Jawaabta Hal Xiraalihii: Waa kuma Ciyaaryahanka uu C.Ronaldo Ceejinaayo?, Bahdii ka soo Jawaabtay oo aan isdhiibin, Khabiiro soo diray mar marsiiyo markeey xaalada la xumaatay, SuŽaasha Hal Xiraalaha Cusub oo Murugo Baaxad weeyn Xambaarsan & Wargelin muhiim ah. (Halkaan ka Daawo Ciyaaryahanka uu C.Ronaldo Ceejiyey iyo sida eey hada isku jecel yihiin+Goolashiisii iyo Pasas kiisii ugu wanaagsanaa) !
Hal Xiraalihii ugu dambeeyey oo suŽaashiisa eey eheed (Waa Kuma Xiddiga uu Cristiano Ronaldo Ceejinaayo & Kooxduu u dheelaa xiligaan la joogo?) ayaa waxaa cabasho weeyn ka keenay qaar badan oo ka mid ahaa Horboodayaashii Barnaamishkaan Hal Xiraalaha iyaga oo ku andacooday in Video-ga Muuqaal ahaan eeysan si wanaagsan ugu jeedin cilad farsamo darteed waxaana Cabashadaas Gaashaanka u daruuray www.xiriiriye.com oo ku tilmaamay Mar marsiiyo iyo cabsi eey ka qabaan SuŽaashaas maxaa yeelay bahdii kale ee Jawaabta u heshay SuŽaashaan si deg deg ah ayey uga soo jawaabeen shuruud laŽaan.
Bal halkaan ka Daawo Mar labaad Video-ga Hal Xiraalaha ee Akhristayaashaas ka baqay inuu daadka qaado ku mar marsiyoodeen : >> http://www.youtube.com/watch?v=oL_lCn8jGl8.
Hadaanu Mar marsiiyaha Ragaas Magacyadooda laga waayey Liiska & Horyaalka Hal Xiraalaha ka soo tagno Jawaabta oo sax ah ayaa wexeey tahay sidan : Ciyaaryahanka uu Cristiano Ronaldo Cunaha ku dhegan yahay ama Ceejiyey ayaa ah : Marcelo Vieira da Silva J?nior oo hada u dheelo kooxda weeyn ee Real Madrid.
Marcelo waxa uu dhashay 12.05.1988, wuxuu ku dhashay Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, waa 22-jir dhiriir kiisu uu yahay 1,72. Waxa uu ka dheela Difaaca gaar ahaan wuxuu ku wanaagsan yahay Lugta Bidix waana Ciyaaryahan Orad badan.
Xiddiga Ceejiyey marcelo waa C.Ronaldo hadana dadka ama ciyaartooyda kale isaga ayey iskugu jecel yihiin weeyna iskugu baxdaa xiliyada eey Paasas-ka qurxoon kala dhex baxaan ciyaaryahanada kale ee ka soo horjeedo mararka eey horyaalada socdaan.
Halkaan ka Daawo ciyaar ka mid ah Ciyaarahii ugu dambeeyey ee horyaalka Spain sida eey Cristiano Ronaldo oo horay u ceejiyey hada u wada Baashaalaan. >> http://www.youtube.com/watch?v=3-zvtjja3PY.
Magacyada Khabiiradii Sport ee diiday ineey si sahal ah isku dhiibaan soona wada saxay Hal Xiraalahaan ayaa wexeey kala yihiin sidan :
Fiiro gaar ah: Waxaa jiray E-mailo badan oo Jawaabta ciyaaryahanka magaciisa oo kaliyah soo bandhigay ama qaar kale oo iyaguna soo sheegay in uu Marcelo u ciyaaro Brazil halka Jawaabta eey ka iloobeen inuu kooxda Real Madrid u safto.
Wargelin Muhiim ah: Xiriiriye waxa uu horay idinkaga balan qaaday in cidii ama Aqristihii saxo 5 ka mid ah Hal Xiraalayaasha uu muteeysan doono ama loo soo ban dhigi doono Kooxda uu Taageero Taariikhdeeda oo kooban iyo Ciyaaryahanka uu ka dambeeyo Taariikhdiisa oo dhan ilaa intii uu Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ku jiray.
Waxaa Liiska Xiriiriye hada ku jiro 1-Akhriste oo heeysto 5-Guul oo nadiif ah waana u soo ban dhigeeynaa haduu alle idmo Taariikhda kooxda & Ciyaaryahanka uu Taageero. Sidoo kale Liiska Akhristayaasha waxaa nooga muuqdo 4-qof oo mid 4-Guul wata halka 14-qof eey isla wataan 3-guul oo nadiif ah.
Hal Xiraalaha Todobaadkaan ama Maanta ayaa ah sidan:
Waxaad sheegtaa Goolhaye caan ahaa oo u dheeli jiray dal weeyn oo Qaarada Yurub laga qandariyo dhanka ciyaaraha oo mar aan sidaas u sii fogeeyn Is Dilay oo Tareen isku dhigay >> Fadlan waxa lagaa doonaayo only waa Magaca goolhayaasis dilay iyo Qaranka uu ka tirsanaa Xitaa lagaama rabo kooxdii uu u ciyaari jiray ee waxaa lagaa rabaa Magaciisa & Qarankii uu u safan jiray. Jawaabta Hal Xiraalahaan oo wadato Video-yaal murugo weeyn xambaarsan iyo xiligii uu is dilay Xiddigaas ayaanu waxaan soo saari doonaa Haduu Alle raali ka noqdo 14.11.10 waa Maalinta Axada ah gelinkeeda dambe.
Waxaad noogu soo dirtaa Jawaabtaada halkaan : > xiriiriyesports@hotmail.com Fadlan soo raaci Magacaaga oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay. Mahadsanidiin dhamaan inta Ciyaaraha ku hormartay ama Horumarka ka gaartay.