Uefa Champions League : Bye Bye Man Utd & Man City,*Olympique Lyon & ZSKA Moscow oo si Lyaab ah ku soo baxay iyo Real Madrid oo Jabisay Iskoor cusub (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Koobka Horyaalada Yurub+Falanqeeyn)
Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa waxaa la Ciyaaray kulamadii ugu dambeeyey oo ay Kooxuhu qaarna u soo bixi lahaayeen wajigiisa labaad halka qaarna loo tuuri lahaa dhanka koobka Europa League (Ex-Uefa Cup).
Hadaanu ku hormarno Guruub (A) waxaa fooda is daray kooxaha waa weeyn ee Manchester City iyo Fc Bayern Munchen oo horay u xaqiijisay soo bixitaankeeda.
Kulankaan waxaa 2-0 lagu suul daaray kooxda Bayern Munchen/Munich oo kursiga keeydka fadhiisisay inta badan Laacibiinteeda. Labada Gool kooxda Man City waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah David Silva (Daqiiqadii 37-aad.) iyo Yaya Toure (Daqiiqadii 52-aad.)
Xiddiga reer Ivory Coast Yaya Toure wuxuu qarka u saaran yahay inuu ku Guuleeysto abaal marinta Laacibka sanadka ee Qaarada Africa oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.
Guushaan waxba uma tarin kooxda Man City oo waligeed aan soo galin koobka Champions League maxaa yeelay Napoli oo ay isku Guruub yihiin ayaa 0-2 uga soo badisay kooxda villarreal oo xili ciyaareedkaan Sakaraad noqotay.
Goolasha Napoli waxaa u kala saxiixay Gökhan Inler oo Isbuucaan gudihiisa maamulka kooxda Napoli Lacag fara badan ku ganaaxeen ka dib markii uu Xayawaan Qeeylo badan oo aan laga seexan karin ku tilmaamay weeraryahanka Qaranka Uruguay Edinson Roberto Cavani .
Goolka Inler wuxuu dhaliyey (Daqiiqadii 65-aad.) waxaana Goolka Labaad raacsaday weeraryahanka Qaranka reer Slovakia Marek Hamsik oo isagana Xaaskiisa Martina dhib loogu geeystay magaalada Napoli 2-Isbuuc ka hor , Goolka wuxuu dhaliyey Marek Hamsik (Daqiiqadii 76-aad.) Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=gmPeThuTXCg .
Guruubka (A) waxaa ka soo baaxay kooxaha Bayer Munich iyo Napoli waxaana Jabhada Europa League (Ex-Uefa Cup) loo tuuray Man City oo uu Nasiibka ka hiiliyey.
FIIRO GAAR AH : Calaamada Xiddigta ah ee Kooxaha Guruubyada ku agtaal waa sidan , Kooxaha Hal Xiddig leh waa kuwa soo baxay , midii labo Xiddig leh waa kooxda loo diray dhanka Jabhada Europa League (Ex-Uefa Cup), tan aan laheeyn wax Xiddig ah weey hartay oo wexeey iska xaadirin doontaa Gurigeeda.
| 1. |
Bayern München * |
6 |
4 |
1 |
1 |
11:6 |
13 |
| 2. |
SSC Napoli * |
6 |
3 |
2 |
1 |
10:6 |
11 |
| 3. |
Manchester City ** |
6 |
3 |
1 |
2 |
9:6 |
10 |
| 4. |
Villarreal |
6 |
0 |
0 |
6 |
2:14 |
0 |
Guruub (B) waxaa ka dhacday lama arag iyo lama maqal ka dib markii kooxda ZSKA Moscow oo Boorsooyinkeeda ka laab laabatay koobka Champions League uu si wanaagsan ugu hiiliyey Nasiibka.
ZSKA Moscow oo aaday Guriga Inter Milan 1-2 ayeey ku soo badisay oo waxaa taas ka sii yaab badneed kooxihii ka dhibcaha koreeyey ee Lille iyo Trabzonsport Bareejo 0 & 0 ah ayeey galeen.
" Lille iyo Trabzonsport ayaa Bareejo wada galaya anagana Inter Milan ayaan gurigeeda ku soo garaaceenaa cid ku fakartay oo liiska ku darsatay ma jirto ayuu yiri macalinka kooxda ZSKA Moscow oo Garoonka orad ku soo dhex maray markii loo sheegay ineey kooxaha Lille & Tarabzon Bareejo isla dhaafi waayeen.
Guruub (B) waxaa ka soo baxay kooxaha Inter Milan iyo ZSKA Moscow :
| 1. |
Inter Milan * |
6 |
3 |
1 |
2 |
8:7 |
10 |
| 2. |
ZSKA Moscow * |
6 |
2 |
2 |
2 |
9:8 |
8 |
| 3. |
Trabzonspor ** |
6 |
1 |
4 |
1 |
3:5 |
7 |
| 4. |
OSC Lille |
6 |
1 |
3 |
2 |
6:6 |
6 |
Guruub (C) Ceeb iyo Taariikh madoow ayaa qabsatay Laacibiinta kooxda Shayaadiinta cas cas ee Manchester United. Man Utd oo Bareejo ku soo bixi kartay waxaa 2-1 ku tuntay kooxda Fc Basel oo heeysata horyaalka dalka Switzerland. Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=QPXow8VfWEo .
ManU maalmihii ugu dambeeyey tacbaan ayeey eheed waxaana sii badanayey kooxaha ku sii tashta ineey dhibcaha ka tirsadaan. In ka badan 17 koobka Champions League ah waa markii 3-aad oo kaliyah oo ay kooxda Shayaadiinta cas cas ku harto Wareega hore ee tartanka Horyaalada Yurub (Sanadihii 1994/95 , 2005/06 & 2010/2011).
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee United waxaa garoonka Fc Basel si xun ugu dhaawacmay ama Jilibka u qaloocday Difaaca qaranka Serbia ahna Kaptanka Man Utd waa Vidic oo ciyaarta laga saaray isaga oo xanuun la qeeylinaya ka dib markii ay is dar dareen Weeraryahan Marco Streller.
Goolasha Fc Basel waxaa u kala saxiixay Weeraryahanada Qaranka Switzerland /Schweiz Marco Streller Daqiiqadii 9-aad iyo Alexander Frei Daqiiqadii 84-aad. Goolka Man Utd waxaa u saxiixay oo Teesto bootin dheer ah kacay Ciyaaryahan Phil Jones Daqiiqadii 89-aad. Fc Benfica oo Guruub C 1-aad ku soo baxday wexeey 1-0 ku suul daartay kooxda heeysata horyaalka dalka Romania waa Otelul Galati.
Qosolka taagan waxa uu yahay kooxaha isku magaalada ah ee Man Utd iyo Man City oo laga yaabo ineey isku arkaan koobka Europa League oo ay ka ciyaaraan kooxaha Yurub looga yaqaan Jabhadaha ee inta badan Laacibiinta dhaawaca !! .
Guruub (C) waxaa si sharaf ah uga soo baxay kooxaha kala ah Fc Benfica iyo Fc Basel :
| 1. |
Benfica Lissabon * |
6 |
3 |
3 |
0 |
8:4 |
12 |
| 2. |
FC Basel * |
6 |
3 |
2 |
1 |
11:10 |
11 |
| 3. |
Manchester United ** |
6 |
2 |
3 |
1 |
11:8 |
9 |
| 4. |
Otelul Galati |
6 |
0 |
0 |
6 |
3:11 |
0 |
Guruub (D) waxaa wacdaro ka dhigtay oo weliba Iskoor cusub jabisay kooxda Los Blancos Calaktikos Real Madrid oo dhamaan lixdii kulan ee looga baahnaa ineey ciyaarto wada badisay .
Real Madrid wexeey 0-3 ku soo saqiir suujisay kooxda Ajax Amsterdam oo heeysata Horyaalka dalka Holland. Goolasha kooxda Boqorada Yurub waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Jose Callejon oo dhaliyey labo Gool (Daqiiqadihii 14-aad iyo 92-aad.) goolka kale waxaa raacsaday Weeryahanka ku dhashay dalka Faransiiska balse u ciyaara Qaranka Argentina waa Gonzalo Higuain (Daqiiqadii 41-aad.) .
Manuel de Sousa oo u dhashay dalka Portugal ahna Alabiitarihii hayey ciyaartii Ajax Vs Real Madrid ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu kooxda Ajax u diiday 2-Gool oo ay dhaliyeen. Halkaan ka Daawo Ciyaarta http://www.youtube.com/watch?v=DJbiKcV7He8 .
FIIRO GAAR AH : Ciyaartooyda Kooxda Real Madrid oo maalmahaan si wanaagsan kubada iskula qabsaday wexeey habeenka Sabtida ah saacadu markeey tahay 22 :00 kulan adag kala hor tagi doonaan kooxda Fc Barcelona oo laf dhuun gashay ku noqotay una aqoonsatay ineey Real Madrid qaado koobab waa weeyn.
Isla Guruubkaan (D) waxaa Wacdaro iyo Taariikh dhigtay kooxda Olympique Lyon oo soo bixi taankeeda uu ku jiray Mugdi aad u weeyn. Lyon ayaa lagu waday ineey ku soo bixi karto oo kaliyah hadii Ajax la tumo oo iyaduna ku soo badiso 0-4. Xaalada intaas weey iska badashay oo Lyon wexeey dinamo Zagreb oo heeysata Horyaalka dalka Croatia ku soo qararamsatay 1-7 waxaana sidoo kale la Tumay Ajax Amsterdam.
Goolasha Olympique Lyon ku badisay waxaa 4 ka mid ah u saxiixay Weeraryahanka Qaranka diiqa reer France waa Bafetimbi Gomis (Daqiiqadihii 45., 48., 52 & 70-aad. Goolasha kale waxaa sii raacsaday Maxime Gonalons (47.), Lisandro Lopez (64.) iyo Jimmy Briand (Daqiiqadii 75-aad.)
Guruub (D) waxaa kasoo baxay kooxaha kala ah Real Madrid iyo Olympique Lyon .
| 1. |
Real Madrid * |
6 |
6 |
0 |
0 |
19:2 |
18 |
| 2. |
Olympique Lyon * |
6 |
2 |
2 |
2 |
9:7 |
8 |
| 3. |
Ajax Amsterdam ** |
6 |
2 |
2 |
2 |
6:6 |
8 |
| 4. |
Dinamo Zagreb |
6 |
0 |
0 |
6 |
3:22 |
0 |
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com