|
La Yaab : Ciyaaryahan Lucas Barrios waa kuma? , Xiddig 3-Baasaboor isku darsaday ka dib markii eey soo Ceeyriyeen Qarankiisa Waji xumana uu kala kulmay halkii uu ku dhashay, *Lucas Barrios Maanta waa Laacibka kooxaha ugu badan ee Qaarada Yurub isku heeystaan, Waxaana qaatay Qaran kale oo aan kii Deeyriyey aheeyn ( Halkaan ka Daawo kana Akhriso Qisada Barrios )
Barnaamishka La Yaab iyo Xiriiriye Latest Daily World Sports News wexeey idiin soo bandhigaan Cadeeymihii ugu dambeeyey ee ka tarjumaya Jawiga iyo warar kii ugu dambeeyey ama ugu xiisaha badnaa dhanka Ciyaaraha kubada Cagta !!
|
Lucas Ramon Barrios Caceres wuxuu ku dhashay 13-kii Novembar 1984-tii Xaafada Laacibiinta badan eey ka soo baxaan ee San Fernando oo ku taal Caasimada dalka Argentina ee Buenos Aires. Lucas Barrios waxaa iska dhalay Aabe & Hooyo u kala dhashay wadamada Argentina iyo Paraguay. Koobkii Addunka ee World Cup 2010-ka waxaa diiday inuu Qaranka Argentina ku soo daro Diego Armando Maradona oo sheegay inuusan boos u heeyn weeraryahankaas qatarta ah.
Diidmada Diego Armando Maradona waxaa si deg deg ah uga faaideeysatay oo Laacibkaas dafay maamulka iyo Wasaarada Sportiga ee dalka Paraguay oo u yeertay Laacib Lucas Barrios wexeeyna durbadiiba ku soo dareen Ciyaartooyda Qaranka Paraguay oo xiligaas loo diyaarinaayey sidii eey uga qeeyb geli lahaayeen 2010 FIFA World Cup in South Africa.
Lucas Barrios hada waxa uu u ciyaaraa kooxda mucjisada cusub la soo baxday xiligii uu u yimid Xiddigaan waa Borussia Dortmund oo horyaalka Germany ku hogaamineeyso 61-dhibcood halka Bayer Liverkusen oo ku soo xigta eey ka leedahay 49-dhibcood waxaa wareertay oo Jihada ka dhuntay Fc Bayern Munchen oo soo dabaalaneeyso 42-Dhibcood.
Maslaxa kubada cagta ee Caalamka ayaa waxaa kacsan marba Xiddig cusub oo eey kooxaha ugu caansan Qaarada Yurub doonistiisa iska soo diiwaan galiyaan . Hadaba Lucas Barrios waxaa iska soo diiwaan galshay doonistiisa kooxihii ugu badnaa mudo bilooyin ah kuwaas oo kala ah Valencia,Tottenham, Bremen, Juventus, Ajax, Liverkusen, Man City ,Lazio, Zenit St. Petersburg iyo Ac Milan.
Dhamaan kooxahaan oo ah The Best European Clubs ayaa mid walba wexeey dooneeysaa sidii eey Laacib Lucas Barrios ugu soo biirin leheed Xiddigaheeda si uu u cirib tiro kooxaha kale ee tartanka uu kala dhaxeeyo.
Lucas Barrios wuxuu xili ciyaareedkaan kooxdiisa Borussia Dortmund u dhaliyey 11-Gool balse waxaa uu Paasas la la yaabay u dhigay Ciyaartooyda kale ee kooxdiisa. Lucas Barrios waxaa hada la siiyey Baasaboorkii 3-aad ama Dhalashadii 3-aad oo degnaansho ah wuxuuna horay u heeystay Dhalashooyinka dalalka Argentina, Paraguay iyo hada oo uu qaatay mida Jarmalka. La Yaaab !! .
Iskoorka Gooldhalinta ee Caalamka oo idil waxa uu ku heeystaa Lucas Barrios 57 kulan oo uu ciyaaray 49-Gool waana hal horyaal oo kaliyah . Sanadkii 2003 iyo 2004 waxa uu u saftay Ciyaalka Juunyarka yar yar ee dalka Argentina wuxuuna 17-kulan u saxiixay 5-Goal.
Hadaba Qormadeeyda iyo barnaamisha La Yaab Sport waxaan ku leeyahay Qaranka Argentina waxaa sidaas ku dhaafay Laacib eey in mudo ah ku faani lahaayeen iskastoo eey weli heeystaan Xiddiga qaba Gabadha Diego Armada Maradona waa Sergio Auguero, Weeraryahanka Man City Carlos Tevez iyo Real Madrid striker Gonzalo Higuain .
Halkaan ka Daawo Goolashiisa iyo qaabka uu kooxdiisa ugu Ciyaaro >>> http://www.youtube.com/watch?v=-W8A6Pq2XsM.
Halkaan ka Daawo xiligii World Cup 2010-ka lagu soo daray Qaranka Paraguay >>> http://www.youtube.com/watch?v=kZpZu8ZgseQ .
Halkaan ka Daawo sida uu u galay 3-Isbuuc ka hor kooxda Fc Bayern Munchen oo ku ciyaareeysay Gurigeeda Aliance Arena >>> http://www.youtube.com/watch?v=lPmTJ47EOwM.
Filo goor dhaw Warar Top Sport News ah iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo hawada ku soo jira !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com