Qilaaf xoogan oo soo kala Dhax galay Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. Liiska Ciyaarooyda uu dhexyaal Ballon d'Or, Golden Ball oo la sameeyey & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
Kooxaha Barcelona Vs Real Madrid oo kulmi lahaa Maalin Axad ah 28.11.10 ayaa waxa uu noqday mid la isku mari waayey oo weliba lagu kala tagay. Maalintaan ayaa kooxda Barcelona waxa eey leeyihiin Doorashada Maamul Dawladeedka gobolkaas ee loo yaqaan (Catalonia) wexeeyna ciyaarta dalbadeen in dib loogu dhigo hal maalin ka dib Taariikhdaas oo ku beegan Isniin 29.11.10 balse waxaa taas iyana markeeda diiday kooxda Real Madrid oo sheegtay in wax lagu qoslo eey tahay maalinta Isniinta in la dheelo maxaa yeelay maalinta ku xigta ee Talaadada 30.11.10 waxa eey kooxda Real Madrid leedahay ciyaarta Champions League oo eey la dheeli doonto kooxda Ajax.
Generaldirektor-ka kooxda Real Madrid Jorge Valdano ayaa waxa uu soo jeediyey in maalinta Qamiista ah ee 2.12.10 la qabto kulankaan caalamiga ah ee dunida inta badan looga yaqaan (EL Clasico) balse waxaa taas iyana markeeda diiday kooxda Barcelona oo sheegtay in maalinta Arbacada ah ee 1-12.10 eey ciyaar adag oo Champions League ah la leeyihiin kooxda Panathinaikos.
Kulankaan oo weli la isku mari la yahay ayaa ugu dambeentii waxa eey kooxda Real Madrid soo jeedisay in la qabto oo la soo hor mariyo maalinta Sabtida ah ee 27.11.10 waxaana taas weli diidan kooxda Barcelona oo Doorashada maamul Dawladeedkooda (Catalonia) hal maalin ka hor ineey ciyaar u safraan ku sheegay wax aan macquul eheen oo Naadiga Barca dhaqan u leheen.
** Ciyaartooyda ku guuleeysan karta Kubada Dahabka ah ee loo yaqaan The "Ballon d'Or", "The Golden Ball", ayaa la soo saaray magacyadooda halka laga soo tagay Ciyaaryahano aad muhiim u ahaa sida Diego Alberto Milito oo u ciyaara kooxda Inter ahna laacibkii u dhaliyey goolasha Ciyaartii Finaalaha ee The Uefa Champions League.
Qiimeeytaan oo eey bixiyaan France Football ayaa waxaa Liiska laga waayey oo la Bililiqeeystay wadamada Ingiriiska iyo Talyaaniga halka lagu koobay inta badan Ciyaaryahano ka socda wadamada Germany , Spain & Holland.
Ciyaartooyda la magacaabay ee Nasiibka u helay ineey ka mid noqdaan Xiddigaha qaadan doono kubada Dahabka ah ayaa waxa eey magacyadooda iyo kooxaha eey u dheelaan kala yihiin sidan:
Iker Casillas (Real Madrid)
Daniel Alves (FC Barcelona)
Didier Drogba (FC Chelsea)
Samuel Eto'o (Inter Milan)
Cesc Fabregas (FC Arsenal)
Diego Forlan (Atletico Madrid)
Asamoah Gyan (Stade Rennes / FC Sunderland)
Andres Iniesta (FC Barcelona)
Julio Cesar (Inter Milan)
Miroslav Klose (Bayern Munchen)
Philipp Lahm (Bayern Munchen)
Maicon (Inter Milan)
Lionel Messi (FC Barcelona)
Thomas Müller (Bayern Munchen)
Mesut Ozil (Werder Bremen / Real Madrid)
Carles Puyol (FC Barcelona)
Arjen Robben (Bayern Munchen)
Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
Bastian Schweinsteiger (Bayern Munchen)
Wesley Sneijder (Inter Milan)
David Villa (FC Valencia / FC Barcelona)
Xabi Alonso (Real Madrid)
Xavi Hernandez (FC Barcelona)
** Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa waxa eey qarka u saaran tahay ineey la soo wareegto Xiddig 15-jir ah oo kooxda Barcelona dooneysay in Mustaqbalka dhaw ku badalaan booska Ciyaar sameeyaha Barca Xavi Hernandez.
Laacibkaan yar oo lagu magacaabo Sergi Samper ayaa waxaa soo Qishay oo qaab ciyaareedkiisa u bogay laacib Cesc Fabrigas xili uu booqasho ku tagay Ex-Xeradiisii hore ee La Masia oo ah halka eey kooxda Barcelona ciyaartooyda ka soo saarto. Intaas ka dib ayaa waxaa si wada jir ah isku raacay oo dhanka xerada La Masia u dhaqaaqay Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger & Cesc Fabrigas.
Laacibkaan yar ayaa waxaa iska cad in eey kooxda Arsenal la soo wareegi doonto inta uusan ku qaaliyoobin ama kooxo kale ogaan awoodiisa qaab ciyaareed. Naadiga Arsenal ayaa waxaa uu ka mid yahay kooxaha sida weey u soo caan bixiyo ciyaartooyda yar yar ee mararka qaar aan magacyadooda la aqoon.
** Weeraryahanka Qaranka Croatia iyo Kooxda Bolton Ivan Klasnic ayaa waxaa Saldhiga u taxaabay oo xiray Ciidamada Booliiska ee magaalada Manchester. Ivan Klasnic ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu gabar 17-sano jir eheed uu xoog u isticmaalay waxaana hada weli xabsiga dhexe ee magaalada Manchester ka socda Dacwada ciyaaryahankaas oo Tv-ga Sky-sport si Live ah u soo daayey.
** Ciyaaryahanka kooxda Manchester City uga ciyaara dhanka weerarka Carlos Tevez ayaa loo fasax in uu dalkiisa hooyo ee Argentina dhaawac dartiis u aado. Carlos Tevez ayaa waxa uu ku dhaawacmay ciyaartii kooxda Arsenal eey 0-3 uga badisay Naadiga Man City wuxuuna ka dhaawacmay Muruqa kore ee Bawdada.
Carlos Tevez ayaa waxa uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulanka eey Manchester City la yeelan doonto isbuucaan kooxda Wolverhampton waxaana lagu wadaa inuu soo xaadiro kulanka adag ee 10-ka bisha Novembar dhex mari doona labada kooxood ee ifka iskugu neceb Man City Vs Man Utd.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com