Nin Daad qaaday Xumbo cuskay : Macalin Roberto Mancini oo Maamulka Manchester City ka doonaya in loo soo iibiyo Ciyaartooy cusub si uu Kooxaha waa weeyn u Ciqaabo,* >> Kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona oo mar kale El Clasico Cagaha iska tumi doona (Top Sport News).
Macalinka Kooxda Manchester City Mr.Roberto Mancini ayaa Cadaadis xoogan waxa uu ku haayaa Maamulka Man City iyo Maalqabeenka kooxdaas Mr.Sheekh Mansur bin Sajed al-Najhan.
Macalin Mancini ayaa doonaya Laacibiin cusub oo ku soo biira kooxda Manchester oo uu ku sheegay in Xiddigihii kooxdaas ay kala qabsadeen dhibaatooyin kala duwan . Dhibaatooyinka maalmaha soo socda ku soo fool leh Man City ee ka Cabaajiyey Macalin Mancini wexeey kala yihiin Yaya Toure iyo Kolo Toure oo ku sii jeeda Koobka Qaarada Africa, Kaptan Vincent Kompany oo 4-kulan laga ganaaxay, Edin Dzeko iyo Mario Balotelli oo dhaawacyo ku maqan iyo Weeraryahan Carlos Tivez oo ku sii jeeda kooxaha Ac Milan ama Inter Milan. >> (Der Italiener muss derzeit Yaya und Kolo Toure vorgeben, die sich beide bereits mit dem ivorischen Nationalteam auf den Afrikacup vorbereiten. Kapitän Vincent Kompany bekam für seine Rote Karte gegen United eine Sperre von vier Spielen aufgebrummt. Die Stürmer Edin Dzeko und Mario Balotelli plagen Verletzungen. Problemstürmer Tevez, für den sich nach Milan nun auch Inter Mailand interessieren soll, ist nach seinen Eskapaden auf Eis gelegt.
Maalqabeenka kooxda Man City Mr.Sheekh Mansur bin Sajed al-Najhan waxa uu kooxdaas ku Qarash gareeyey Aduun kor u dhaafay 300 oo Milyan oo Euro wexeey hada qaar ka tirsan Maamulka Man City iyo Macalin Roberto Mancini doonayaan in xili Ciyaareedkaan kooxda la gali dhaqaale kale oo lagu sheegay 600 oo Milyan oo Euro.
Kooxaha Caalamka waxaa caado ka ah inta badan kooxdii Lacag sidaas u fara badan Ciyaartooy ku qarash gareeyso ineey shaki la´aan beerta gali doonto maadaama Laacibiinta qaaliga ah ee kooxdaas loo soo iibiyey ay noqon doonaan kuwo iska dhoor dhoora dhaawacyada iskana ilaaliya Dhaawacyo halis ah oo soo gaara.
*** Kulan adag ayaa waxaa lagu wada inuu Caawa dhex maro kooxaha Manchester City Vs Fc Liverpool waa koobka England League Cup.Isbuucii la soo dhaafay ayeey eheed markii kulan ka tirsan Horyaalalka Ingiriiska kooxda Fc Liverpool 3-0 lagu soo dar daray xili ay aaday guriga Man City.
England League Cup oo ay iskugu soo hareen 4-kooxood ayaa waxaa lagu wadaa Ciyaartiisa Fiinaalaha ah in lagu qabto Garoonka Wembley-Stadium Taariikhdu markeey tahay 26-ka Bisha Febraayo sanadka 2012 waxaana ilaa hada iskugu soo haray koobkaan kooxaha kala ah Fc Liverpool ,Manchester City, Fc Liverpool, Crystal Palace iyo Cardiff City .
*** Kulanka Xiisaha badan ee Caalamka looga yaqaan El Clasico kaas oo aalaaba dhex mara kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona ayaa waxaa lagu wadaa inuu labadaan kooxood oo aad isku neceb dhex maro 18-ka iyo 25-ka bishaan Janaayo (Koobka Spain).
Kooxda Real Madrid oo 2-kulan la yeelatay kooxda Fc Malaga wexeey Isbuucii la soo dhaafay xili ay ku ciyaarayeen Garoonkooda 3-2 ku soo sagootiyeen kooxda Fc Malaga wexeeyna mar kale iminka 0-1 ku garaaceen Naadiga Fc Malaga oo ku ciyaarayey Garoonkiisa.
Goolka Agoonka ah waxaa kooxda Real Madrid u saxiixay Daqiiqadii 72-aad Weeraryahan Karim Benzema oo Ciyaarta qeeybteedii dambe badal ku soo galay. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=Eu9_zz0-6_I .
Kooxda Catalonia Fc Barcelona ayaa lagu wadaa Qamiista ineey aado Garoonka kooxda Osasuna wexeeyna Barca gurigeeda ku soo badisay 4-0. Ciyaartaan saadaasheeda waxaa lagu wadaa Fc Barcelona oo si fudud ku soo marta Naadiga Osasuna ka dibna qorta la gasho kooxda Real Madrid oo heeysata koobkaan loo tartamaayo wexeeyna Fiinaalihiisii ugu dambeeyey 1-0 ku soo qararamsadeen Fc Barcelona.