Eric Abidal " Ma ahan Lacagta aan heeysto mid aan la Dhimanaayo waxaana doonayaa markaan Ciyaaraha ka fadhiisto goob aan si toos ah ugu Cibaadeeysto Waqtiyada Firaaqada,, Yaab Eric Bilal Abidal oo Masjid Cajiib ah ka dhisaayo Magaaladii uu ku dhashay ee Lyon/France (Canal Plus Player & Today)
(WAR BIXIN TARJUMAN BY : Canal+ Canal Plus) : Waa markii ugu horeeysay Taariikhda inta la ogyahay oo Ciyaaryahan ku dhashay Qaarada Yurub uu ka Dhiso Masjid balaaran halkii ama Deegaankii uu ka soo jeeday asal ahaan.
Eric Sylvain Bilal Abidal waa Difaaca Qaranka Diiqa reer France iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona wuxuuna Lacag kor u dhaaftay hal Milyan oo Euro Boos kaga iibsaday Nin lagu magaaca Kamal Yilmaz oo u dhashay ama asal ahaan ka soo jeedo dalka Turkiga balse xarumo Ganacsi ku leh magaalada Lyon ee dalka France.
Kamal Yilmaz wexeey isku afgarteen Eric Sylvain Bilal Abidal inuu ka iibiyo goob lagu iibin jiray Gawaarida cusub ee laga kala keeno wadamada Yurub.
Eric Sylvain Bilal Abidal qudhiisa wuxuu sheegay Dhismaha Masjidkaan cusub ineeysan aheeyn Fikrad cusub oo hada ku soo dhacday balse wuxuu sheegay tan iyo Sanadkii 2009 inuu qorshahaan waday oo ugu dambeeyntii uu waayey Boos ama meel ku haboon Dhismaha Masjidka cusub oo loogu magac daray BILAL.
Dhismaha Masjid ayaa bilaaban doono 28.11.2011 waxaana lafuri doona sida Canal plus uu shaaciyey 15-ka bisha April sanadka dambe waa 2012-ka.
Eric Sylvain Bilal Abidal sku dar Qarashaka uu ka bixiyey Booska laga dhisaayo Masjidka cusub iyo Lacagta geli doonta guud ahaan waxaa lagu sheegay ineey 3-Milyan oo Euuro gaari doonto.
3-Milyan oo Euro Abidal agtiisa wax kama aha waana la ogyahay qarshka baaxada weeyn ee uu Mushaar ahaan uga qaato Kooxda Fc Barcelona & Qaranka Faransiiska. Eric Sylvain Bilal Abidal wixii ka dambeeyey sanadkii 2008-ka wuxuu isku badalay Ciyaartooyda lagu tiriyo dhanka Cibaadada gaar ahaan kuwa eey Soomaalida u taqaan (Tabliiqa) ee inta badan jecel waqtiyadooda firaaqada Alla Bariga ama Alla ka cabsiga (Wardiga) Halkaan ka Daawo Abidal oo la sheegay xiliga uu firaaqada yahay ama Diyaarada kula Safro Qaranka France iyo Kooxda Fc Barcelona inuu Waqtigiisa ku dhameeyo aqrinta Quraanka >>> http://www.youtube.com/watch?v=d2tFGLymLBk .
Eric Sylvain Bilal Abidal wuxuu ku dhashay 11 Bishii Juulay Sanadkii 1979-kii magaalada Lyon ee dalka Faransiiska wuxuuna ka Ciyaaraa labo boos oo kala ah Difaaca Lugta Bidix iyo Difaaca Qadka dhexe ee maamula aalaaba Difaacyada labada dhinac ee Bidixda iyo Midigta .
Laacib Eric Sylvain Bilal Abidal wuxuu ku soo biiray kooxda Fc Barcelona Xagaagii 2007 xiligaas oo eey Fc Barcelona kaga soo iibsatay kooxda Lyon Adduun gaaraya 15 Milyan oo Euro. Abidal kooxaha uu horay ugu soo ciyaaray wexeey kala yihiin As Monaco, OSC Lille , Lyon iyo hada oo uu u ciyaaro Fc Barcelona.
Sanadihii 2005, 2006,iyo 2007 wuxuu Abidal sadex jeer oo isku xigto Horyaalka dalkiisa Faransiiska la soo qaaday kooxda Lyon. Abidal wuxuu guursaday sanadkii 2007-kii Haweeneeyda lagu magacaabo Hayet oo u dhalatay dalka Aljeeriya wexeeyna u dhashay 2-Gabdhood Halkaan ka Daawo labadiisa Gabdhood >>> http://www.youtube.com/watch?v=IpokoL2Zpb4.
Ciyaaryahan Eric Sylvain Bilal Abidal afkiisa waxaa laga hayaa in uu si fiican u qaatay Islaanimada sanadkii 2003 wixii intaas ka horeeyayna uu ahaa ruux Muslinimada ka sheegta afka oo kaliyah balse aan ku dhaqmin. Abidal Xiddiga eey ifka iskugu jecel yihiin waa Frank Bilal Ribery maxaa yeelay waxaa Qaarabo aad iskugu dhaw ah Xaaska Ribery iyo Xaaska Abidal wexeeyna kulmaan xili kasto oo eey Laacibiintaan fasax yihiin.
Mar uu Isbuucaan Tv-ga Canal+ (Canal Plus) weey diiyey Eric Abidal sababta ku kaliftay inuu dhisme Masjid ka bilaabo magaaladii uu ku dhashay ee Lyon wuxuu Abidal su´aashaas kaga jawaabay isaga oo aan dhib badan u marin sidan .
Eric Sylvain Bilal Abidal " Waxaan doonayaa goob aan ku Cibaadeeysto marka aan Ciyaaraha ka fadhiisto, waxaana ila wanaagsanaatay inaan hada sii Dhiso Masjidka Bilal mana rabo hadhoow inuu waqtiga igu yaraado, Lacagta aan heeysto ma ahan mid aan la dhimanaayo ama Qabri ila galeeyso ayuu yiri Laacib Abidal oo ka yaabsaday intii wareeysigiisa daawaneeysay !!
Halkaan ka Daawo Sababta eey Fc barcelona ku jeclaatay Eric Abidal iyo waxa uu taro >>> http://www.youtube.com/watch?v=fkud2DKA8GY
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!