Jose Morinho,, Anaa ka dhameeyey Maamulka kooxda Real Madrid inuu maalin kaste 3-Saacadood oo Fasax ah ku booqan karo Xabi Alonso Hooyadiis oo Xanuunsan,, & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !
*** Macalinka kooxda Real Madrid Mr.Jose Mario dos Santos Felix Mourinho oo inta badan buuq iyo fadeexo lagu bartay ayaa markaan waxa uu furay Buuga Naxariista. Jose Morinho oo ah Macalin ad adag ayaa kulan uu la qaatay Masuulka ugu sareeya kooxda Real Madrid Mr.Florentino Perez Rodriguez waxa uu ka soo dhameeyey arin aad muhiim u eheed sida uu sheegay Spain ETB Sat Tv.
Jose Morinho waxa uu soo dhameeyey in Maalin kaste 3-saacadood oo fasax ah la siiyo Xiddiga Qadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo Qaranka Spain waa Ciyaaryahan Xabier Alonso Olano.
" Habi Alonso ma ahan inaan dhibka ku fiirsano maxaa yeelay Hooyadiis oo Dhega la´ oo weliba xanuunsan ayaa Caawin ka sugeeyso waxaana Maamulka kooxda Real Madrid ka soo dhameeyey in Xiddigaas Fasax wanaagsan lagu taageero weliba fursad loo siiyo sidii uu u caawin lahaa Aabihiis periko Alonso & Walaalkiis Mikel Alonso oo dhamaantood ku mashquulsan hooyada dhashay Alonso oo xanuunsan ayuu yiri Macalin Jose Morinho oo markaan is xoreeyey maadaama uu buuga Naxariista u fiiriyey Xiddig muhiim ah oo kooxdiisa Real Madrid ka tirsan.
Spain ETB Sat Tv waxa uu sheegay Ciyaaryahan Xabier Alonso Olano Hooyadiis ineey tahay Qof ku dhalatay Dhego la´aanta weliba mudooyinkii ugu dambeeyey la il darneed cudurka Kansarka.
*** Qabiirkii hore ee Qaranka Sweden Mr. Lars Lagerbäck ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Macalinka cusub ee Qaranka Island ka dib markii uu booskaas baneeyey Tababarihii hore ee xulka Island Mr.Olafur Johannesson . Lars Lagerbäck oo dhanka macalinimada ku wanaagsan wuxuu Qaranka Sweden soo tababarayey ka soo biloow sanadkii 2000 ilaa 2009-kii.
Koobkii Adduunka World Cup 2010-ka (South Africa) waxa uu Lars Lagerbäck Macalin u ahaa Qaranka Nigeria. Labo Isbuuc ka hor waxaa lagu waday Mr Lars Lagerbäck inuu noqodo Macalinka Qaranka Austria ka dib markii uu jagadaas iskaga tagay Dietmar Constantini oo ah Tababarihii xulka Austria waxaana markii beeca lagu heshiin waayey Xulka Austria Tababare u noqday Marcel Kohler oo u dhashay dalka Swetzerland.
***Macalinkii Qaranka serbia Vladimir Petrovic ayaa iskaga cararay maanta Jagadii uu ka hayey xulkaas ka dib markii eey Saxaafada dalkaas Xag xagasho iyo warar xun raaxada uga qaadeen.
Qaranka Serbia oo Ciyaartooy fara badan watay isreebreebkii koobka Qaramada Yurub waxaa Guruubkooda C kaalinta 1-aad ku soo baxay Talyaaniga halka kaalinta 2-aad oo la rabay ineey difaacday eey ka xiratay Estonia oo aan Ciyaaraha kubada cagta marnaba wax awood ah aan ku laheeyn. Serbia oo ciyaartii ugu dambeeysay 1-0 eey ku soo tuntay Slovenia waxaa Rigooradii eey ku soo bixi lahaayeen ka qasaariyey Difaaca Man Utd (Vidic daqiiqadii 61-aad). Ugu dambeentii Vladimir Petrovic wuu iskaga tagay jagadii uu ka hayey xulka Serbia waxaana banaan ilaa hada Jagadaas.
WAX YAR KA DIB FILO BARNAAMISHKA LA YAAB SPORT & FAALOOYIN KALE OO TOP NEWS AH !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!