Maxaad ka taqaan 3-Ciyaaryahan oo la shaaciyey in kooxda Man Utd Gambar gaaban ugu fadhiso? Inter & Juventus oo Guulo iskugu faanay + Faaqidaada Horyaalka Talyaaniga (Halkaan ka Daawo)
Kooxda Manchester United oo ku magac dheer ama dunida oo idil looga yaqaan The Red Devils (Shayaadiinta Cas Cas) waxa eey Hawada soo gashay sanadkii 1910-kii garoonkooda waxaa lagu magacaabaa Era The Old Trafford waxaana la dhisay sanadkii 1939-kii.
Kooxda Man Utd ayaa waxa eey ka hari laŽdahay 3 Ciyaaryahan oo dunida si weeyn looga wada yaqaan, ciyaartooydaan ayaa kala Frank Ribery oo kooxda Bayer Munchen Abaanduule ka ah una safta Qaranka France, Wesley Sneijder oo kooxda Inter dhexda Lataliye uga ah una safta Qaranka Dutch Orange team Niederland/Holland, iyo Fernando Jose Torres oo Fc Liverpool dhinaca weerarka ka caawiya una ciyaaro Qaranka La Roja ee Spain.
Waxaa iska cad in sadexdaan ciyaartooy ugu yaraan labo ka mid ah eey Man Utd dhawaan soo xero gelin doonto laakiin taas badalkeeda waxaa uu noqon doonaa weeraryahanka Man Utd Wayne Mark Rooney in uu u hayaamo dhanka saaxiibkiis & Real Madrid Cristiano Ronaldo oo eey dagaal iyo qarbudaad isku barteen waana mida horay loo yiri (nin aad dagaal isku barateen dadka kale kaaga qiimo badan) waxaa sidoo kale laga yabaa inuu isna lugta furo laacib Luis Nani oo ah ciyaayahanka eey hada ugu jecel yihiin Taageerayasha The Red Devils ee Man Utd.
Patrice Evra oo ka tirsan kooxda ManU una waramayey CanlPlus isaga oo laga wareeysanayey gool uu kooxdiisa Man Utd ka dhaliyey xili eey West Brownwich 2-2 ku kala baxeen ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro xiriir hose oo u dhaxeeya laacib Frank Ribery iyo maamulka Man Utd.
Ugu dambeentii doonista iyo ugaarsiga weeyn ee kooxda Man Utd ugu jirto 3-daan ciyaaryahan ayaa waxa uu noqon doonaa " War Jiraaba Garoomaduu Imaan !
FAAQIDAADA HORYAALKA TALYAANIGA:
Inta badan waxaan horay uga faaloonay Faaqidaada horyaalada qeeybtii 1-aad ee maalintii sabtida la dheelay hadana waxaanu idiin heeynaa dhameestirkii Horyaalka Talyaaniga oo dhamaan kulankiisii 7-aad la wada ciyaaray.
Kooxda Dunida looga yaqaan Bianca-Nera ee Juventus oo soo kacsatay maalmahaan danbe ka dib markii eey iska direen ciyaartooy faro badan kuna soo biiriyeen naadiga kuwo cusub ayaa kudurdurisay kooxda Lecce iyaga oo u dhiibay 4-0. Goolasha Jeventus ayaa waxaa u kala saxiixay Alberto Aquilani oo dhaliyey goolasha eey Soomaalida u taqaan (Iidhig Pass Aan Biriq ka geliyee) Fabio Quagliarella oo isna dhaliyey gool nuuca Testa gaaban ah ee ciyaartooyda dhulka u jiiftaan ayaa waxaa labada gool ee kala sii raacsaday Xiddiga Brazil Filipo Melo oo dhaliyey Rigoore ah nuuca lagu aadiyo Boortayaasha marka eey labada dhinac meel been ah u boodaan, ugu dambeentii goolka 4-aad ayaa waxaa sii raacsaday Rugcadaagooda ku cago beelay Juventus Alesandro Del Piero oo badal ku soo galay balse Taageerayaashii garoonka ka helay Sacab aad u fara badan wuxuuna daqiiqado yar ka dib dhaliyey gool uu gebmbis gaaban u qabtay difaaca kooxda Lecce ka dibna kor ka geliyey gooshooda, halyeeyga garoonka ayaa waxaa ahaa xiddiga cusub ee qaranka serbia milo krasic. Halkaan ka Daawo Ciyaarta : http://www.youtube.com/watch?v=pk1bQxUxavI.
Kooxda Inter oo marti u eheed Naadiga Cagliari ayaa waxa eey ku soo badisay 0-1 waxaana halkaas gool ee Agoonka ahaa u saxiixay Xiddiga ayaantaan ka bixi la dhanka gool dhalinta laacib Samuel EtoŽo Halkaan ka Daawo goolka EtoŽo oo ul ahaa : http://www.youtube.com/watch?v=YbfzjFWm6fw&feature=related
Kooxda Lazio oo hogaanka Horyaalka Talyaaniga 16-dhibcood ku hogaamineeyso ayaa 0-2 uga soo badisay kooxda martida loo ahaa ee Bari. Kooxaha kale ee horyaalka Talyaaniga ayaa dhibcaha sidaan u kala tirsaday:
AC Milan
Chievo Verona
3:1
AS Roma
FC Genoa
2:1
Axad:
Cagliari
Inter Mailand
0:1
Juventus
Lecce
4:0
Sampdoria Genua
Fiorentina
2:1
Palermo
Bologna
4:1
Catania
Napoli
1:1
Cesena
Parma
1:1
Brescia
Udinese
0:1
Bari
Lazio Roma
0:2
KOOXAHA AYAA SIDAN U KALA HOREEYA:
1.
Lazio Roma
7
5
1
1
10:5
16
2.
AC Milan
7
4
2
1
11:5
14
3.
Inter Mailand
7
4
2
1
9:3
14
4.
SSC Napoli
7
3
3
1
13:9
12
5.
Juventus
7
3
2
2
16:9
11
6.
US Palermo
7
3
2
2
14:10
11
7.
Sampdoria Genua
7
2
4
1
9:7
10
8.
Chievo Verona
7
3
1
3
9:8
10
9.
Catania
7
2
3
2
8:7
9
10.
Brescia
7
3
0
4
7:9
9
11.
FC Genoa
7
2
2
3
7:9
8
12.
AC Cesena
7
2
2
3
5:8
8
13.
AS Roma
7
2
2
3
7:12
8
14.
AS Bari
7
2
2
3
6:11
8
15.
US Lecce
7
2
2
2
5:12
8
16.
Cagliari
7
1
4
2
7:6
7
17.
Bologna
7
1
4
2
8:12
7
18.
Udinese
7
2
1
4
4:9
7
19.
FC Parma
7
1
3
3
6:8
6
20.
AC Fiorentina
7
1
2
4
7:9
5
OGEEYSIIS MUHIIM AH: Waxaa maanta gelinka dambe la soo bandhigayaa Jawaabta Hal Xiraalihii Ciyaaryahankii dhulka jiifay iyo Akhristayaashii sida weeyn ugu guuleeystay. Dhanka kale waxaa isana isla maanta soo baxaya Hal xiraalaha Todobaadkaan oo aad u kulul balse Akhristihii sheega aanu u aqoonson doono Khabiir Sport weliba Fikrad ku darsan kara www.xiriiriye.com Mahadsanidiin.