Somaalida ku Nool dalka Malaysia oo Mid mid Loo ugaarsanaayo iyo Xaalada Kuala Lumpur oo noqotay mid cakiran !!
Soomaalida wax ka barata dalka Malaysia gaar ahaan Caasimada Kuala Lumpur ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa lagula kacay Dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood u badnaa Dil iyo Dhac.
Soomaalida ku nool dalka Malaysia oo u badan kuwo Arday ah ama halkaas wax ka barta ayaa xiliga ay ka soo Rawaxaan Jaamacadaha waxaa Jidka ku suga inta aysan gaarin Hooyga Kuleeyjka kooxo Malaysiyaan ah oo mar kasta ugaarsada kuwaas oo wata sida la sheegay Mootooyin dheereeya.
Dhibanihii ugu dambeeyey ee loo geeystay Jir Dil iyo Dhac waxaa lagu magacaaba Aweeys Abshir wuxuuna hada la liita Dhaawacyadii ay u geeysteen kooxaha Burcada ah ee reer Malaysia.
Ma jirto cid arinkaan isku xilqaantay oo wax ka qabatay ha ahaato Safaarada Soomaalida ama Dawlada dalkaas. Burcada Mootooyinka wadata ee Malaysiyaanka ah ayaa waxaa la sheegay ineey isku soo sheeg sheegeen in Ardayda Soomaalida kuwooda halkaas wax ka barto Lacago Dollar ah oo fara badan Waalidiintooda ama qaraabadooda ay uga soo diraan dalalka Yurub.