Diego Armando Maradona " Pele wuxuu Yokohama iyo Japan u tagay in la sheeg sheego iyo inuu Waalo Cunugaan la leeyahay Neymar,, Furo Warkaan wax yar ka dib. (Maradona oo qarsan waayey Taageeradiisa tooska ah ee ku aadan Leo Messi) !!!!
Diego Armando Maradona waa Mucjisadii hore ee Qaranka Argentina iyo kooxaha Fc Barcelona, Napoli ,Fc Sevilla iyo Boca Juniors ayaa waxa uu dheelay Shax cusub oo ka dhan ah dhigiisii hore ee Qaranka reer Brazil waa Qabiir Pele.
Maradona iyo Pele wexeey maalmihii ugu dambeeyey isku dhaafsanayeen Saxaafada hadalo kulul oo kiciyey Xiisad Sport ka dib markii ay si toos ah u kala taageereen Laacibiinta kala ah Leo Messi iyo Xiddiga da´da yar ee heesta Laacibka sanadka ee dalka Brasil waa Neymar da Silva.
Pele Wareeysigiisii ugu dambeeyey wuxuu ku sheegay inuusan mar dambe u jawaabi doonin Maradona oo uu ku tilmaamay nin dadka caaya oo weliba Ciyaaraha caalamiga ah looga reebay Muqaadaraad iyo Daraagis.
Maradona oo ka xanaaqsanaa Pele oo isla simay Farsamada Neymar iyo tan Leo Messi ayaa dhoor maalmood ka hor wuxuu Pele ku tilmaamay Camoole u baahan in loo Xiro Ookiyaal marba hadii uu yiri Neymar iyo Messi waa isku farsamo ama isla simay.
Xaalada oo halkaas mareeysa ayuu Diego Armando Maradona wuxuu dheelay Shax cusub ka dib markii uu sugtay cida qaadi doonta Koobka Qaraadaha kooxaha Aduunka oo si heer sare ah uga socday dalka Japan.
Ciyaartii kama dambeeysta eheed ee dhex martay kooxaha Fc Barcelona Vs Fc Santos oo ay kala hogaaminayeen Leo Messi Vs Neymar da Silva (4-0) ayaa waxaa galabta mar kale afka furtay Diego Armando Maradona oo u arko Guushaas Jaanis uu iskaga dhicin karo Pele oo isla simay Neymar & Messi.
Diego Armando Maradona oo aan inta badan Qosol looga baran Saxaafada horteeda ayaa galabta isaga oo Qoslaya waxa uu yiri sidan " Aniga horaan u sheegay Pele wuxuu Yokohama iyo Japan u tagay in la sheeg sheego iyo inuu Waalo Cunugaan la leeyahay Neymar , Xiddigaha uu is ag dhigay ama isla simay Pele maba rabo inaan ka faalooda waxaana arinkaas u daayey intii daawatay Ciyaartaas ama taqaan ciyaartooydaas ,,
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)