Ciyaaryahan Garsoorihii Ciyaarta dhulka ku jiiday,iyo isaga oo la ganaaxay 27-kulan ka dibna isaga Cararay Horyaalkii uu ka dheelayey (Daawo isaga oo 3-iisbuuc ka hor Ceejiyey alabiitare kale) .
Waxaa maanta arin mucjiso badan oo ka yaabisay intii daawaneysay soo daayey Labada Tv ee lakala yiraahdo Dsf & Sport1 oo laga leeyahay Dalka Germany.
Tv-ga Sport1 oo daba dhigtay qisadaan ayaa waxaa uu xitaa wareysi la yeeshay Ciyaaryahankii sameeyey qalad-kaan.
Jose Pedrozo oo u dhashay dalka Paraguay ayaa waxaa uu dhulka ku jiiday markii uu xanaaq ka tan badiyey isku celin waayey Alabiitaro marcelo Miranda.
Ciyaartaan oo ka tirsaneed Horyaalka chille ayaa waxaa 2-qalad oo mudo 3-daqiiqo gudaheed aheeyd laga galay ciyaaryahan Jose Pedrozo oo markii dambe si toos ah ugu orday dhanka Garsoore Marcelo miranda oo ka dibna dhulka lagu jiiday.
Alabiitaro Miranda ayaa isaga oo sidii wax suuxay camal ah laga qaaday garoonka dhexdiisa taas oo Jose Pedrozo ku sheegay inuusan gacan u qaadin balse uu kaliyah dhulka ku jiiday.
Dadkii daawanayey Mucjisadaan ayaa waxa eey la yaabeen sida Garsoore Marcelo Miranda dhulka ugu gal gashay halka horay loogu arki jiray Garoomada caalamiga ah Ciyaartooy si been been ah dhulka iskugu tuurto marka in yar la jilaafo ama eey si aan ku talagal aheeyn eey is kugu dhacaan Ciyaartooyda kale.
Xiriirka kubada cagta ee dalka Chille ayaa durbadii si deg deg ah u ganaaxay Ciyaaryahan Jose Pedrozo oo lagu ganaaxay in uusan 27-kulan oo xirrir ah kana tirsan Horyaalka Chille cagta soo saari karin Garoomada dalkaas iyo weliba idsaga oo muteeysay ganaax lacageed oo fara badan.
Jose Pedrozo oo ka hadlay maanta arintaan ayaa sheegay in eeysan macquul aheeyn inuu sii joogo Horyaalka Chille oo 27 eey ula mid tahay sidii 1-Horyaal oo kale uuna u wareegi doono Horyaalka dalkiisa Hooyo ee Paraguay marka uu isbuucan gudihiisa iska bixoyo lacagta lagu ganaaxay.
Fifa ayaa looga fadhiyaa in eey war ka soo saarto in Jose Pedrozo xitaa eey uga daba tagto Horyaalka dalkiisa Hooyo ee Paraguay oo eey sidoo kale ka mamnuucdo isagana maadaama 3-isbuuc ka hor uu Ceejiyey garsoore kale oo lagu magacaabo Emaneul Luzau.
Arimaha nuucan ah ayaa ku soo badanaya Garoomada caalamiga ah mararka qaar eey Ciyaartooyda u adkeysan waayaan qaladaadka waa weeyn ee Garsoorayaashu ku kacaan waxaana iska cad in xiriirka caalamiga ah ee Fifa goaamo ad adag ka soo saari doonaan dhawaan ciyaartooyda weerarta Garsoorayaasha.
Halkaan hoose ka daawo waxa uu Jose Pedrozo ku sameenayo Alabiitaraha (Ceejo):