Hubkii Qaranka Liibiya intiisii badneed wuxuu weli gacanta ugu jiraa Shacabka Liibiya oo Hub guryaha lagu heeysto u arko faan iyo wax ku cusub nolashooda.
Waxaa ugaarsi iyo Dil isku bilaabay labada Qabiil ee ugu tunka weyn dalka Liibiya kuwaas oo lagu kala magacaabo Sintan iyo El-Mashasha. 2 Cisho ka hor waxaa Hogaamiyo kooxeed Dagaaladii Liibiya ka soo qeeyb qaatay laga dilay Qabiilka Sintan wexeeyna hada ugu aareen 3 ka tirsan Qabaailka El-Mashasha.
Dagaalkaan cusub ee ka dhex biloowday Qabaailda dalka Liibiya ayaa waxa uu ka dhacay Koonfurta dalka Liibiya gaar ahaan Magaalada lagu magaaco Wamis. Qabiilka Sintan wexeey u badnaayeen ama u dagaalameen Dawladii marxuum Qadaafi halka Qabaailka El-Mashasha ay yihiin kuwo ka soo jeeda ama u badan Gobolada Mucaaradka uu ka curtay.
Xaalada iyo aminiga dalka Liibiya ayaa waxaa lagu sheegay ineey tahay mid Alloow sahal ah maadaama inta badan Shacabka dalka Liibiya ay yihiin kuwo hubeeysan oo weliba diidan ineey Hubkaas soo celiyaan taas oo sabab looga dhigay Qabaailda dalkaas oo weli Shaki weeyn kala qaba.
Hogaamiyaha Xukuumada KMG ah ee dalka Liibiya Mr Abdel Dschalil waxa uu sheegay in loo baahan yahay Sabar iyo Dulqaad goor dhawna ay bilaabi doonaan sidii Hubka looga soo aruurin lahaa Shacabka weli gacantooda uu hubka ku harsan yahay.