Augustine Philip Mahiga oo Gabar Soomaaliyeed la dheelaya iyo arintaan oo Dad badan Fikrad ahaan ay ku kala Qeeybsameen (Halkaan ka Daawo)
Ergeyga United Nations-ka ee dalka Somalia Mr.Augustine Philip Mahiga ayaa Xaflad dhacday waxa uu muujiyey dheel Caweeys ah oo uu la qaatay Gabar Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ayaa arintaan Fikrad ahaan aad ugu kala qeeybsamay maadaama ay qaar ka xumaadeen qaabkii ay isku qaawisay ama jirkeeda u asturi weeysay Gabadhii Soomaaliyeed ee la ciyaareeysay Mr.Augustine Philip Mahiga. Dadka sida weeyn u Taageersan Dawlada KMG ah ee Soomaaliyeed ayaa arintaan wax weeyn u arkin maadaama Augustine Philip Mahiga uu Dawlada meelo badan ka gacan qabtay weliba sabab u noqday in Calanka Soomaaliyeed laga taago Xarunta Qaramada Midoobay. Qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed ayaa qaba in qof kaste Xoriyadiisa Shaqsiyadeed loo daayo maadaama dalka gudihiisa aan la joogin oo weliba goobta Xaflada ay ka dhacday tahay Dalka Dibadiisa (USA). Halkaan ka Daawo Qoob ka Ciyaarkii Mahiga & Gabadhii Soomaaliyeed http://www.youtube.com/watch?v=DJ_qhPLbZ1w