Morinho oo Riyo dhanka England ah ku jira & Real Madrid oo xiratay Booska Macalin Joachim Löw,* Maradona oo Lacag badan la Ganaaxay ka dib markii uu Ceeytamay,*Adriano oo Mooryaan isku badalay & Bistoolad lagu helay iyo WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS !!!!
(Warar Sport oo Tarjuman) *** Macalinka Kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho ayaa Hamigiisa banaanka soo dhigay wuxuuna qarsan waayey Jaceeylka uu u qabo inuu mar kale Tababare u noqdo koox weeyn oo ka dhisan Horyaalka dalka Ingiriiska.
Jose Morinho oo la hadlayey inta badan Saxaafada Caalamka waxa uu carabka ku dhuftay inuu noqon doono Mustaqbalka dhaw ninka badali doono Macalinka Man Utd Mr.Sir Alex Ferguson oo maalinta Sabtida ah ee nagu soo aadan noqon doona 70-Jir.
Tababare Morinho oo sidoo kale amaan u soo jeediyey kooxdiisa Real Madrid ayaa waxa uu yiri sidan >> (Ich bin sehr, sehr glücklich, dass ich bei Real Madrid bin", so Mourinho. ?Ich wollte unbedingt hier arbeiten, aber mein nächster Schritt wird mich zurückführen (nach England, Anm.) und ich werde, wenn möglich, lange Zeit dort bleiben." In Großbritannien wird er als möglicher Nachfolger von Alex Ferguson bei Manchester United gehandelt. Uniteds Langzeitcoach wird am Samstag 70 Jahre alt).<<
" Aad iyo Aad ayaan u nasiib badanahay hadaan Real Madrid Macalin u ahay,dabcan waxaa iga go´an inaan halkaan ka shaqeeyo laakiin Talaabadeeyda labaad wexeey noqon doontaa dhanka Horyaalka England oo aan rajeenaayo inaan xili dheer halkaas sii joogo,,
Hadalkaan cusub ee Qabiir Morinho wuxuu Shaki badan galiyey Saxaafada Sportiga wexeeyna durbadiiba qaarkood qoreen inuu Morinho si weeyn ula qabsan karo Horyaalka dalka Ingiriiska oo uu 2-jeer la soo qaaday kooxda Fc Chelsea.
*** Dhanka kale kooxda Real Madrid wexeey si toos ah u xiratay booska Macalinka Qaranka Germany Mr.Joachim Löw waa hadii uu ka tago Tababare Jose Morinho waxaana arinkaan xaqiijiyey Xiriirka kubada cagta ee dalka Germany DFB iyo Jaraaidka MARCA Sport oo ka soo baxa dalka Spain >> (
Die deutsche Nationalmannschaft muss sich nach der Weltmeisterschaft 2014 um einen neuen Teamchef umsehen. Zumindest wenn es nach ?Marca" geht. Denn laut einem Bericht der spanischen Zeitung steht Joachim Löw auf der Wunschliste des spanischen Rekordmeisters als Nachfolger für Jose Mourinho ganz oben) <<.
***Mucjisadii hore ee Kubada cagta Diego Armando Maradona wuxuu mooday Horyaalada Carabta in dadka la iska ceeyn karo sida horyaaladii uu ka soo ceeytami jiray balse markaan waxaa Maradona Afgelis looga dhigay Ganaax Lacageed oo lagu sheegay 9.000 oo Lacagta Dirham-ka ah una dhiganta 1.879 Euro.
Diego Armando Maradona oo iminka Macalin u ah kooxda Al-Wasl Dubai wuxuu Caay qaab daran qabadsiiyey Tababaraha kooxda Al-Ain Mr.Cosmin Olaroiu wuxuuna ku yiri xili uu bood boodayey Tababare Cosmin Olaroiu sidan " Uskut Was-qaanyahoow,,
Macalin Diego Armando Maradona oo aan si wanaagsan u baran Luuqada Carabiga waxaa Caaydiisa ama hadalkiisa maqlay Calan wadihii taas oo soo da dajisay in loo jaro ganaax Lacageed uusan fileeynin. >> (Diego Maradona hat die Grenzen des arabischen Geschmacks überschritten. Der exzentrische Trainer von al-Wasl in Dubai wurde am Donnerstag wegen beleidigender Äußerungen vom Fußballverband der Vereinigten Arabischen Emirate zu einer Geldstrafe von 9.000 Dirham (1.879 Euro) verdonnert).<<
*** Weeraryahankii hore ee Qaranka Reer Brazil iyo kooxda Inter Milan Adriano Leite Ribeiro ayaa mudooyinkaan dambe waxa uu ku mashquulsan yahay dhaqamo xun xun oo dhanka Sportiga iyo Mustaqbalkiisa mugdi sii galinaya.
24-tii Bishaan is Rasaaseeyn ka dhacday goob Disco ah oo ku taalay Magaalada Rio de Janeiro waxaa mid ka mid ah Rasaastaas ay qabsatay Gaarigii Weeraryahan Adriano oo ay saarnaayeen 4 ka mid ah Dumar uu watay iyo Bodyguard isga la socday.
Adriano Leite Ribeiro oo 29 jir ah hada waxa uu u ciyaaraa kooxda heeysata horyaalka Dalka Brazil ee lagu magacaabo Corinthians wuxuuna inkiray Falkaan foosha xun ee ka baxsan dhaqamada Sportiga. >> (Brasiliens Ex-Internationaler Adriano ist entlastet worden. Die von einem versehentlich abgefeuerten Pistolenschuss in Adrianos Auto getroffene junge Frau gab zu, dass sie entgegen ihrer ersten Darstellung selbst mit der Waffe hantiert habe.
In den Morgenstunden des 24. Dezember hatte Adriano in Begleitung von vier jungen Frauen und seinem Leibwächter eine Disco in Rio de Janeiro verlassen. Der Bodyguard hatte dabei auf dem Rücksitz von Adrianos Auto eine Pistole abgelegt, welche die Frau aus Versehen abdrückte).<<
*** Wiilkii qanaday Ciyaartii Ajax Vs Akmaar 21-kii bishaan aanu ku jirno ayaa waxaa loo jaray in Xabsiga lagu sii hayo mudo 4-Bilood ah.
Wiilkaan oo 19 jir ah waa Taageere Jalbeeysan oo ka tirsanaa Hooligans-ka kooxda Ajax waxaana horay sidoo kale loogu jaray Ganaax 30 sano ah kaas oo lagu sheegay in uusan soo gali karin Garoonka kooxda Ajax Amsterdam. >> (Der 19-jährige Ajax-Amsterdam-Fan, der während des niederländischen Cup-Achtelfinales am 21. Dezember zwischen Ajax und Alkmaar den Gästegoalie angegriffen hatte, ist zu einer Gefängnisstrafe von sechs Monaten verurteilt worden. Wesley van W. muss demnach wegen vorsätzlicher Körperverletzung vier Monate hinter Gitter. Weitere zwei Monate werden für zwei Jahre auf Bewährung ausgesetzt. Zuvor hatte Ajax bereits ein Stadionverbot von 30 Jahren gegen ihn verhängt) << .
FILO WAX YAR KA DIB WARAR TOP AH OO HAWADA KU SOO JIRA !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)