Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka : Waxaad maqli Jirtay Qof Dabeecad Kulul ama Xanaaq badan, Maanta waxaad Daawan doontaa Eeey lagu sheegay kii Dunida ugu Dabeecada Kululaa (Halkaan ka Daawo Akhristoow hana Qoslin markaad Daawato La Yaabkaan ama waxa uu sameenaayo Eeeygaan !!)
Inta aad Dunida ku nooshahay waa qasab hadba inaad aragto wax-yaabo aadan horay u arag oo mararka qaar kugu reebo Yaab. Dadka Beniaadamka ah ayuu ilaaheey waxa uu u kala abuuray ama aad ka dhex heli kartaa Dad Dabeecad ahaan kulul oo aanan ka helin Kaftanka iwm halka qaar eey si aad ah u Jecel yihiin Bashaashnimada ama wada sheekeeysiga aan xuduuda laheeyn.
Sidoo kale Dadka Beniaadamka ah ayaad waxaa ku dhex arkeeysaa Qaar aan hadlinba laakiin marka eey xanaaqaan ama Furka tuurtaan eey adag tahay si aad uga badbaado waa hadii aad qod qodid ama gardareeysato dadkaas aan soo sheegay ee Aamusnaanta u dhashay. Hadaba Akhristoow ma is weeydiiysay in Ilaaheey xitaa dhanka Xayawaanaadka uu u abuuray kuwo degan oo dadka ku dhex noolaan karo iyo kuwa aan Beniaadanka la tusi karin oo dhibaateeyntiisa eey Sanka u saaran tahay.
Intaas oo dhan hadaad ka soo Gudubto Eeyga waxa uu ka mid yahay Xayawaanaadka ugu badan ee Malaayiin Dad ah eey ku heeystaan ama ku xanaaneeyaan Guryahooda. Laakiin Su´aashu wexeey tahay Eey la Xanaaneeyo ama Dariiqyada la la wareego waa la arkee weli ma aragtay Mid aad u Dabeecad Kulul oo Xitaa Jirkiisa ama Lugtiisa marka eey Dhaq dhaqaaqdo Qeeylo & Qaniinyo iskugu daraayo ? . Markaad Muuqaalkaan Daawato waxaa kuu soo baxaayo in Ilaaheey uu xitaa Xayawaanaadka ka dhigay ama u Abuuray kuwo degan iyo Kuwo Careeysan oo Qaniinyada iyo Dagaalka uu Sanka ka saaran yahay.