|
Hambalyo Hambalyo Hambalyo. Dhamaan Bahda Xiriiriye.com wexeey Sanad guuradii 51-aad ee Maalinta Xoriyada dalka Soomaaliya Hambalyo iyo bogaadin Hawada u soo marinayaan dhamaan Shacab weeynaha Soomaaliyeed.`* Waxaan kaloo halkaan idinkugu heeyno xaalada dalka uu maraayo iyo Mucjisooyin cusub oo bilihii ugu dambeeyey ka taagan Furumaha uu ka socdo Dagaalada Ahliga ah ee lagu riiqmay ! (Qiso La Yaab xambaarsan).
Hadaanu nahay dhamaan bahda Sportiga ee www.xiriiriye.com Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Duceenayaa inuu Daaim Sanadkaan kan xiga Nabad Daris uga dhigo. Waxaan Alle ka baryeenaa inuu Sanadkaan ka xigo Day´yarteenda Daryeel caafimaad noo siiyo Madaafiicdana ka dul qaado. Dadkeena & Dalkeena Allaha Nabad siiyo kana dhigo kuwo Nabdoon waligood. Duruufta taagan mid ka roon Dadkuna ku Damaashaadaan Alloow noogu Deeq. Kuwo Daacad ah Allaha naga dhigo Diintooda aan Dayacin. Calankeena Ciida aan ka Qaadno Caalamka meel wacan ka Tusno kana Taagno. Waa nagu Ceeb inaan Saacad walba is xag xagano Calaacalna ka bixi weeyno. Caqliga aan Kaashano oo isku sabarno Sanadkaan kan xiga Cadawga Calankeena Ciideeyey iska ilaalino. Hadaan is Ceeymino Xaqa la jaan qaadno waa Hubaal inuu Alle weeyne Caziiz Maalin cad na Ceeymin doono. ugu dambeentii Ciil & Calaacal Allaha naga saaro, kuwo Dalkooda Ceeymiya Allaha naga dhigo, Calankooda & Ciidooda Sharfa, Ceeb aan u soo jiidin. (Ceeb dhamaanteed Allaha Asturo Maanta Maalinta xigta 1.7.2012) Aamiin Aamiin Aamiin.
Halkaan ka Daawo Heesta wadaniga ah ee Dhiig bax oo uu Xiriiriye.com soo saaray ka dibna noqotay mida dhanka heesaha cusub ee Maslaxa Soomaalida loogu dhageeysi batay >>> http://www.youtube.com/watch?v=pWHJb1vSBDI
*** Arin mucjiso ah oo Shacabka Soomaaliyeed eey ku soo kor dhiyeen Qolooyinka quuta dhiiga umada Soomaaliyeed halkaan hoose ka aqriso:
Tan iyo markii eey Dagaalada Ahliga ah ka dilaaceen Dalka Soomaaliya Sanadkii 1991-kii waxa marba soo baxaayey kooxo ama Hogaamiye kooxeedyo Wajiya kala duwan xambaarsan oo hadba sameeysan jiray Ururo eey Dhaqaalaha kaga cuni jireen Beesha Caalamka iyo Hay´adaha Caalamiga ah. Ururadii iyo kooxihii eey sameeysteen Hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maray waxaa si weeyn ula yaabi jiray Beesha Caalamka oo ku wareertay tirada Ururadii dalka soo maray iyo Hogaamiye kooxeedyadii dalka hogaamin jiray oo mar kasta is Dagaali jiray halka bilooyin ka dib la arki jiray iyaga oo heshiiya una Heshiiya Hogaamiye kooxeed kale oo eey u arkeen inuu Caqabad ku yahay dantooda iyo meelaha eey ka talin jireen. Magacyada Ururadii tirada badnaa ee Dalka Soomaaliya soo maray waxaa ilaa iyo hada Dhagaha Shacabka Soomaaliyeed weli ka sii guuxaayo oo aan ka dhamaan magacyo eey ka mid yihiin USC, SNM, SSDF, SNF, SPM, SDM, USP, SAMO, SNA, SSA & RRA. Ururo kooxeedyadaan tirada badan ayaa wexeey ku buufin jireen Gawaaridooda Dagaalka ee loo yaqaanay (Tiknikada) iyo meelaha ama Degmooyinka eey ka talin jireen Magacyada Ururkooda halka eey Gawaarida ku sharaxan jireen Sawirka Hogaamiye kooxeedkooda. Hadaba akhristoow Balaayadaas iyo isku dhex yaacaas waxeey noqdeen kuwo daaqada ka baxay balse waxaa dhashay Wajiyo kale oo aad uga duwan kuwii hore waana Qaab cusub oo dhanka Diinta ah weliba bilaabay ineey Dhiig iska daadiyaan iyaga oo Diin sheeganaayo ama ku qaraabanaayo. Dunidaan inta aad ku nooshahay wax kaste filo maxaa yeelay Maanta waxaa la haayaa Mucjisooyin aan horay loogu arag Dagaaladii ahliga ahaa ee dalka Soomaaliya xitaa kuwii ugu cuslaa. Dagaalka u dhaxeeya Urur diimeeyda kala ah Ahlu Suna Waljameeca Vs Al Shabaab ama Ciidamada Dawlada Vs Al Shabaab ayaa wuxuu gaaray Naceeybka iyo Xaasidnimada eey isku qabaan halkii ugu sareeysay. Kooxahaan is diidan ee Wajiyada kala duwan xambaarsan ayaa hada wexeey la soo baxeen arin lagu sheegay MUCJISADII sanadka taas oo ah sidan " Ciidamada Ahlu suna Waljameeca iyo kuwa Dawlada ku meel gaarka ah marka eey meel muhiim ah ama Talis Ciidan ka qabsadaan Xarakada Al.Shabaab wexeey durbadiiba ku buufiyaan ama Indhahaaga eey qabanayaan Hadalo ama Qoraalo Darbiyada Rinji lagula buufiyey oo eey ka mid yihiin kuwaan : Qufulan, Qawaariijta, Ajaaniibta, Argagixisada, Al Qaacidada, Mooryaan-Gareeyda, Wahaabiyada, Afduubta, Bidcada iwm. Erayga ugu cusub uguna yaabka badan ayaa waxa uu noqday (Qufulan) oo eey ku buufiyeen Urur Diimeedka Ahlu Suna Waljameeca Gawaari Dagaal oo eey sheegeen ineey Xarakada Shabaabka kaga soo qabsadeen Dagaaladii Goobolada dhexe ka dhacay gaaar ahaan kuwii Galgaduud. Ciidamada Dawlada iyo kuwa Ahlu Suna Waljameeca wexeey kala jeedaan Erayga Qufulan qaabka eey mar kasta Afafka u duubtaan Ciidamada Xarakada Shabaabka. Dhanka Shabaabka ayaa waxaa halaheeys u noqday marka eey soo hadal qaadayaan Ciidamada Dawlada iyo kuwa Ahlu Suna Waljameeca Qoraaladaan: Murdatiidiinta, Gaalada, Koofiyo Baqti, Suufiyiinta, Muqayiliinta, Tigreega ,Shayaadiinta Iwm. Hadaad Fiiriso Afkaarta iyo Naceeyb-Diimeedkaan eey isku qabaan kooxahaan kala haaday waxaa durbadiiba kuu soo baxaayo in xaalka Somaliya uu lugaha la galay meel aad Qatar u ah oo ka soo laabashadeeda eeysan sahlaneeyn inuu Ilaaheey duul kheeyr qaba oo Diinta aan ku qaraaban noo soo dira mooyaanee.
|