Qiso Caalamka oo dhan ka yaabsatay oo dhex martay Hooyo Maroodi ah oo Cunigeeda yar difaaceeysay iyo Yaxaas baahan oo ku mintiday inuu Cunuga yar cuno (Daawo Sawirada Dagaal kulul oo dhex maray labada dhinac)
Tv-ga caanka ah ee RTL oo laga leeyahay dalka Germany ayaa waxa uu soo daayey Qiso ka yaabsatay umadii daawaneeysay oo weliba ku reebtay xiiso iyo qosol aad u fara badan.
Waxaa Dagaal sokeeye oo aad u kulul uu dhex maray Hooyo Maroodi ah oo aad u oomaneed una dhaqaaqday dhanka Wabiga si eey Biyo uga soo cabaan iyada iyo Cunug yar oo eey dhashay balse waxaa si lama filaan ah Dagaal kulul ugu soo qaaday Yaxaas lagu sheegay in uusan 3-beri wax dhadhamin baahi tii ebid ugu darneedna eey heeyso.
Yaxaaska oo aad u caqli badnaa ayaa waxa uu Qaniinyada ka bilaabay ama ka hari waayey Maroodigii yaraa maadaama uu ogaa in Maroodiga weeyn uusan dhanka biyaha u soo jiidan karin. Hooyada Maroodiga ah oo Dagaalka si deg deg ah ugu soo biirtay ayaa waxa eey la safatay Cunugeeda oo Yaxaaska uu dhulka ku jiiday.
Yaxaaskaan baahan oo u ekaa mid go´aan ku gaaray inuu wax cuno oo baahida ka baxdo iyo in la dilo oo nafta laga qaado maadaama eey labo dhimasho wax iskugu dhaamin.
Dagaalka labadaan Xayawaan oo xitaa ilaa banaanka Biyaha hortooda la iskula soo baxay ayaa waxaa uu sii kululaaday markii Yaxaaska oo xanaaqsan lagana reebay Cunugii yaraa ee Maroodiga ahaa uu bilaabay inuu Hooyada Maroodiga eheed ka qaniino dhuunta dheer ileen awood ayeey uga reebtay cunugeedee.
Dagaalka ayaa waxaa ku guuleeysatay Hooyadii Maroodiga eheed oo ugu yaraan 2-jeer ku joog joogsatay Yaxaaska markii banaanka la iskula soo baxay waxaana iska cad in Yaxaaskaas baahan uu dhaawac soo gaaray si deg deg ahna dib ugu laabtay Webigii uu awal weerarka ka soo qaaday.
Guusha eey gaartay Hooyada Maroodiga eheed ayaa ah wax aan lagu faani karin maxaa yeelay iyada iyo Cunugeedaba waxaa loo aqoonsaday oo laga hor istaagay ineey Biyo ka cabaan Wabiga markii eey Yaxaaska dhaawaceena weey iskaga carareen oo ka Qaxeen meeshii uu rabay Yaxaaska inuu naftooda ku haligo ama Cunuga yar ee Maroodiga ah uu ku Qadeeyo.
Qisadaan oo ka yaabsatay dhamaan Dunida oo idil ayaa waxaa loogu magac daray Xayawaanaadkii isku ciil baxay oo loola jeeday (Mid Baahan Vs Mid ooman) wexeeyna ka dhacdy meel wax yar u jirto Caasimada Lusaka ee dalka Sambia.
Dhanka kale Barnaamishka La Yaab ayaa maanta aad u xiiso badan waxaana uu ku saabsan yahay Ciyaaryahan caan ah oo koox weeyn u dheelo oo Ciyaaryahan kale oo Ciyaal suuq ah uu ku dheelay Mustaqbalkiisa wuxuuna geeyaa Disco-wga iyo Baararka lagu Tunto, wuxuu baray Qamriga xun ee loo yaqaan Vodka iyo Sigaarka Qiiqa badan. Ciyaaryahankaan oo lacag badan la ganaaxay ayaa waxeey Saxaafada Sportiga ee caalamka soo bandhigtay Sawiradiisa iyo sida Sahlan ee uu beerta u galay isaga oo Taageere mida loo hayo Leo Messi iyo Cristiano Ronaldo ku lahaa Maslaxa kubada cagta .´(Filo warkaas Goor dhaw haduu alle Idmo iyo Faaqidaada Horyaalada)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey oo Tarjumay: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com