|
Xiriiriye & Xiisaha ILA QOSOL Sport : Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii ebid inta Taariikhda la ogyahay ka dhex dhacay Garoomada Caalamiga ah (Halkaan ka Daawo Muuqaalo aad Afka gacanta saaran doonto Yaab dartiis markaad Daawato) !! |
Inta badan Garoomada caalamiga ah ee Ciyaaraha kubada cagta ayaa waxaa mararka qaar ka dhex dhaco Arimo aad loola yaabo oo Taariikh ahaan ku reeba qofka Beniaadanka ah xusuus uusan si fudud ku iloobin. Hadaba maanta waxaan halkaan idinkugu heeynaa Muuqaal Mucjisadiisa iyo La Yaabkiisa xambaarsan oo aad afka gacmaha saaran doontaan .
Arimaha ugu yaabka badan ee Muuqaalkaan oo qaar ka tirsan eey yihiin Qosol iyo Murugo is bar bar socda ayaa waxaad kaga bogan doontaan sida Gool dhan oo Dumeeyso ka dib markii eey Ciyaartooyda dhex marto Ciyaar kulul. Waxaa kaloo ka daawan doontaan Ciyaartooyda nuuca loo yaqaan Been boodayaasha oo inta eey Gam gambiyaan ka dibna iyaga Naftooda dhaawac isku geesanaayo iyada oo uusan taaban ciyaaryahanka xiligaas ka soo hor jeedo.
Waxaad kaloo daawan doontaan Alabiitare eey ciyaartooyda ka daba sidaan Jaalihii & Roosadii oo uga dhex dhumay garoonka dhexdiisa ciyaarta oo adag awgeed iyo Alabiitare kale oo Darbo kulul inteey haleesho Jawiga uu ka dhumaayo. Waxaa Mucjisooyinkaan yaabka badan ka daawan doontaan Gudiga gurmadka deg dega ah ee ciyaartooyda dhaawaca ah garoonka ka saara oo Dhaawicii iyaga oo wado Jooga ka dhacaya ka dibna ciyaaryahankii dhaawaca ahaa uu ka xanaaqaayo Awood darida iyo qaabka eey dhulka ugu dheceen... Arinta ugu Qosol badan ayaa ah Xiddig Rigoore inta loo dhigo Fulaynimo iyo Cabsi darteed isaga oo gamin Kubada laga dafaayo ( Yaaab) Halkaan ka Daawo Muuqaaladaan oo dhan.
>>> http://www.youtube.com/watch?v=8mTNtS1pkFU&feature=player_embedded.
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com