Claudio Marchisio "Xiliyada aan Firaaqada ahay waxaan jeclahay inaan mar kaste Heeso weliba aan ka faaideeysto fursada Codkeeyga, Qaranka The Azzurri & kooxda Juventus meel wacan ayaan geeyn doonaa (Halkaan ka Daawo Ciyaaryahan Claudio Marchisio oo kacsan) !!
Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka The Azzurri (Italy) iyo kooxda Hogaanka horyaalka Talyaaniga heeysa ee Juventus Claudio Marchisio ayaa waxa uu banaanka soo dhigay Balwadiisa iyo damaciisa.
Laacibkaan oo Wareeysi meelo badan taabtay la la yeeshay ayaa waxaanu ka soo qaadanay intii ugu muhiimsaneed :
" Ma ihi Xiddig waqti u haayo inuu aado Kalaabyada iyo Diskoowyada lagu tunto ee inta badan eey ku soo halaabaan Ciyaartooyda, waxaan jeclahay xiliyada aan Fasaxa ahay ama Firaaqada leeyahay inaan Heeso oo la tartamo jaceeylkeeyga. Lamaanaheeyga (Jaceylkeeyga) waxa eey ii sheegtay inaan Cod macaanahay wexeeyna igula talisay inaan Ciyaaraha iyo Fanka isku dhex wado aan marnaba ka daalin.
" Xooga waxaan saari doonaa sidii aan Meel wanaagsan ku geeyn lahaa Qaranka Forza Azzurri Forza Italia iyo kooxda aan ilaa yaraanteeydii ku soo ag bar baaray ee Juventus,,
" Ifka waxaan ugu necbahay Saxafigii ama Joornaaliistihii iga qora ama u badalo si kale war aanan oran, Wariyaasha nuucaas ah Xasaasiyo weeyn ayaan ka qaadaa, kii ficilkaas sameeya mar dambe agteeydana ma imaan karo, dabcan waan ku faraxsanahay in la i wareeysto laakiin mararka qaar su´aalo qaldan oo Jawaab laheeyn ayaa jira,, (Qeeybta hoose ee Beejkaan kala soco qaar ka tirsan wareeysigii Xiddigaan oo aad u dheeraa balse aan qaar idiin soo koobiyeenay).
Claudio Marchisio waa Ciyaaryahan mudooyinkaan dambe Darbooyinkiisa kulul laga qeeyliyey wuxuuna wacdaro ku dhigay hal Isbuuc gudihiis. Ciyaartii xalay Qaranka Serbia ayuu Laf dhuungashay ku noqday,Habeenkii Axada waa la ogaa oo waxa uu Balaayo ku soo dhigay Ac Milan. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=PFu3wOs4nyw&feature=related .
Ciyaaryahan Claudio Marchisio waxa uu bahda Ciyaaraha kaga yaabsaday isaga oo kulamadii ugu dambeeyey Difaacyada orad ku dhaafa ka dibna Shuut qabadsiiya Boortayaasha Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay ee Serbia Vs Italy >>> http://www.youtube.com/watch?v=BfxB8me_T7M .
Xiddigaan waxaa soo korsatay kooxda Juventus wuxuuna ku dhashay 19-kii bishii Janaayo Sanadkii 1986-kii Xaafada Chieri oo ka tiran magaalada Torino ee cariga Talyaaniga.
Sanadkii 2003 ilaa hada waxa uu ka tirsanaa Junyerka yar yarka iyo waa weeynka Juventus wuxuuna hal sano si amaah ah ugu soo ciyaaray kooxda Empoli (2007 ilaa 2008) .Laacibkaan ayaa intii la wareesanayey waxa uu sheegay ineey ka go´antahay sanadkaan sidii eey u qaadi lahaayeen horyaalka Talyaaniga (With Juventus).
Xiriiriye.com, Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka : !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
# QAAR KA MID AH WAREEYSIGII CLAUDIO MARCHISIO : #
You are the youngest and most popular football player in Italian football at the moment, are you ready to step up for Juventus?
Marchisio - Young? Yes when I was 16-17 years old! Do I have Juventus on the right road? My role in the team is to achieve all that I can and help my team go for the title this year.
We have read and as well learnt here that you are different from most footballer's you have a great personality, you are like the ?Mourinho" amongst the football players, as most of your team players answer with small responses, you always give a little more and bring interest to your supporters..
Marchisio - if we are happy to answer then we should answer with something valid, the rapport with the newspapers is some thing is a big part when you are a sporting person. I am very happy to talk with all journalists.. The only thing I do not like is when the newspapers take a comment and change it to suit them,