Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo oo Horyaalka England Guul & Goolal ku iftaxay,*Ciyaaryahan Wayne Mark Rooney oo Booto aan horay looga baran iyo Xaqiraad bilaabay,*Barca Vs Real Madrid oo beri kulan kala bax ah isku dhaarsan,* John Obi Mikel Aabihiis oo Nigeria lagu Afduubay,* Kulamo adag oo ka tirsan Is reeb reebka Koobka Champions League oo Caawa la ciyaari doono & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
*** Weeraryahanka cusub ee kooxda Man City & Qaranka Argentina Sergio Leonel Kun Aguero del Castillo ayaa Horyaalka England waxa uu ku bilaabay Dar dar iyo Goolal Iftax ah oo uu ka xareeyey kooxda kubada cagta ee Swansea City .
Sergio Leonel Kun Aguero del Castillo ayaa mudo hada laga joogo 3 Isbuuc ka hor waxaa 45 Milyan oo Euro laga soo siistay Naadiga Atletico Madrid ee Horyaalka Spain. Kun Aguero oo xili ciyaareedkaan cusub fak fak ku bilaabay ayaa waxaa si weeyn u amaanay Macalinka Man City Mr.Roberto Mancini oo yiri sidan " Waa Xiddig aan ku buuxiyey booskii aan la rabay waana Laacib Wacdaro balaaran ka dhigi doona Horyaalka Premier League,,
Kooxda Man City wexeey 4-0 ku Qararamsatay Xiddigaha Swansea City waxaana goolasha labo ka mid ah u dhaliyey Kun Aguero halka labada gool ee kala eey kala dhaliyeen Xiddiga Qaranka Bosnia Edin Dzeko iyo Laacibka Reer Spain David Silva.
Kun Aguero waa Wiil ama Xiddig uu Sodok u yahay Ex-Laacibkii hore ee D unida Mr Diego Armanda Maradona.
*** Weeraryahanka Man Utd iyo Qaranka England Wayne Mark Rooney oo Booto aan horay looga baran iyo Xaqiraad bilaabay.
Rooney oo wareeysi siiyey Skysport ka dib kulankii Man Utd sida nasiibka ah uga badisay West Bromwich Albion (1-2) ayaa mar la weey diiyey cida qaadi karta Gooldhalinta horyaalka England ee xili ciyaareedkaan ayaa waxa uu si jees jees ah ku yiri sidan " Shaki kuma jiro sanadkaan Top Score anaa iska leh hadii eey i dhaaftana waxaa iska leh Javier Hernandez.
Rooney ayaa meesha ka saaray ama iloobay ineey kooxaha kale ee Horyaalka England sanadkaan wataan Weeraryahano sun ah sida Luis Suarez oo Fc Liverpool ah, kun Aguero oo Man City ah , Govinho oo Fc Arsenal ah iyo Fernando Torres oo Fc Chelsea ah.
Macalinka cusub ee Fc Chelsea ahna Kal kaaliyihii hore ee Tababare Jose Morinho Mr Andre Villas-Boas ayaa dhaliil u soo jeediyey Weeraryahanada Fc Chelsea ee kala ah Nicolas Anelka iyo Didier Drogba. Macalin Andre Villas-Boas ayaa sheegay in eeda Bareejadii Fc Chelsea la gashay doraad kooxda Man City eey masuuliyadeeda leeyihiin Drogba & Anelka oo Fc Chelsea fursado badan ka qasaariyey.
***Beri oo Arbaco ah 17.8.2011 waxaa lagu wadaa in kulan kala bax ah uu dhex maro kooxaha isku heeysta Hogaaminta ama u talinta Maslaxa ciyaaraha kubada cagta ee caalamka waa Fc Barcelona Vs Real Madrid. Kulankaan oo Super koobaha dalka Spain ah waxaa is aragii hore gurigeeda 2-2 lagu qabtay Real Madrid oo hada u socota Xarunta loo yaqaan Godka Naarta ee garoonka Fc Barcelona. Halkaan ka Daawo Xaraarada Ciyaartii Real Vs Barca iyo Karim Benzema oo Saaxiibkiis Erik Abidal Kubad ku bursaday >>> http://www.youtube.com/watch?v=39qJj6sK9Us .
*** Xiddiga Fc Chelsea & Qaranka Nigeria John Obi Mikel ayaa waxaa la af duubay oo ilaa hada la la´yahay Abihiis.
" Aabahay markii uu shaqada ka soo rawaxay maalintii Jimcaha ilaa hada waan la nahay ,Telfoonkiisa waa la damiyey waxaana iska cad in la Afduubtay ayuu yiri John Obi Mikel oo Ilmeenayey xili uu u waramayey Skysport (Cadeenta warkaan oo aanu idiin soo koobiyeeynay ka Aqriso Beejkaan halka ugu hooseeyso) Obi Mikel ayaa lagu wadaa inuu si deg deg ah ugu duulo dalka Nigeria waxaana warar keena dambe dib idinkala socod siin doonaa Xaalada Aabaha dhalay Obi Mikel meesha eey sal dhigato iyo hadii eey Lacag dalbadaan kooxaha wax afduubay.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo Afduub nuucan ah loo geeysto Laacib caan ah waalidkiis waxaana ka horeeyey Laacibiin badan oo Waalidkood ama Walaalahood Lacag fara badan looga dilay ama laga dar daray. (Filo goor dhaw Laacibiinta lacagta looga cunay Afduubyada)
***Kulamo adag oo ka tirsan Is reeb reebka Koobka Champions League wajigiisa hore oo Caawa la ciyaari doono.
Kooxaha Caawa Xarashka isku hayo ayaa waxaa ka mid ah kuwaan :
Fc Arsenal Vs Udinese, Lyon Vs Rubin Kazan, FC Twente Enschede Vs Benfica Lispon, FC Copenhagen Vs Viktoria Plzen, BATE Borisov Vs Sturm Graz. Dhamaan kooxahaan wexeey kulmi doonaan caawa saacadu markeey tahay 20:45.
*** Weeraryahankii hore ee Ac Milan iyo Fc Chelsea Andrej Schevtschenko ayaa waxa uu ka jabay Garka ama Ciridka hoose qofba sida uu u yaqaan wuxuuna kooxdiisa Dynamo Kiev ka maqnaan doonaa dhoor bilood. Schevtschenko ayaa ku dhaawacmay kulankii adkaa ee dhexmaray Kooxaha is neceb ee isku magaalada ah ama ka wada dhisan Caasimada dalka Ukrain ee Kiev waa Arsenal Kiev Vs Dynamo Kiev (0-2)
Andrej Schevtschenko ayaa kooxdiisa ka maqnaan doono sidoo kale kulanka Europa Leugue oo eey wada ciyaari doonaan kooxda Litex Lowetsch oo ka dhisan horyaalka dalka Bulgaria.
*** Kaptankii Qaranka Irland iyo kooxda Tottenham Hotspur Robbie Keane ayaa iskaga tagay kooxdaas wuxuuna ku biiray kooxda Los Angeles Galaxy oo ka dhisan horyaalka dalka Mareykanka. Kaptan Robbie Keane oo 31 jir ah waxa uu 51-Gool Iskoor ku heeystaa gooldhalinta Qaranka Irland wuxuuna horay ugu soo ciyaaray kooxo fara badan oo eey ka mid yihiin West Ham Utd, Celtic Glasgow ,Wolverhampton, Coventry, Inter Milan, Leeds United iyo FC Liverpool .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
HALKAAN KA AQRISO WARKA CADEENAYEY AFDUUBKII LOO GEEYSTAY AABAHA MIKEL OO WARGEEYSYADA JARMALKA EEY WAX KA QOREEN: Der nigerianische Teamspieler John Obi Mikel bangt um seinen offenbar entführten Vater. Der 24-jährige Chelsea-Mittelfeldspieler bat nach dem 0:0 der Londoner am Sonntag in der Premier League gegen Stoke City die möglichen Kidnapper um die sichere Rückkehr seines Familienoberhaupts.
Vater Mikel, der ein Transportunternehmen im zentralnigerianischen Jos leitet, wurde seit dem Verlassen seiner Arbeit am vergangenen Freitag nicht mehr gesehen. Lösegeldforderungen sollen bisher nicht eingegangen sein. ?Wir haben nichts gehört, kein Telefonanruf, nichts. Wer meinen Vater entführt hat oder weiß, wo er ist, soll mich bitte kontaktieren", meinte Mikel.