Mas Dhirirkiisa lagu sheegay 6-Mitir oo Nafta ka jaray Neef Lo´ah iyo Maskii oo isna Goobtii lagu Dilay (Daawo Muqaal+Warbixin).
Dadka Xoolo dhaqatada iyo Beeraleeyda ah ee ku nool dalka Brazil ayaa inta badan wexeey la kulmaan Halis kaga timaado Masaska ugu Dhirirka badan Caalamka oo ku nool Waqooyiga dalka Brazil.
Masaskaan ayaa waxaa la sheegay marka ay Baahi dareemaan ama ay waayeen wax ay Cunaan ayeey u soo qaraab tagaan goobaha Xoolaha lagu dhaqdo ee dalka Brazil kuwaas oo wixii ka hor yimaada si fudud Nafta uga jara.
Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku Nool Deegaanadaas ayaa waxaa la sheegay ineey dhamaantood wada heeystaan Hub Sharciyeeysan oo ay iskaga dhiciyaan Xiliyada Kuleelaha Masas fara badan oo la sheegay ineey ka soo qaraab tagaan goobo aad uga fog halka ay ku nool yihiin Dadka iyo Duunyada.
Masaskaan ayaa inta badan waxaa looga Guuleeystaa marka ay Dileen Xoolaha ma lahan Caqli ay kaga baxsadaan Goobihii ay ku Cuneen Neefka waxaana dhoor Saacadood ka dib loogu dul yimaadaa iyaga oo weli ku dul duuban Neefkii ay dileen taas oo sababta in Rasaas Madaxa looga toogto Masaskii Cunay Xoolaha.