MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Dabeeysha lagu magacaabo Hurrikan Irene oo fara baŽan ku heeysa dalka Mareeykanka & Dhimashada oo gaartay in ka badan 21-Qof ,* Hubkii uu Qaddafi dhulka hoostiisa kaga qarsaday xoogaga Mucaaradka & NATO oo gacanta u galay Shacabka Liibiya iyo Dagaalkii ugu dambeeyey oo u jiheeystay dhanka magaalada Sirte (Halkaan ka Daawo kala Cararka New York ka taagan iyo Bililiqada Hubka Qaddafi)!!
(CIID MUBAARAK ,CIID WANAAGSAN DHAMAAN BAHDA KU XIRAN www.xiriiriye.com)
Waxaa la gaaray xiligii eey Shacabka Mareeykanka cabsida ku seexan jireen maadaama Gobolo iyo Degmooyin badan oo ka tirsan dalka Mareeykanka eey fara baŽan ku heeyso Dabeeysha Dilaaga ah ee loo yaqaan (Hurrikan Irene) !!
Waqooyiga Magaalada New York dhul dhirirkiisa lagu sheegay 140 km/h waxaa shalay iyo maanta fara baŽan ku heeysa Dabeeyshaan Qatarta ah ee Hurrikan Irene . Halka ugu daran ee lagu baabaŽay waa North Carolina iyo Virginia.
Magaalooyinka ku xeeran nawaaxiga New York 4-Milyan oo Qooys ayaa Koronto laŽaan ah shalay iyo Maanta sida uu sheegay masuulka qaabilsan ka hor taga dhibaatooyinka Dabeeyshaan Mr.Mark Bosma.
Gurmadka looga hortagaayo Dabeeysha Hurrikan Irene waxaa si toos ah uga qeeyb qaadanayey Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama oo tagay meelo halis ah wuxuuna Tv-ga CNN-ka uga tacsiyeey dadkii ku Geeriyooday dhibaatadaan.
Halkaan ka Daawo kala cararka ka taagan New York dhexdeeda http://www.youtube.com/watch?v=no06vsIDVjQ .
***Hubkii uu Qaddafi dhulka hoostiisa kaga qarsaday xoogaga Mucaaradka & NATO oo gacanta u galay Shacabka Liibiya iyo Dagaalkii ugu dambeeyey oo u jiheeystay dhanka magaalada Sirte(Halkaan ka Daawo)
Dagaalka ka socda dalka Liibiya ayaa maraya halkii ugu dambeeysay ee kala baxa eheed wexeeyna xoogaga Ciidamada Mucaaradka oo gacan dhanka duqeeynta cirka ah ka helaya gaashaanbuurta NATO markii ugu horeeysay u jiheeysteen dhanka magaalada Sirte oo ah halkii uu ku dhashay Madaxweeynihii xukunka xooga looga tuuray Mr.Mucamar Al.Qaddafi.
" Waan ognahay ineey dhul xeebeedka u dhaxeeya Tripoli iyo Sirte (30-km) Miinooyin ku aaseen Dambiilayaasha Qaddafi raacsan laakiin sidaas la iskaga hari maayo oo waxaanu ku balanay Ciidamada xaq u Dagaalanka ineey dalka oo dhan ka sifeeyeen Dambiilayaasha Shacabka Liibiya xasuuqay ayuu yiri Afhayeenka xoogaga mucaaradka Mr.Shamsuddin Ben Ali oo maanta ugu waramayey Saxaafada isaga oo jooga magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Liibiya.
Waxaa markii ugu horeeysay la helay ebid Hubkii ugu badnaa oo eey Ciidamada Qaddafi ku qarsadeen dhulka hoostiisa Baqaaro ku yaal kuwaas oo ka qarsaday Diyaaradaha Gaashaanbuurta NATO si eeysan u bur burin ama u duqeeyn inta eey la Dagaalamayeen xoogaga Mucaaradka.
Hubkaan oo u badnaa Rasaasta Taangiyada,Miraha Hoobiyaha iyo Xabadaha lidka Diyaaradaha ee Zuu-ga ayaa waxaa uu dhamaan intiisii badneed gacanta u galay Dad Shacab ah oo ku rartay Gawaari eey wateen .
Dhanka kale Shacabka Liibiya wexeey aad ugu mashquulsan yihiin soo sheegida xogta halka uu Qaddafi ku dhuumanaayo kuwaas oo isku mashquuliyey ineey helaan Lacagtii la sheegay in la siin doono cidii soo sheegto halku uu ku dhuumanayo Macangag Mr.Qaddafi.
Halkaan ka Daawo Bililiqada Hubka culus http://www.youtube.com/watch?v=eeNokJRyZPI