 |
|
 |
live |
 |

Nasashada Jimcaha ee Xiriiriye, Shukaansiga Kooxaha ee Ciyaartooyda, Bastos oo kooxihii ugu badnaa ebed eey doonayaan, iyo Man Utd oo Ciyaaryahan Muhiim ah soo xero gelisay (Sport-News) Ciyaaryahanka soo jiitay indhaha Caalamka iyo kooxaha Qaarada Yurub ee u dheela Kooxda Lyon ee Horyaalka France iyo Qaranka Brazil Michael Fernandes Bastos ayaa noqday Xidiga ugu hadal heeyta badan isbuucaan ka dib markii eey doonistiisa isa soo xaadiriyeen 9-Kooxood. Kooxahan ayaa kala ah: Inter, Ajax, Tottenham, Juventus, Real Madrid, Marseille, Seville, Hambrug, iyo Roma. Michael Fernandes Bastos ayaa ka yaabiyey Bahda kubada cagta ee Caalamka maadama halmar eey isla doonayaan 10-kooxood oo mid kasta Shukaansi kula jirto Ninka wakiilka ka ah Bastos. Kooxda Lyon ayaa Kooxahaan waxa eey ugu jawaabtay hal eray oo ka yaabiyey Kooxihii doonayey Bastos oo ah sidan (Farta hasaarin) oo eey ula jeeday gacan iska dhaafe ee Far saari meeysaan. Michael Fernandes Bastos ayaa markiisii ugu horeeysay ee qaarada Yurub uu yimaado waxaa soo iibsatay 2001-dii Kooxda Feyenoord Rotterdam ee ka dhisan Dalka Holland oo ka soo iibsatay Gremio Esportivo Brasil. Bastos ayaa intaas ka dib u wareegay Kooxda Lille ee France balse waxaa isla markiiba soo daba dhigatay Kooxda weeyn ee Lyon oo Lille farta ka saartay 18-Milyan oo Cash ah. Michael Fernandes Bastos ayaa waxa uu Horyaalkii la soo dhaafay u saftay kooxda Lyon 45-kulan waxaana uu dhaliyey 15-Gool isaga oo ka dhela kaliyah Qadka dhexe. Sababta eey Kooxaha ugu Tunka weeyn Qaarada Yurub ugu mashquuleen Bastos ayaa ah isaga oo ka dheeli kara Lugta Bidix iyo tan Midig meeshii uu doono taas oo kooxaha qaar eey Jecel yihiin Ciyaaryahan labada lug tuu doono wax ku Ciqaabi kara darbooyinkiisa. Michael Fernandes Bastos ayaa waxaa kale ee uu ku wanaagsan yahay Baasaska loo yaqaan Qiyaanada oo laga hoos bixiyo Difaacyada ad adag waxaana uu wacdaro ka soo dhigay World Cup 2010 xili uu Qaranka Brazil dhexda Xamaali uga ahaa. Bastos ayaa inta badan saxaafada Sportiga waxa eey ugu magac dareen Robinho Nr-2 wuxuuna heshiiska uu kula joogo Kooxda Lyon ku eg yahay ilaa dhamaadka Sanadka 2013 mana la oga sida eey Lyon Bastos ku dhiibi doonto inkastoo Suuqa Ciyaartoyda eey kataliyaan Kooxo Macangagiin ah oo Naadiyada yar yar sida Lyon Lacag tiro badan faraqa u geliyo si eey Kooxda iskugu dhex yaacdo ama laacibiinta eey doonayaan iskugu dhejin. Kooxda Shayaadiinta Cas cas (Red devils) Man Utd ayaa soo xero gelisay Laacib Muhiim ah. Ciyaaryahan Bebe oo 20-Jir ah ayey Kooxda Man Utd waxa eey kala soo wareegtay kooxda Vitoria Guimaraes ee Horyaalka Portugal. Bebe ayaa waxaa laga soo baxshay Aduun gaaraya 7,4 Millionen Pfund oo u dhigma 8,94 Mio. Euro. Arintaan ayaa waxaa si weeyn ugu Farxay Taageerayaasha ka taliya Old Trafford ee Man Utd maxaa yeelay Naadiga Manchester Utd waligiis kuma qasaarin Ciyaaryahan eey ka keeneen Horyaalka Portugal ineey ku faaidaan maahane. Man Utd ayaa Cristiano Ronaldo ka keentay Horyaalka Portugal isaga oo sida uu hada yahay u awood badneeyn balse Markii dambe uu dhisay Macalinka Man Utd Alex Ferguson oo ugu dambeytii ka faaiday Lacag Caqli ka fooq ah oo ku sigatay ineey 100-Milyan oo Euro isa soo taagto . Waxaa ku xigay Nani oo hada Man Utd lafdhabar u ah balse eey diideen ineey iska iibiyaan. Xidiga Qaranka Mexico Javier Hernandez oo isna Cusub ayaa Taagerayasha Man Utd Horyaalka iyo Koobab badan horay ugu balan qaaday balse hada ka dhabeeyey hadal kiisi ka dib markii uu Gool muhiim ah ka dhaliyey Kooxda Fc Chelsea oo ah Laacibiin Rugcadaa ah oo meelo badan laga soo kala aruuriyey. Laacibkaan cusub ee Bebe iyo Javier Hernandez ayaa looga fadhiyaa ineey saftaan Kulanka Man Utd Maalinta Isniinta ah kala hortagi doonto Kooxda Newcastle oo ka soo laabatay Horyaalka 2-aad ee Ingiriiska balse hada si weeyn isku soo dhistay. Sport -News iyo Kawaanka Ciyaartooyda ayaa sidaan loo kala Qashay ! Ricardo Carvalho ayaa waxaa la tagtay Midida Qaliinka, waxa uu ka yimid Fc Chelsea waxaana uu u wareegay Kooxda uu Tababaraha u yahay Ninka eey isku wadanka ka soo jeedaan waa Jose Morinho & sidoo kale C.Ronaldo. Halkaas waxaa iska cad in Riyadii Morinho ee la soo wareegida Meicon oo Inter ka imaan lahaa eey bur burtay ama uu Jeebka ku ceshtay. Waxaa kaloo Seefta Kawaanka eey qaaday Christian Poulsen oo ka yimid Naadiga Juventus una wareegay Kooxda Liverpool. Kooxda Benfica ee Horyaalka Portugal ayaa Kooxda Chelsea ku tilmaamtay Ma Xishooto . Chelsea oo Benfica kala soo wareegtay Laacibkeeda Ramires ayaa hadana u soo dhigatay Xidiga kale ee u Ciyaara kooxda Benfica waa David Luiz. Benfica Lisbon ayaa markaan ugu jawaabtay Naadiga Chelsea 40-Milyan oo ka hadal laheeyn balse Chelsea ayaana war dambe ka soo bixin inkastoo eey sheegeen in eeysan ka hari doonin David Luiz.. Kooxaha Horyaalka Germany ayaa isku heeysta Laacibka Brazil Diego halka Juventus eey ku wareersan tahay cidii eey ka gadi leheed diego. Tuttosport Sport oo ka soo baxa Talyaaniga ayaa maanta qoray Beecii ugu dambeeyey ee juventus isaga gedi leheed Diego. Schalke ayaa ugu horeyso oo taagan 17-Milyan oo euro, halka Kooxda Wolfsbrug eey weli taagan tahay 16-Miyan oo euro. Warka labadaan Kooxood ayaa aheyn mid ka farxiya Juventus maxaa yeelay waxa eey kala soo baxday Diego 24,5 Milyan oo euro sanadkii la soo dhaafay iyaga oo ka soo iibsaday Bremen oo iyana ka dhisan Horyaalka Jarmalka. Filo Goor dhaw Barnaamishkii La Yaab & Waraysigii Rooney & Maradona Qeeybtiisii 2-aad. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|