NEWS : WIILASHII Qadaafi Saif al-Islam iyo Mutassim-Bilal oo Meeydkooda wax yar ka hor iyagana la soo bandhigay ,*Dilkii Qadaafi ka dib Dabaal deg balaaran oo ka socda magaalooyinka ugu waa weeyn dalka Liibiya gaar ahaan Caasimada Tripoli > Daawo Sawirka gudaha Godkii Qadaafi lagu dilay (Halkaan ka Daawo Layaabka ka taagan Liibiya)
Hoggaamiyihii hore ee xukunka dalka Libiya laga riday Mucamar al-Gadafi ayaa lagu soo waramayaa in uu dhintey xili ciidamada Dawladda kumeelgaarka ah ee Libiya ay iskudayeen in ay nolol ku qabtaan. Sidaas waxaa laga soo xiganayaa Sarkaal sare ee ka tirsan Ciidanka NTC.
Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in Col. Muamar Al- Gadaafi intii aan la dilin ka hor uu ku dhuumanayey god isagoo halkaasi ay ka soo saareen kooxaha mucaaradka ee la dagaalamayey. Wararku waxay sheegeen in Col. Qadaafi uu ku dhaawacmey tacshiirad lagu furayey xili la qabanayey, isagoo dhaawac xoogan uu ka soo gaarey xabadka & qaarka dambe.
Meydkii Col. Qadaafi ayaa la sheegay in loo qaaday meel qarsoodi ah iyadoo taasi loo yeelayo xaalad amaan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan golaha hogaaminta qaranka Liibiya ee ku meel gaarka ah.
Geerida Col. Qadaafi ayaa ka dambeysya ka dib markii dagaalo xoogan ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Sirta halkaasi oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanka daacada u ah Qadaafi.
Dhinaca kale waxaa gacanta lagu dhigey wiil uu dhaley Col. Qadaafi oo lagu magacaabo Mu'tasim iyo afhayeenkii Qadaafi Musa Ibraahim & waliba saraakiil kale oo eey ka mid yihiin , Mansur Daw & Ahmad Ibrahim Abdallah al-Sanusi.
Warar kii ugu dambeeyey ee ka imaanaya dalka Liibiya wexeey sheegayaan in goor dhaweed isbitaal ku yaal magaalada Sirte lagu soo bandhigay sidoo kale Meeydkii Wiilasha Muamar AL-Qadaafi waa Saif al-Islam iyo Mutassim-Bilal .
Halkaan ka Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee Liibiya >>> http://www.youtube.com/watch?v=T9c6TYTN_Tc
WARKA DHIMASHADA WIILASHA QADAAFI ISAGA OO TARJUMAN HOOS KALA SOCO :
Auch Saif al-Islam in Sirte getötet
Nach der Tötung des libyschen Ex-Diktators Muammar al-Gaddafi ist am Donnerstagabend in Libyen auch der Tod von dessen Söhnen Saif al-Islam und Mutassim-Bilal bestätigt worden. Beide sollen, wie ihr Vater, am selben Tag von Truppen des Nationalrats in Sirte getötet worden sein. Saif al-Islam galt als Nachfolger Gaddafis. Mutassim war im Regime seines Vaters nationaler Sicherheitsberater.
Die Leichname der beiden Männer seien zunächst in ein Krankenhaus in Sirte gebracht worden, berichtete das offizielle libysche Fernsehen. Nach arabischen Medienberichten wurden die Leichen am Abend aus dem Spital abtransportiert und an einen unbekannten Ort gebracht. Sie sollten noch in der Nacht beerdigt werden.