Waayeelkii Maafiyada Caalamka ugu Qatarsanaa oo la Dilay & Gurigiisa oo laga helay Hub & Lacagtii ugu faraha badneed, Maxaad kala socotaa yaa Dilay? (Daawo Sawirada)
Giuseppe Calascibetta waa shaqsigii Maafiyada Caalamka ugu da´da weeynaa wuxuuna jiray 61-sano waxaana in mudo ah laga raadinayey dalal badan oo Qaarada Yurub ku yaalo kuwaas oo Mafia Tababaran uu u soo diray si eey Lacag xoogan uga soo dhacaan.
Ninkaan lagu magacaabo Giuseppe Calascibetta oo u dhashay dalka Talyaaniga waxa uu sameeyey Rag Mafios ah oo uu u diri jiray waxa eey u yaqaanaan Yurubta Masaakiinta ah ama Yurubta Qaboow kuwaas oo eey ula jeedeen isaga iyo Guruubkiisa Wadamada Skadenevian-ka.
Dawlada Talyaaniga oo dhoor jeer laga soo dalbaday ineey soo dhiibto Wayeelkaan Maafiyada ah wexeey Talyaaniga mar kasta ku jawaabi jireen in Giuseppe Calascibetta uusan ku nooleen gudaha dalka Talyaaniga balse uu ku dhuumaaleeysanaayo Wadamo kale oo Qaarada Yurub ka tirsan sida dalalka Romania & Bulgaria .
Ugu dambeentii Waayeelkaan lagu magacaabo Giuseppe Calascibetta ayaa waxa uu sababsaday Gacanta Maafiyadii kale ee uu Tababari jiray si eey u soo dhacaan Bangiyada wadamada kale ee Qaarada Yurub.
Tuugaan da´da ah ayaa lagu dhex toogtay Gurigiisa oo ku yaalay Magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga waxaana Rasaastii lagu dilayey markii eey maqleen Shacabkii halkaas ka ag dhawaa durbadiiba weceen Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga oo goobtaas soo gaaray Giuseppe Calascibetta oo Meeyd ah balse in ka badan 23-sano eey raadinayeen.
Inta badan Burcad Badeeda ama Mafiayada kale ayaa marka eey ku heshiin waayaan kala Qeeybsiga Lacagaha eey soo dhacaan wexeey ooda iskaga qaadaan Rasaas taas oo disha Ninkii lagala hormaro in kastoo eey goobtaas uga cararaan Hub & Lacag fara badan oo Booliiska waligood eeysan arki laheeyn (God sireed ha Qodin hadaad qodana ha dheereen ku dhici doontidaa)!