Skysport " Taageerayaasha kooxda Manchester Utd oo baaq iyo Waraaqo la yaab badan gaarsiiyey Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo & Laacibkaan oo helay dhamaan Baqshadihii loo diray,, (Tacsiyey xaal qaado , Akhri War bixinta oo Tarjuman iyo Calaacalka Taageerayaasha United) !!!
Tv-ga caanka ah ee Skysport qeeybtiisa dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sii daayey Faalo yaab badan oo uu ku sheegay Qoraalo aad u fara badan oo ay Taageerayaasha kooxda Manchester Utd gaarsiiyeen Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo.
Qoraaladaan oo u badnaa kuwo u eg Tacsiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa hadaanu Soomaali ahaan u Tarjuno sidan Never Ever Forget CR7 : Waxaa tahay Laacib jira, Man Utd maanta hadaad la joogi leheed Messi 3 jeer oo isku xigta hortaada kuma qaadeen Laacibka Sanadka, Xiddigihii Koobabka kula qaadi jiray ee Qadka dhexe kaa caawin jiray weli Man Utd waa joogaan,, Nasiibkaaga waa Man Utd, Nolashaada waa The Red Devils, Mustaqbalka dhaw WELCOME TO OLD TRAFFORD ,,
Dhiiri gelinta Taageeraayasha Man Utd ee gaartay Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo waxaa shaqsi ahaan loogu gafay Laacibiinta kooxda Real Madrid gaar ahaan Xiddigaha Cristiano Ronaldo Paassaska siya sida Laacib Mesut Özil iyo Habi Alonso kuwaas oo ay Taageerayaasha Man Utd ku sheegeen Xiddigo aan u qalmin kuwa ManU uga Ciyaara Qadka dhexe (Yaab badanaa).
Skysport waxa uu soo bandhigay Baqshadihii ama Waraaqihii gaaray Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo Sanadihii 2009 iyo 2010 oo ay u direen Taageeraayasha Man Utd balse waxaa aad u sii fara batay Qoraaladii ay direen Isbuucaan gudihiisa kuwaas oo ku yiri Laacib Cristiano Ronaldo " Sorry Nasiibkaaga iyo Bilada FIFA Ballon d'Or wexeey ag yaalaan Man Utd,,
Sasabashada iyo Kaartada cusub ee Taageereerayaasha Man Utd ayaa waxa uu Skysport leeyahay waa mid sii xoogeeysatay wexeeyna kaga faaideeysanayaan arintaan Leo Messi oo Laf dhuun gashay ku noqday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ka dib markii uu kala wareegay ama ka qaaday Koobabkii lagu muteeysan lahaa Abaalmarinta Laacibka sanadka ee FIFA Ballon d'Or . >> Daqiiqado yar ka dib Filo warar Top ah <<
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!