News : Laacib Weyne Rooney oo ku eedeeyey Xanaaqa & Caayda faraha badan Aabihiis Mark Rooney in uu sabab u yahay, waa maxay sababta? ( halkaan ka daawo Goolashii ugu wanaagsanaa ee Laacib Weyne Rooney shabaqa ku hubsado iyo Warar kii ugu dambeeyey ee Sport)
Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Manchester Utd Weyne Rooney oo u waramayey Jaraaidka Sportiga ka faalooda ee SUN Sports oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa waxa uu eedeeyn kulul dusha uga tuuray Aabihiis Mark Rooney.
Rooney oo wareeysi dheer dhiibay ayaa waxa ugu muhiimsanaa fadeexadii lagu soo eedeyey ee eheed in uu la seexday Dumar Jirkooda ka gancsado isaga oo xaas leh iyo Xanaaqa faraha badan waxa u sababta ah.
Laacib Rooney oo ka jawaabayey Fadeexadii uu geeystay ayaa yiri sidan: xaaskeeyga Coleen McLoughlin weey i cafisay waana markii labaad oo aan qalad ka galo mana u maleenayo in aan mar sadexaad si sahal ah qalad uga geli doono Jaceeylkeeyga Coleen McLoughlin oo aad ii jecel anigana sidoo kale aan aad u jeclahay.
Su´aasha laga weey diiyey waxa ku kalifay Xanaaqa dhaw oo uu ugu dambeeyey kii eey ka xanaajiyeen Taageerayaasha kooxda Everton oo ku soo qortay boorar eey Ciwaan uga dhigeen Sawirada Laacib Weyne Rooney iyaga oo ka faaideysanaya fadeexda uu xaaskiisa ka galay ku qoray sidan: (Shaxaari, Mayiikoole, Xaaskiisa Qiyaane, Madax Dibi) iyo waxyaalo badan oo dadkii Dunida ka daawanayey eey aad ula yaabeen Naceeybka intaas la eg ee Taageerayasha Kooxda Everton u qabaan Laacib weyne Rooney oo iskaga tagay 2004-kii kooxda Everton oo aad ugu baahan kuna biiray kooxda Man Utd.
Weeraryahan Weyne Rooney oo xanaaqa uu ka qaaday Foorida iyo Caayda eey Taageerayaasha Everton raaxada uga qaadeen ayaa ku ciil baxay Musqushii Qubeeyska ee Garoonka kooxda Everton ka dib markii uu Haraanti kala daalay Darbiga.
Laacib Rooney oo inta uusan ku soo biirin kubada cagta ahaa Feer yahan barta Feerka Karateyda uu la socdo ayaa Wariyaha wareeystay oo weey diiyey Xanaaqa faraha badan ee aan xuduuda laheyn waxa ku kalifay ayaa yiri sidan: All waxaa u sabab ah Aabe Mark Rooney oo marka aan ku soo daaho Tababarka Feerka ama Tababarka ciyaaraha si xun ii garaaci jiray, weliba waxa uu mar mar igu jiidi jiray dhulka taas ayaana u sabab ah inaan qof kaste oo iga gar daran aan si sahal ah ugu xanaaqo.
Weyne Rooney waxa uu ku dhashay 24.Oktober 1985 Magaalada Kroxteth ee Liverpool ,dhiriir kiisa waa 178 cm waxaa Ingiriiska badanaa looga yaqaan ( The Bad Boy) Goolashiisa kuwii ugu muhiimsanaa ee Taariikhda eey xusi doonto ayaa waxaa ka mid ah kuwaan.
Halkaan ka Daawo Party 1, 2, iyo 3. .
1- http://www.youtube.com/watch?v=k_RPMPpi7zE
2- http://www.youtube.com/watch?v=FuXXuVqehDk&feature=fvw
3- http://www.youtube.com/watch?v=Am_AeZnudQ0&feature=related
X I R I I R I Y E W O RLD S P O R T N E W S A Y A A W A X A A U G U W A A W E E Y N :
Qaar ka mid ah kooxaha Horyaalada Spain iyo Germany ayaa dheelay wexeyna dhibcaha u kala tirsadeen qaabkaan:
| Osasuna |
Vs Real Sociedad |
3:1 |
| Bilbao |
vs Mallorca |
3:0 |
| |
|
Ciyaarta Real Madrid Vs Espanyol weey socotaa weli waana Live waxaa 3-gool leh Real Madrid waxaana Rigoore u saxiixay Laacib Cristiano Ronaldo, goolasha kale waxaa kala dhaliyey Higuain iyo Karim Benzama.
Kulamada Maanta iyo Beri ayaa sidaan eey isku arki doonaan kooxaha Spain:
| FC Barcelona |
Gijon |
-:- |
| Valencia |
Atletico Madrid |
-:- |
| Almeria |
Levante |
-:- |
| Saragossa |
Alicante |
Beri:
| Sevilla |
Santander |
-:- |
| Getafe |
Malaga |
-:- |
| Villarreal |
La Coruna |
Waxaa kaloo socda kulama kale oo adag sida kulanka Tottenham vs Arsenal oo waqtigii dheeriga ahaa eey Arsenal ku horeyso 1-4.
4-ta gool waxaa Arsenal u kala dhaliyey Lansbury , Arshavin iyo Laacib Nasri oo ka soo laabtay dhaawac ayaa 2-Gool oo rigoore ah ku boobsiiyey Shabaqa Tottenham. Qaabka eey Arsenal ku socoto xili ciyaareed-kaan ayaanan caadi aheeyn waana kooxda kaliyah ee Fc Chelsea u aqoonsan karta Horyaalka Ingiriiska. Taageerayaal badan oo Arsenal ah ayaa qaba niyad iyo cabsi eey ka qabaan in Naadiga Arsenal oo lagu yaqaan biloowga Horyaalka Ingiriiska fak fak eey dhamaadka horyaalka isku dhex yaacaan...Dhanka kale Laacibkooda eey ku dhaarteen ee Madaale Cesk Fabrigas ayaa ka maqnaan doono 2 Week ka dib dhaawac fudud oo soo gaaray awgiis.
Sunderland waxaa gurigeeda ku dubatay 1-2 kooxdii eey ka taalay sanadkaan Horyaalka ee uu taageero Madaxweynaha Mareykanka Mr: Barack Obama waa West ham Utd.
Horyaalka Germany kulamo tirsan oo la ciyaaray waxaa Guul aad muhiim u ah gaartay Kooxda Fc Bayer München oo ku sigatay in la garaaco ka dib markii qeeybtii hore iyo qeeybtii dambe eey gool iyo waxba ku hogaamineysay Kooxda kacsan Horyaalka Germany waa Hoffenheim.
Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa kooxda Bayer München u bareejey Xiddiga qaaday Kabaha dahabka iyo Gool dhalinta koobkii addunka Thomas Müller, Bayer waxaa goolka guusha u dhaliyey Difaaca dhirirka badan ee Qaranka Biljamka Daniel Van Buyten, goolka eey la seexatay Hofenheim waxaa u saxiixay Weeraryahanka Xulka Qaranka Bosnia Vedat Ibisevic oo eey isku heeystaan kooxaha Juventus, Fulham,iyo Roma.
Kulamdii kale ee horyaalka Jarmalka ayaa waxaa Kooxaha is arkay ka mid ahaa kuwaan hoose:
| Hannover |
Vs Bremen |
4:1 |
| Hoffenheim |
Vs Bayern München |
1:2 |
| Mainz |
Vs Köln 2-0 |
Kuwa Maanta la dheelaya ayaa kala ah sidan :
| Dortmund |
Kaiserslautern |
-:- |
| Hamburger SV |
Wolfsburg |
-:- |
| Leverkusen |
Frankfurt |
-:- |
| Freiburg |
Schalke |
-:- |
| Nürnberg |
Stuttgart |
-:- |
| Mönchengladbach |
St. Pauli |
WAXAA KALOO XIRIIRIYE WORLD SPORT NEWS SOO GAARAYA SIDAN:
** Tomas Ujfalusi Xiddiga kooxda At.Madrid difaaca uga ciyaaro ee dhaawca halista ah u geeystay Laacib Messi ayaa la ganaaxay kaliyah 2-kulan maxaa yeelay waxa uu Messi u diray sms uu kaga raali gelinayey qaladkaas.
** Laacibkii ugu safashada badnaa Qaranka Germany Lothar Matthäus ayaa waxa uu noqday oo loo dhiibay Macalinka qaranka Bulgaria waxaana shaqadii Tababarnimo ee Qaranka Bulgaria laga ceey riyey Macalinkii hore Mr:
Stanimir Stoilow.
** Qaranka Portugal oo Macalin la´aan ahaa ayaa waxa hada la wareegay Laacibkii iyo xiddigii hore ee Portugal Paulo Bento , waxaana shaqadii uu kala wareegay Carlos Queiroz oo lagu eedeyey taag dari iyo isku dhex yaac lagu arkay Xulka Qaranka Portugal.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com