La Yaab : Ninkii dhawaan Weeraray Ciyaaryahan Lionel Messi ee Gurigiisa laga helay Sawirada Cristiano Ronaldo oo Dhaqtar Caafimad maray inta aan la Xukumin, Maxaa laga Helay Caafimaadkiisa ? (War Bixin RTL Tv) .
Barnaamishlka La Yaab ee ka baxa www.xiriiriye.com kama haro ilaa uu xog ramsi ah ka keeno wararka Xasaasiga Sport ah ee Xiisaha iyo La Yaabka ku reeba inta badan Akhristayaasha ku xiran Bogaan.
Tv-ga caanka ah ee RTL qeeybtiisa Mucjisooyinka Caalamka ayaa waxaa uu war bixin dheer ka diyaarshay Ninkii dhawaan weerarka ku soo qaaday Ciyaaryahan Lionel Messi kulan dhex maray kooxaha Panathinaikos vs Barcelona (0-3) kana tirsanaa koobka UEFA Champions League.
Saxaafada caalamka oo isla habeen kaas uu weerarka dhacay ku tilmaamtay ninkaan inuu yahay Qolooyinka loo yaqaan (Flitzer) ee garoomada u soo galo ineey magac ku yeeshaan ama Xiddig caan ah isku tuuraan si Telefishinada caalamka looga daawado ayaa taas waxaa si weeyn uga badalan qaabka uu ku soo galay Ninkaan iyo waxa uu doonayey.
Taageerahaan Jahwareersan ayaa Su´aalihii la weeydiiyey waxa uu ka dhamaan waayey sidan: " Waan Necbahay Messi, Aad ayaan u necbahay Messi !!!!. Ciidamada amniga ee Ninkaan arintiisa gacanta ku hayey ayaa waxa eey bilaabeen ineey si deg deg ah Dhaqtar caafimaad ugu diraan maadaama Xiriirka kubada cagta ee Uefa iyo dalka Giriiga eeysan deg deg ka xukumi karin qof inuu Fiyoowyahay ama Waalan yahay aan laka cadeen.
Hadaba sida uu RTL-ka soo daayey waxaa Ninkaan 10.12.2010 u timid warqad jawaab ah oo uu Dhaqtarka ku sheegay inuu 98% uu caafimaad qabo wax waali lagu sheegi karane eeysan jirin balse laga doonaayo Ciidamada Amniga ineey ugu yaraan 2 ilaa 3 bilood eey meel degan ku haayaan si loo ogaado sababta ku kaliftay Naceeybka sidaan oo dhan u weeyn.
Ninkaan oo bilowgii markii eey Fadeexadaan dhacday la soo qabtay Xabsigana loo taxaabay ayaa waxaa la soo baaray Gurigiisa oo laga soo helay Sawiro faro badan oo Cristiano Ronaldo ah balse taas waxaa diidan oo eey u cuntami weeysay Dhaqtarka & ciidamada gacanta ku haayo oo sheegay hadii eey ku kaliftay inuu Cristiano Ronaldo dartiis u weeraro Ciyaaryahan Lionel Messi garoon dhan oo buuxo dhexdiisa eey cadaan doonto inuu yahay Ruux waalan ama loo gudbin doono meelaha lagu xanaaneeyo dadka miyirka dhiman.
Mucjisadii ugu yaabka badneed ee Tv-ga RTL uu war bixintiisa soo raaciyey ayaa eheed muuqaalo aad u fara badan oo Taageerayaal kala joogay Horyaalada Spain, Italy, England, Germany, France, Holland oo kala sitay Maaliyadaha ama Funaanadaha labadaan ciyaaryahan (Cristiano Ronaldo & Lionel Messi) ayaa waxa eey si Nabad ah ku wada daawanayeen Horyaalada in kastoo eey mar mar isku buuqayeen iyaga oo kala aaminsan fikrado eey kala qabaan ama la soo shir tageen.
In la isku buuqo ama la is caayo ma xumo laakiin qaar ka mid ah Taageerayaasha oo mar mar seeflabood noqda ama iska dhex xaadiriya garoomada dhexdooda ayaa wexeey sabab u noqotaa Xabsi dheer oo uu Dibada u soo baxo xili Ciyaaryahankii uu taageerayey dartiisna xabsiga u galay oo Ciyaaraha oo dhanba ka fadhiistay ama bidaar gashay waana wax dhacay oo dunida meelo badan ka dhacay sida Taageerihii Xiddiga Brazil ee Romario taageersanaa oo ilaa hada xabsi ku jira ka dib markii Taageere Romario wax ka sheegay uu ka soo tuuray Dabaqa kore ee Garoonka waxaana dhibanahaas dabaqa laga soo tuuray uu halkaas ku waayey Labadiisii Lugood.
Inta badan Ciyaaryahanada caanka ah ee dartood dhibaatada loo sameeyo ayaa marka eey maqlaan in dartood wax loo haligay wexeey ka dhuuntaan ama iska weey neeysiiyan Shaqsiyaadka dhibaatada geeystay isaga oo difaacaayey ama magaciisa kor u qaadaayey wexeeyna badanaa ku tilmaamaan qof waalan oo iyaga magaca ka xumeenaayey.
Akhristoow mexeey kula tahay hadii eey Ninkaan ku cadaato inuu Lionel Messi u weeraray Cristiano Ronaldo dartiis?? Mexeeysa kula tahay hadii Cristiano Ronaldo uu maqlo inuu jiro Ruux dhibaatadaas (Wuuba Maqlayee!) Messi ku sameeyey Jaceyl ama Taageere uu C.Ronaldo u qabo darteed??