Leverkusen oo Ballack ku soo dhaweysay Lambarkii uu jeclaa ee Nr 13, Iyo isaga oo diiday inuu u wareego Liverpool, Tottenham & Fc Sevilla (Halkaan ka Daawo)
Xiddiga Qaranka Germany & Ex-Chelsea Player Michael Ballack ayaa waxaa soo dhaweyn weeyn loogu sameeyey Garoonka Kooxda Bayer Liverkusen (Arena) ee Horyaalka Germany.
Ballack oo Taariikh madoow iyo Nasiibdaro aad u weeyn eey qabsatay ka dib markii World Cup 2010 oo maalmo yar uun ka dhiman yihiin uu dhaawac ku seegay.
Ballack oo lagu naaneeso ama loogu yeero Matoorka dhexda ayaa waxa uu shaqsi ahaan diiday in uu u wareego Kooxaha Liverpool, Tottenham iyo Fc Seville oo aad u wada doonayey.
Ballack ayaa horay ugu soo caan baxay kooxda Liverkusen oo uu Fiinaalaha Champions League la yimid xiligaas oo Real Madrid 2-1 uga badisay ciyaartii kama dambeysta aheyd oo ka dhacday Dalka Scotland waxaana Gool qurxoon oo Taariikhda baal Dahab ah ka galay ka Dhaliyey Liverkusen Laacb Zinedin Zidane.