer Yurub Real Madrid waxaa goolka 4-aad ku soo xiray sheekada Xiddiga cusub ee fak fakta badan waa Ciyaaryahan Jose Callejon Daqiiqadii 85-aad. Halkaan ka Daawo Real Madrid Vs Athletic Bilbao >>> http://www.youtube.com/watch?v=CUNIklhWXPM . Kooxda Real Madrid 5-Dhibcood ayeey ka horeeysaa Catalonia Fc Barcelona balse su´aasha is weeydiinta mudan wexeey tahay sidaas ma ku dhameeysan doontaa Real Madrid horyaalka La Liga mise mar kale ayaa quus lagu ridi doonaa? HORYAALKA LA LIGA EE DALKA SPAIN KOOXAHA WEXEEY ISKU ARKEEN QAABKAAN :
| SABDI : |
| Espanyol Barcelona |
Granada |
3:0 |
| Santander |
Getafe |
1:2 |
| Real Sociedad |
Atletico Madrid |
0:4 |
| Betis Sevilla |
FC Sevilla |
1:1 |
| AXAD : |
| Osasuna |
Valencia |
1:1 |
| Rayo Vallecano |
Mallorca |
0:1 |
| Malaga |
FC Barcelona |
1:4 |
| Levante |
Saragossa |
0:0 |
| Real Madrid |
Bilbao |
4:1 | HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDATAN :
| 1. |
Real Madrid |
19 |
16 |
1 |
2 |
67:18 |
49 |
| 2. |
FC Barcelona |
19 |
13 |
5 |
1 |
59:12 |
44 |
| 3. |
Valencia |
19 |
10 |
5 |
4 |
29:20 |
35 |
| 4. |
UD Levante |
19 |
9 |
4 |
6 |
25:22 |
31 |
| 5. |
Espanyol Barcelona |
19 |
8 |
4 |
7 |
21:21 |
28 |
| 6. |
Osasuna Pamplona |
19 |
6 |
9 |
4 |
22:31 |
27 |
| 7. |
Athletic Bilbao |
19 |
6 |
8 |
5 |
27:23 |
26 |
| 8. |
Atletico Madrid |
19 |
7 |
5 |
7 |
27:27 |
26 |
| 9. |
FC Sevilla |
19 |
6 |
8 |
5 |
20:20 |
26 |
| 10. |
Malaga |
19 |
7 |
4 |
8 |
22:28 |
25 |
| 11. |
Getafe |
19 |
6 |
6 |
7 |
20:25 |
24 |
| 12. |
Betis Sevilla |
19 |
7 |
2 |
10 |
22:27 |
23 |
| 13. |
Rayo Vallecano |
19 |
6 |
4 |
9 |
21:28 |
22 |
| 14. |
Real Mallorca |
19 |
5 |
7 |
7 |
17:24 |
22 |
| 15. |
Real Sociedad |
19 |
5 |
6 |
8 |
20:27 |
21 |
| 16. |
Racing Santander |
19 |
4 |
8 |
7 |
15:23 |
20 |
| 17. |
Granada |
19 |
5 |
4 |
10 |
12:26 |
19 |
| 18. |
Sporting Gijon |
18 |
5 |
3 |
10 |
18:30 |
18 |
| 19. |
Villarreal |
18 |
3 |
7 |
8 |
15:28 |
16 |
| 20. |
Real Saragossa |
19 |
2 |
6 |
11 |
14:33 |
12 | *** Horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A waxaad moodaa inuu yeeshay Waji cusub oo 4-Geesood ah ka dib markii ay si weeyn u soo dhawaatay kooxda Inter Milan oo mar kale soo laba kacleeysay. Serie A in mudo ah waxaa isku bad badali jiray kooxaha Juventus ,Ac Milan iyo Udinese balse hada Inter Milan ayaa Rajadeeda soo noolaatay. Inter Milan 2-1 ayeey ku Qaarajisay SS Lazio oo uu fursado qaali ah ka qasaariyey Weeraryahanka Qaranka Germany Miroslav Klose. Inter Milan waxaa Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Diego Milito Daqiiqadii 44-aad iyo Gianpaolo Pazzini Daqiiqadii 63-aad. Glka S S Lazio keensatay waxaa dhankooda u saxiixay Ciyaaryahan Tommaso Rocchi . Weeraryahan Qaranka Argentina iyo kooxda Inter Milan Diego Milito oo mudo aad u fog ay ka jiiftay markaan dib ayuu boorka iskaga jafay wuxuuna ku soo laabtay Wadadii Goolasha ka soo biloow kulankii uu Isbuucii la soo dhaafay Goolka Guusha ku soo quusiyey Dariskooda kooxda Ac Milan. Halkaan ka Daawo Inter Milan Vs SS Lazio >>> http://www.youtube.com/watch?v=UuDeEq8n3Iw . *** Kooxda Juventus oo Hogaanka u heeysa horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa loo Caleemo saaray abaal marinta loo yaqaan Winter-Krone ee aalaaba la siiyo kooxda qaado kala barka Horyaalka Talyaaniga ee xiliga Qaboobaha . Macalinka Juventus Antonio Conte oo Saxaafada la hadlayey waxa uu sheegay in abaalmarintaan aysan sahal aheeyn uuna bogaadin u soo jeediyey Ciyaartooyda kooxdiisa oo aan weli laga badin xili Ciyaareedkaan >> (Obwohl Juventus zur Halbzeit der Serie A ungeschlagen Tabellenführer ist. Den inoffiziellen Titel des Wintermeisters gesichert. ?Der Wintermeistertitel ist eine große Genugtuung für uns. Das war schon eine außergewöhnliche Hinrunde", sagte Juve-Coach Antonio Conte, dessen Team mit Ligaskandal, Zwangsabstieg und langer Krise keine leichte Zeit hinter sich hat.)<< Arinta ugu yaabka badan oo ay qoreen Jaraaidyada ugu caansan dalka Talyaaniga sida Gazzetta dello Sport iyo Corriere dello Sport wexeey eheed iyaga oo ka naxsaday kooxaha kale ee xili Ciyaareedkaan horyaalka Talyaaniga kula tartamaayo kooxda Juventus kuwaas oo sheegay Taariikh ahaan kooxda Juventus ineey waligeed qaadi jirtay Serie A marba hadii ay Winter-Krone gacanta ku dhigto. >> (Glaubt man den Statistiken, ist der Titel praktisch sicher, denn in den letzten sieben Jahren holte der Halbzeitführende am Saisonende auch die Trophäe. ?Juve siegt und siegt und ist dabei so souverän wie nie zuvor", lobte die ?Gazzetta dello Sport" die ?Alte Dame". ?Ja, dieses Juve hat das Zeug zur Meisterschaft", titelte der ?Corriere dello Sport". Trotz der Lobeshymnen bleibt Conte realistisch: ?Es wird sehr schwer werden, so eine Serie in der Rückrunde zu wiederholen.")<< Kooxda Juventus kulankii ugu dambeeyey wexeey Guri kale ku soo quusisay kooxda Atalanta (0-2) waxaana Juventus Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Stephan Lichtsteiner Daqiiqadii 55-aad iyo Emanuele Giaccherini Daqiiqadii 82-aad. Halkaan ka Daawo Atalanta Vs Juventus >>> http://www.youtube.com/watch?v=9bSAXMe4Nek&feature=related. *** Kooxda Ac Milan oo Laf dhuun gashay ku noqotay Juventus wexeey dhankeeda 0-3 uga soo badisay Naadiga Novara oo horyaalka Talyaaniga ka hogaaminaayo dhanka ugu hooseeyso tartanka kooxaha. The Rossoneri Ac Milan waxaa goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic Daqiiqadihii 57-aad iyo 90-aad ,Goolka kale waxaa ku tuurtay Laacib Robinho Daqiiqadii 74-aad.Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=1MY6upHF6p8 . *** Kaptan Francesco Totti oo Iskoor caalami ah ka jabiyey Rugcadaagii hore ee Ac Milan iyo Qaranka Sweden Gunnar Nordahl oo horay u soo dhaliyey 210 gool Sanadihii 1949-kii iyo 1956-kii ayaa waxaa hada Iskoorkaas 211 Gool ku jabiyey Kaptan Totti Halkaan ka Daawo As Roma Vs Cesena >>> http://www.youtube.com/watch?v=i3ja46KsUhk&feature=related . HORYAALKA SERIE A EE DALKA TALYAANIGA KOOXAHA WEXEEY ISKU QAABILEEN SIDAN :
| SABDI : |
| AS Roma |
Cesena |
5:1 |
| Atalanta |
Juventus |
0:2 |
| AXAD : |
| Bologna |
Parma |
0:0 |
| Novara |
AC Milan |
0:3 |
| Lecce |
Chievo Verona |
2:2 |
| Palermo |
Genoa |
5:3 |
| Siena |
Napoli |
1:1 |
| Udinese |
Catania |
2:1 |
| Cagliari |
Fiorentina |
0:0 |
| Inter Milan |
Lazio |
2:1 | KOOXAHA HORYAALKA TALYAANIGA DHANKA DHIBCAHA WEXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN :
| 1. |
Juventus Turin |
19 |
11 |
8 |
0 |
31:12 |
41 |
| 2. |
AC Milan |
19 |
12 |
4 |
3 |
40:17 |
40 |
| 3. |
Udinese |
19 |
11 |
5 |
3 |
28:14 |
38 |
| 4. |
Inter Mailand |
19 |
11 |
2 |
6 |
30:20 |
35 |
| 5. |
Lazio Rom |
19 |
9 |
6 |
4 |
27:19 |
33 |
| 6. |
AS Roma |
18 |
9 |
3 |
6 |
28:20 |
30 |
| 7. |
SSC Napoli |
19 |
7 |
8 |
4 |
34:21 |
29 |
| 8. |
US Palermo |
19 |
7 |
3 |
9 |
24:27 |
24 |
| 9. |
Chievo Verona |
19 |
6 |
6 |
7 |
16:22 |
24 |
| 10. |
FC Genoa |
19 |
7 |
3 |
9 |
25:34 |
24 |
| 11. |
Cagliari |
19 |
5 |
8 |
6 |
16:18 |
23 |
| 12. |
FC Parma |
19 |
6 |
5 |
8 |
24:32 |
23 |
| 13. |
AC Fiorentina |
19 |
5 |
7 |
7 |
18:16 |
22 |
| 14. |
Catania |
18 |
5 |
7 |
6 |
21:27 |
22 |
| 15. |
Atalanta Bergamo * |
19 |
6 |
8 |
5 |
23:25 |
20 |
| 16. |
Bologna |
19 |
5 |
5 |
9 |
17:25 |
20 |
| 17. |
AC Siena |
19 |
4 |
7 |
8 |
20:20 |
19 |
| 18. |
AC Cesena |
19 |
4 |
3 |
12 |
13:30 |
15 |
| 19. |
US Lecce |
19 |
3 |
4 |
12 |
20:36 |
13 |
| 20. |
Novara |
19 |
2 |
6 |
11 |
18:38 |
12 | !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|