MUCJISOOYINKA CAALAMKA :Ciidamada Mucaaradka Liibiya oo labo Jiho ka soo weeraray Tripoli lana wareegay magaalooyinka Sorman & Gharjan .
Waxaa qal qal iyo Cabsi xoogan eey ka taagan tahay Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ka dib markii Ciidamada Mucaaradka ee sida weeyn ugu kacsan Madaxweeyne Qadaafi eey si buuxdo ula wareegeen Koontaroolada Waqooyi Bari iyo Dhanka Koonfureed ee magaalooyinka la jaarka ah Caasimada Tripoli kuwaas oo kala ah Sorman & Gharjan.
Sorman & Gharjan waa xuduntii iyo awoodii Xoogaga Qadaafi Taageera ka duulaan tagi jireen wexeeyna Niyad jab weeyn u noqotay Ciidamada Mucamar Al Qadaafi kuwooda ka dagaalama dhanka Waqooyi oo u arka arintaan ineey ku qasbi karto Dhabar jebin xoogan wexeeyna sidoo kale u arki karaan in Dagaalka looga baxay Ciidamada dhanka Koonfureedna taag dareeyeen.
Ciidamada Madaxweeyne Mucamar Al Qadaafi ayaa wexeey ahaayeen tan iyo markii uu qarxay Dagaalka Liibiya kuwo dhanka Beriga Xabad wax looga qaadi waayey marka laga reebo Ciidamada Gaashaanbuurta NATO oo dhanka cirka aad uga duqeeyn jiray Taangiyada iyo Dabaabaadka Xoogaga Mr.Qadaafi.
Niyad Jabka ugu xun iyo awood darida ku habsatay maalmihii ugu dambeeyey Ciidamada Mucamar Qadaafi ayaa waxaa sabab looga dhigay ka dib markii 4 cisho ka hor eey gacantooda ka baxday Magaaladii Dekeda eheed ee laga soo saari jiray Shidaalka waa Brega oo dalka Liibiya looga yaqaan Af Carabi ahaan (al-Buraiqa).
Waxaa sidoo kale sii Niyad jabiyey Xoogaga Qadaafi Guuldaradii kaga timid Magaalo muhiim ah oo Gobolo badan oo dalkaan ku yaalo isku xiri jirtay taas oo xigta dhanka loo aado Xuduuda dalka Tunisia waxaana lagu magacaabaa Sawija.
Ciidamada ugu badan ee u Dagaalama Madaxweeyne Qadaafi wexeey ka kala yimaadeen dhoor wadan oo Afrikaanka Liibiya la deriska ah . Magaalada Tripoli hadii uu Dagaalka soo gaaro wuu daba dheeraan doonaa maxaa yeelay waxaa ku xoogan Taageerayaasha Madaxweeyne Qadaafi.
Ugu dambeentii Magaalooyinka muhiimka ah ee laga qabsaday Xoogaga Qadaafi ayaa Caasimada wexeey u kala jiraan Masaafo ahaan : Sorman wexeey Tripoli u jirtaa 60 Kiilomitir halka Gharjan oo ku yaal Koontaroolka ugu balaaran ee lagu baaro Gawaarida Caasimada soo galeeysa eey u jirto Caasimada Tripoli 50 Kilomitir oo kaliyah . Labadaan Koontarool ama Magaalo waxaa dhamaantood si buuxdo gacanta ugu dhigay Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya oo doonaya ineey Madaxweeyne Qadaafi ka tuuraan Kursi uu dul fadhiyey mudo 42 sano ah.