Xiddiga Cusub ee Man Utd Javier Hernandez oo Taagerayashiisa war eey ku farxaan u sheegay, Iyo Juan Mata oo noqday Laacibkii ugu horeeyey oo diido inuu Barcelona u wareego.
Xiddiga Cusub ee dhawaan Kooxda Manchester Utd kala soo wareegtay Naadiga Chivas Gudalajara (Mexsport) ee Horyaalka Dalka Mexico ayaa ugu baaqay Taageerayasha The Red Devils in eey Niyada geliyaan in Horyaalka England ee bilaaban doona bisha soo socota Man Utd la hoyan doonto.
Javier Hernandez ayaa yiri: Horyaal kaste oo bilaabanaya waxaa loo saadaalin jiray Chelsea, Liverpool iyo Arsenal, weeyna beenoobi jirtay oo 10-sano mudo ka badan Man Utd dhibco badan loogama qaadin ama iyadaaba ku Guuleysan jirtay.
Javier Hernandez ayaa marqaati uga dhigay horyaalkii ugu dambeeyey oo Kooxda Chelsea Faro cidiyo leh ku qaaday hadana waxaa loo saadalinayaa Man City oo kaalimaha eey Horyaalka Ingiriiska ka gashay lawada ogyahay iyadoo Ciyaartooy wanagsan wadatay Horyaalkii la soo dhaafay ayuu yiri Laacib Hernandez.
Javier Hernandez ayaa dhanka kale sheegay in uu xiriir Saaxiibtimo oo aad u weeyn uu la leeyahay Ciyaartooyda kale ee Meksikaanka ah ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska sida Giovani dos Santos (Tottenham Hotspur) iyo Carlos Vela (FC Arsenal) .
Javier Hernandez ayaa u sheegay Taageerayasha Man Utd in ilaa yaraan tiisii uu PlayStation Man utd ku ciyaari jiray balse hada uu Doonayo in Malaayiin Taageerayaal ManU ah oo Dunida ku nool inuu Lugtiisa wax ku tuso. Hernandez ayaa World Cup 2010 wacdaro ka dhigay waxaana uu Xulkiisa Mexico u dhaliyey 2-gool. Hernandez ayaa u waramayey Press Association Sport wuxuuna hadal kiisa iyo mikrafoomka ku soo gaba gabeeyey sidan: Aniga waxaan halkaan u imid Koobab, waana heeystaa Jaaniskii aan uga faaideysan lahaa ayuu yiri Hernandez.
Dhanka kale Xidiga Qaranka Spain iyo Kooxda Valencia Juan Mata ayaa si cad u diiday in uu u Wareego Barcelona oo aad u dooneysay.
Juan Mata ayaa noqonaya Laacibkii ugu horeeyey oo mudo 10-sano ah iska diido inuu Barcelona u wareego iyaga oo doonaya.
Barcelona ayaa inta badan ciyaartoyda iskugu faanaan marka eey soo doonto ama soo beeciso laakiin taas waxaa diiday oo yiri Barcelona uma socdo mana Rabo Lacib Juan Mata.
Mata ayaa yiri sidan : Sabab aan Valencia uga tago ma garanyo maxaa yeelay aad ayey iigu baahan yihiin waxaana kooxda ka tagay David villa oo Barca aaday iyo David Silva oo Manchester City aaday.
Ugu dambeyntii Mata oo u waramayey skysports.com ayaa si cad u yiri Kama tagaayo Valencia waxaana uu sheegay ineey doonayaa Champion League ineey wacdaro dhigaan..in yar oo wareysigaasa ka mid ah hoos ka aqri:
(Ich habe mich entschieden, Valencia in diesem Sommer nicht zu verlassen. Der Verein braucht in der kommenden Saison meine Hilfe", wird Mata bei skysports.com zitiert. ?Valencia arbeitet an einer Reihe von guten Verstärkungen und damit können wir auch in der Champions League einiges erreichen", so der spanische Nationalspieler (neun Einsätze, drei Tore für die ?Seleccion") weiter.)