MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Halkaan ka Daawo Cadeenta Muamar Al Qaddafi oo Nolol lagu qabtay intaan la Dilin iyo Hadalkiisii ugu dambeeyey oo noqday "Fadlan ha i Dilina,, Kiiska Qaddafi oo Durbadiiba Fadeexo cusub abuuray & Warar kii ugu dambeeyey ee Dalka Liibiya (Daawo Bistooladiisa oo DAHAB eheed iyo Arxandarada Maanta mar kale Marxuum Qadaafi Meeydkiisa lagu sameeyey) !!
(GENEVA): Masuulka ugu sareeya Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqda Aadanaha Mr.Rupert Colville waxa uu sheegay weli ineeysan ku qanacsaneeyn qaabkii loo Dilay Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr.Muamar Al-Qaddafi. Rupert Colville oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Geneva ee dalka Swetzerland waxa uu sheegay ineey soo dirsan doonaan Quburo si wanaagsan u baarta qaabkii loo Dilay Col.Muamar Al-Qadaafi.
Dilka Col Qadaafi ayaa durbadiiba waxa uu keenay Shaki cusub iyo Fadeexo weeyn oo ku iman karta Gaashaanbuurta NATO, maxaa yeelay Col.Qaddafi xili uu doonayey inuu Gawaari kaga fakado Magaalada Sirte waxaa kor kala socda Diyaaradaha Dagaalka ee Gaashaanbuurta NATO oo si weeyn u dhageeysanayey Telefonadii eey ku wada hadlayeen Ciidamadii qaaska ahaa ee waardiyeeynayey Muamar Al-Qaddafi kuwaas oo Cirka ka duqeeyey Gawaaridii soo doontay Col Qaddafi waxaana Goobtaas soo gaaray Maleeshiyaad Careeysan oo kooxaha Mucaaradka ka tirsanaa .
Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr.Muamar Al-Qadaafi ayaa sida eey warbixintu cadeeneeyso waxa uu galay ama kaga dhuuntay Maleeshiyaadka Mucaaradka Meel Biyo mareen ah oo ku taalay magaalada Sirte (Rohl-Sirte) . Xiligaas Col.Qadaafi waxaa ku yaalay ama uu qabay Dhaawac lagu sheegay Firir xabadka ka gaaray oo ahaa mid uu si caadi ah u socon karay sida ku cad Muuqaalkaan.
Maleeshiyaadka Mucaaradka oo ku yaacay Dhaawaca Qadaafi waxaa lasheegay ineey xitaa Gawaari ku jiideen ka dibna isku Dagaaleen cidi Toogan leheed isaga oo leh " Fadlan ha i Dilina,,
Bistooladii Qadaafi oo ka Sameeysneed DAHAB xiligii uu Duqeeynta Diyaaradaha NATO ka cararayey ayeey wexeey kaga dhacday afka hore ee goobtii lagu duqeeyey Gawaaridii qaadi leheed (Rohl-Sirte).
(DENHAAG HOLLAND) : Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee Addunka oo Col.Qaddafi si weeyn u dooneeysay wexeey cambaareeysay qaabkii loo Dilay Marxuum Qaddafi balse waxaa difaacay Dilka Qaddafi Mahmud Dschibril oo ah masuulka labaad ee Mucaaradka dalka Liibiya ugu sareeya kaas oo sheegay cida Rasaasta Qaddafi ku Dishay ineey ahaayeen ilaaladiisa oo diidaneed inuu u gacan galo Dawlada cusub ee dalka Liibiya.
(Amnesty International) Meeydii Col.Qadaafi oo maanta la dhigay meel dhalo ka sameeysan oo ku taal Isbitaalka magaalada Mizrata waxaa Saacad walba isku sawirayey oo goobtii la dhigay Haraanti iyo dhaqamo xun oo ka baxsan Diinta Islaamka kula kacay Dad halkaas iskugu soo xoomay waxaana ficilkaan si weeyn u cambaareeysay Hay´ada Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Amnesty International.
(Italy,Russia,Kuweit iyo Germany) : Dawladaha Kuweeyt ,Talyaaniga, Ruushka iyo Jarmalka wexeey soo bandhigeen Lacago Malaayiin Euro ah oo Col.Qaddafi ka taalay Bangiyada dalkaas wexeeyna Dawladahaan sheegeen ineey Lacagtaas faraha badan wax ugu qaban doonaan Shacabka dalka Liibiya gaar ahaan ilihii dhaqaalaha ee bur buray.
(Roma) : Magaalada Roma ee Caasimada dalka Talyaaniga oo kaliyah waxaa Col Muamar Al-Qadaafi ka taalay Lacag eey Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Talyaaniga ku sheegtay 50-Milyan oo Euro taas oo eey soo aruuriyeen dhoor bilood ka hor Wadamada Yurub waa intii eeysan Shacabkiisa ku kicin waxaana Lacagtaan lagu waday ama loogu talay inuu Col.Qadaafi wax kaga qabto Qaxootigii faraha badnaa ee ku soo qul quli jiray bil kasta Qaarada Yurub.
Halkaan ka Daawo Cadeenta Qaabkii Col.Qadaafi loo Dilay http://www.youtube.com/watch?v=fAYWD3denSA .