Saxaafada Sportiga ee dalalka Portugal iyo Argentina ayaa si buuxdo ula kala Saftay Ciyaaryahanada kala ah C.Ronaldo & L.Messi, Kulankii Barcelona Vs Real Madrid ka dib Labadaan Xiddig oo dhawaan si toos ah ugu kulmi doona "El Clasico 2" ( War Bixin Xasaasi ah oo Tarjuman)
Saxaafada magaca Sportiga ku hadasho kuwooda ugu codka dheer ama ugu caansan ee ka soo baxa dalalka Portugal iyo Argentina ayaa waxa eey si weeyn oo aan qarsooneeyn ula kala safteen Ciyaaryahanada xiligaan la joogo hor boodayaasha ka ah Ciyaarta kubada cagta waa Cristiano dos Santos Aveiro Ronaldo iyo Lionel Andres Messi.
Sida aad Sawirka kore uga jeedit wixii ka dambeeyey kulankii adkaa ee Isniintii la soo dhaafay dhex maray kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona Vs Real Madrid (5-0) ayaa waxa eey bilaabeen Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina ineey soo sawiraan Cristiano Ronaldo oo u Sacbinaayo Leonel Messi iyaga oo ku hoos qoray isaga oo leh sidan: " Gacan ayaan kuu taagay Laacib Messi maxaa yeelay mar kastoo aan iska hor imaano waad i garaacdaa oo dhanka kubada cagta waad iiga awood badan tahay dhibcahana si sahlan ayaad iiga tirsataa !!.
Hadalada iyo Dacaayada eey Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina ka sameeyeen ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ah mid hadaad fiiriso meelo badan ka saxnaan karto. 1-Waxaa been aheeyn in Leo Messi uu Nasiib u yeeshay xiliyada uu Cristiano Ronaldo isku arkaan kulamada adag si sahlan ayuu dhibcaha uga tirsadaa ka soo biloow koobkii Champions League Fiinaalihiisii ahaa oo Leo Messi iyo Barcelona 2-0 ku suul daareen Cristiano Ronaldo oo xiligaas Abaanduule ka ah kooxda Man Utd.
Waxaa taas sii xigtay mar alle iyo markii uu Cristiano Ronaldo u soo wareegay dhanka La Liga iyo kooxda Real Madrid waxaa labadii is arag ee Horyaalkii la soo dhaafay 1-0 oo guriga Barcelona ah iyo 0-2 oo guriga Real Madrid ah guusha ku raacday Lionel Andres Messi oo ugu dambeentii ciyaartii maalintii Isniinta aheeyd ee dhex martay kooxahaan iyo ciyaartooydan is neceb eey guusha ku raacday kooxda Barcelona oo 5-0 ku Qararamsatay Real Madrid oo sanadkaan ilaah ayaa been caayee aad u adag.
Ugu dambeentii dhanka Jaraaidka Sportiga ee dalka Argentina ayaa waxa eey Xiddigooda Leo Messi dhamaantood ugu yeeraan (Halyeey Messi) waxaana ugu Qosol badneed doraad markii uu Jaraaidka ugu aqriska badan dalkaas ee lagu magacaabo El Grefico Sports Rervistas Deportivas S.A. in Buenos Aires uu soo sawiray Ciyaaryahan Leo Messi oo Basaasada Caruurta Caanaha lagu siiyo Nuujinaayo Cristiano Ronaldo weliba isaga oo kor u xambaarsan.
Dhanka Saxaafada dalka Portugal ayaa Cristiano Ronaldo waxa eey ugu yeeraan dhoor magac oo eey ka mid yihiin , Libaaxa kubada Cagta, Ciyaarsameeye-Ronaldo iyo sida Rambo-Ronaldo. Dhanka Leo Messi ma jeclo ineey inta badan ka hadlaan ama soo qoraan wexeeyna Qalinkooda iyo Qalbigooda u wada jeediyeen ciyaaryahan Cristiano Ronaldo halka eey Leonel Messi ugu yeeraan eray Soomaali ahaan la mid ah Geele Gaaboow oo loo baxsho dadka dhulka ku dhegan ee sida weeyn u gaaban wexeeyna kala jeedaan inuu Leo Messi wax badan C.Ronaldo ka gaaban yahay.
Arinta Wargeeysyada Portuqiiska ugu qosolka badneed ayaa eheed iyaga oo soo sawiray Ciyaartii Barcelona vs Real Madrid (5-0) Cristiano Ronaldo oo ciyaartooyda kooxdiisa Real Madrid u gacan haatinaayo isaga oo leh Kubada soo gaarsiiya afka hore hadaad dooneeysaan inaan Goolal idiin dhaliyo wexeeyna ula jeedaan oo war bixintaan ku hoos qoreen in Cristiano Ronaldo uusan qaladkii 5 & 0-ta laheeyn oo booskiisa uu ka soo baxay maadaama eey kubada si wanaagsan u gaarsiin waayeen Xiddigaha kale ee kooxda Real Madrid wexeeyna war bixintooda sii daba dhigeen oo ku soo gaba gabeeyeen sidan > Sorry Rambo-Ronaldo < .
Kulanka kale ee xiisaha badan sida weeyna looga wada sugaayo Dunida oo idil ayaa ah Argentina Vs Portugal, Lionel Messi Vs Cristiano Ronaldo oo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska 9-ka bisha Febraayo.
Taariikh ahaan ayaa labadaan dal waxaa adag Qaranka Portugal oo xitaa ciyaartii ugu dambeeysay ee Argentina eey la yeeshaan uga badiyey 3-1 wexeeyna ciyaartaas ka dhacday 1972-dii Caasimada dalka Brazil ee Rio de Janeiro.
Saxaafada Sportiga ee Caalamka ayaa durbadiiba magac cusub ula baxday kulan kaan iyaga oo ku sheegay sidan > El Clasico 2 in London < Waxaa la saadaaliyey kulan kaan ka dhici doono Magaalada London inuu yahay Fursadii iyo Nasiibkii ugu horeeyey oo soo mara Cristiano Ronaldo ugana aarsan karo Ciyaaryahan Leonel Messi oo dhibcaha ka xayuubsado mar kasta maadaama horyaal iyo Qaran eeysan isku mid ama isku awood aheeyn weliba waxaa Qarankiisa aan si weeyn uga dhex muuqan xiliyada uu ciyaaraayo Leonel Messi halka marka uu Fc Barcelona u ciyaaraayo Cel celis u yahay.
Awooda labada Qaran ayaa ah mid aad u adag oo aan lagu deg degi karin maadaama xulka Qaranka Portugal ciyaartiisii ugu dambeeysay uu dhulka ku jiiday xulka Qaranka Spain oo heeysta Koobka Addunka 2010 & Koobka Qaramada Yurub 2008 wexeeyna uga badiyeen 4-0.
Qaranka Argentina ayaa kulankiisii ugu dambeeyey waxa eey guul 1-0 ah uga badiyeen Xulka eey ifka iskugu neceb yihiin oo mar kasta ka adkaan jiray Argentina kana xayuubsan jiray dhibcaha waa Qaranka Brazil (Samba). Ciyaartaan oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar ayaa halka gool ee Argentina ku badisay waxaa daqiiqadii ugu dambeeysay ee ciyaarta u saxiixay Lionel Messi oo sheegay inuu mar kasta weligiis ku riyoon jiray inuu mar uun Brazil goolal ka dhaliyo waana u rumoowday Riyadaas in kastoo kulankaas uu Saaxiibtinimo ahaa Brazil-na eey ka maqnaayeen ciyaartooy fara badan.