BARNAAMISHKA MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Meeydkii Marxuum Qadaafi oo laga qaaday goobtii Arxandarada eheed iyo markii ugu horeeysay oo la soo bandhigay Meeydadkii Ciidamadiisii qaaska ahaa ee lagu laayey Guri uu ku lahaa Magaalada Sirte (Halkaan ka Daawo)
Waxaa Cirka isku shareertay Fadeexadii Ciidamada Gaashaanbuurta NATO loo soo jeediyey oo eheed ineey Falal ka baxsan Shuruucda Beni´aadanimada ku taageereen ciidamadii Mucaaradka Liibiya ee la Dagaalay dawladii Marxuum Muamar Al Qadaafi.
" La iskuma ogeeyn in Maxbuus Nolol lagu qabtay la goowraco ama dhulka lagu jiido waana xaqdaro taas oo ma jirto cid difaaci karta Sharci daradaas ayuu yiri Madaxa ugu Sareeya Qaramada Midoobay Dhanka Xuquuqda Aadanaha.
Waxaa Caalamka laga daawaday markii ugu horeeysay ilaaladii Qaaska eheed ee Marxuum Muamar Al Qadaafi oo Gacmaha ka xir xiran kuwaas oo lagu hor laayey Hooygii uu Marxuum Qadaafi ku lahaa Magaalada Sirte oo ah goob aan sidaas ugu fogeen halkii qudhiisa Marxuum Qadaafi lagu jir dilay ka dibna lagu Toogtay.
Xaaska uu ka dhintay Marxuum Qadaafi iyo Caruurtiisa kuwii aan Dagaalada Liibiya ka qeeyb qaadan ayaa waxaa la sheegay ineey Maxkamad la kori doonaan Masuulkii watay Ciidamada Gaashaanbuurta NATO oo u dhashay dalka Canada. Kiiska Dhimashada Qadaafi wuxuu noqon doonaa mid adag maadaama la hayo Cadeeymo muujinaya in la laayey Ciidamo badan oo Nolasha lagu qabtay.
Masuuliyiinta ugu sareeysa Mucaaradka ama Dawlada cusub ee dalka Liibiya wexeey si weeyn u Difaaceen Gaashaanbuurta NATO wexeeyna sheegen in Qadaafi uu ahaa hal Qof oo la Dilay balse qudhiisa uu horay u soo Dilay Kumanaan kun oo Shacabka reer Liibiya ah.
Ugu dambeeyntii Meeydkii Marxuum Qadaafi iyo Wiilkiisa ayaa waxaa laga qaaday Goobtii Arxandarada eheed ee lagu daawanayey Maalmihii ugu dambeeyey waxaana la sheegay ineey Qooyskiisa ku Xabaalan doonaan goob Sir ah oo aan Saxaafada ama Shacabka Liibiya loo sheegi doonin.