Romelu Lukaku waa 17-Jir, C.Ronaldo ayaa aad u amaanay Mucjisadaan cusub, Walaal kiis ka yar Jordan Lukaku oo 16-jir ah Arsenal ayaa beeciisa xiratay, Dadweynaha Jarmalka oo diiday DaŽda Caruurtaan. (Halkaan ka Aqri Qiso aad u qosol badan oo Tarjuman iyo Video-Daawasho ah) ! >> Ku biiri Aqoontaada Sport.
Ku biiri Aqoontaada Sport:>> Familka Lukaku ayaa noqday Qooyskii ugu hadal heeyta badnaa shalay iyo maanta dhanka wararka Mucjisooyinka Ciyaaraha kubada cagta.
Romelu Lukaku & Jordan Lukaku ayaa waxa eey labadaba u ciyaaraan kooxda RSC Anderlecht ee horyaalka dalka Biljamka wexeeyna ku dhasheen isla dalka Biljemka. Romelu Lukaku ayaa labadooda weeyn waxaa uu dhashay 13 May 1993 wuxuuna ku dhashay magaalada Antwerpen ee Belgium-ka waana 17-sano jir.
Jordan Lukaku ayaa isna dhashay 25.07.1994 waana 16-sano jir. Hadaba Akhristoow waxaa wax lala yaabo noqotay wargeeyso badan oo ka soo baxa dalalka Yurub kuwooda ciyaaraha ugu tunka weeyn oo daba dhigtay wiilashaan yar yar ee Mucjisada kala yimid Aabahood Roger Lukaku oo ciyaaryahan hore ahaa oo weliba dhanka kubada cagta lagu qadarin jiray.
Wargeeysyadaan ayaa waxa eey diidan yihiin oo shaki balaaran ka muujiyeen daŽda Ciyaaryahanadaan ku soo biiray maslaxa kubada cagta. Jordan Lukaku warkiisa iskaba daa oo waxaa isaga la wareeygtay oo xiliyada soo socdo uu u wareeygi doonaa kooxda weeyn ee ka dhisan Caasimada Ingiriiska ee London waa Fc Arsenal.
Dhibaatada ugu weeyn ayaa waxa eey heeysataa Romelu Lukaku ka dib markii inta badan Jaraaidyada caanka ah ee Sportiga eey ka qoreen warar lagu qoslo sida >> Sideey ku dhici kartaa ninkaan Awoowaha ah inuu 17-sano jir yahay iwm.
Saaafada ayaa soo qaadatay xiligii u daŽda beenta ah ugu yimid kooxda Inter xiddiga Qaranka Nigeria Obafemi Martins oo gadaal ka qirtay inuu daŽdiisa runtaa ah 6-sano iska yareeyey in kastoo Fifa eey cafisay wuxuuna hada u ciyaaraa kooxda Rubin Kasan ee horyaalka Ruushka.
Obafemi Martins arintiisa iyo arinta Romelu Lukaku isma lahan maxaa yeelay Martins qaarada Africa ayuu ku dhashay oo Paaspor been ah laga soo sameeysan karo laakiin Nin ku dhashay Qaarada Yurub weliba dal eey ku taal caasimadiisa xarunta weeyn ee Eu-da laga xukumo (Brussels) siduu daŽbeen ah ku qoran karaa ileen meesha Isbitaalo caafimaad ayaa buuxo iyo dukomeentiyo qalab casri ah lagu baaro? SuŽaashaas Akhristayaasha ayaanu u deeynay !!!
Romelu Lukaku oo hada u safta Qaranka Biljemka ayaa waxaa soo codsaday doonistiisa kooxaha Real Madrid, Inter Milan, Arsenal London, Bayern München iyo Fc Chelsea. xiddiga weeyn ee kooxda Real Madrid ayaa waxa uu si weeyn u amaanay ciyaaryahan Romelu Lukaku oo uu ku sheegay ninkii mustabalka dhaw badali lahaa isaga wuxuuna yiri runtii waa Fantastic Player (War bixinta uu Cristiano Ronaldo ku amaanay Lukaku hoos ka aqri)
Saxaafada Sportiga kuwooda ugu Ixtiraamka iyo Aqlaaqda badan ayaa waxa eey soo qoreen sidaan: " International Lukaku oo ku soo biiray Garoomada Caalamiga ah !!..
Halkaan Daawo qaabka Romelu Lukaku qaranka iyo Horyaalkaba: http://www.youtube.com/watch?v=J_sG8EQl4D0.
>> Halkaan ka Daawo qaabka Farsamadiisa iyo marka uu kooxdiisa la tababaranaayo : http://www.youtube.com/watch?v=vlOSRsQd9HY.
Xiddigaan oo loo yaqaan Drogbaha cusub ayaa waxa uu DaŽdiisa dood weeyn ka dhex abuurtay Shacabka Germany oo intooda badan diidan sida eey macquul ku noqon karto nin sidaas oo dhan u weeyn inuu jiro 17-sano.
Doodaas oo qaar ka mid ah aan idiin soo koobiyeenay ayaa waxaa ku jira bulsho wanaagsan oo qaar ka mid ah eey leeyiihin Lukaku wuu jiri karaa 17-sano waana loo dhashaa weeynida iyo yaraantaba...Halka qaar eey leeyihiin meesha nac nac ayaad ku heeysaan , Nin yurub ku dhashay siduu daŽdiisa been uga sheegaa? xageesa ku qoran tahay maalaayacnigaas? soo umada oo dhan ee Yurub degan been ma wada sheegteen hadii daŽwax la badali karo tahay oo aan la iskaga daba imaaneeyn?. Shaqsigii ugu qosolka badanaa ayaa iska soo dhigay Lukaku waxaana uu yiri sida: " Heey waxaan ahay Lukaku, shaqo kale oo daŽdeeyna inaad ka hadashaan ma ahane ma weeyseen wax kale oo aad qabataan. Shaqo yeesha oo ha igu mashquulina maxaa yeelay aneey i anfaceysaa hadaan 17-sano jir ahay iyo hadaananba aheyn .!!
Hoos ka Aqri Qaabka eey Jaraaidyada dooda ugu qabteen dadweynaha iyaga oo isku mashquuliyey daŽda Lukaku. waxaa kaloo hoos ka aqrisaa Cristiano Ronaldo marka uu faaninaayo Laacib Lukaku iyo weliba Walaalkiis ka yar Jordan Lukaku oo kooxda Arsenal u socdo.
Raali gelin ku socoto bahda jecel Hal Xiraalayaasha, ka raali noqda Jawaabta Hal Xiraalaha oo aanu ka soo hor marinay warar kale oo muhiim ah weliba aanu si weyn u soo tarjunay waxaana noo saamixi waayey waqtiga . Haduu alle idmo maanta ayaanu soo saari doonaa maadaama aanu hada inta badan tirinay dadkii soo saxay suŽaashaas.Mahadsanidiin.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
05.11.2010
Ronaldo lobt Lukaku: ''Fantastischer Spieler''
Real Madrids Superstar Cristiano Ronaldo hat ein Loblied auf den erst 17-jährigen Romelu Lukaku vom RSC Anderlecht gesungen. "Ich verfolge seine Karriere sehr genau. Er ist ein fantastischer Spieler, der es schon mit 17 geschafft hat, in einer eher kleinen Liga international auf sich aufmerksam zu machen, ähnlich, wie es bei mir war. Ich bin gespannt, für welchen Verein Lukaku sich am Ende entscheiden wird, ich hoffe, es wird Real Madrid", erklärte Ronaldo gegenüber espn.com. Die Königlichen sind, wie einige andere europäische Topclubs auch, brennend an einer Verpflichtung des jungen Belgiers, der angeblich bereits beim FC Chelsea im Wort steht, interessiert. "Es ist eine große Ehre für mich, wenn ein großer Spieler wie Ronaldo mich so toll beurteilt. Ich hoffe, dass ich eines Tages auch einmal so gut wie er sein werde", gab Lukaku das Kompliment gegenüber sporza.be artig zurück.
Arsenal wird Jordan Lukaku, den jüngeren Bruder von Romelu, intensiver scouten. Das las Het Nieuwsblad in der englischen Presse. Vater Roger weiß von dem Interesse, aber will auch seinen jüngsten Sohn beim RSCA spielen lassen.
Im nächsten Spiel der U17 Nationalmannschaft soll Arsenal Jordan anschauen kommen. Der 16-jährige Bruder von Romelu spielt meistens als Linksverteidiger oder im linken Mittelfeld.
Vater Roger weiß, dass einige Vereine auch seinen jüngsten Sohn scouten. "Ich habe bereits gehört, dass Arsenal schon seit einer Weile Interesse zeigt, aber nicht mehr als das. Sein Manager hat gute Kontakte bei Arsenal. Wenn sie wirklich interessiert wäre, würden wir das sofort von ihm hören", sagte er. "Es gibt auch einige deutsche Vereine, die interessiert sind, aber ich denke nicht, dass dies momentan ein Thema ist."
Die Chance, dass es zu einem Transfer kommt, ist jedoch klein. Genau wie Romelu soll Vater Roger auch Jordan zuerst bei Anderlecht durchbrechen lassen. "Ich denke, dass er sich am besten weiter in Anderlecht entwickeln sollte, so wie wir das bei Romelu gemacht haben."
Der erste Schritt ist übrigens ein Profivertrag bei Anderlecht zu bekommen. Vielleicht bereits in dieser Saison? "Jorda, hat letztens sein erstes Spiel für die Junioren bestritten und hat gut gespielt. Er soll sich nun in Ruhe weiterentwickeln. Der nächste Schritt wäre die erste Mannschaft."