Weeraryahan Samuel Eto'o oo Goolkiisii ugu horeeyey u saxiixay kooxdiisa cusub ee Anschi Machatschkala ,* Fc Barcelona oo markeedii 4-aad qaaday Super-koobaha Yurub ,* Didier Drogba oo Miyir beelay ka dibna Isbitaalka loo la cararay,*Warar kii Horyaalada England ,Germany ,Spain & Talyaaniga oo dib loo dhigay,* Mario Gomez oo 3-Gool ku tuurtay,*Andrei Sergeyevich Arshavin oo Man Utd u hanjabay,* Fc Chelsea oo soo xero galisay Mucjiso cusub oo kooxo badan eey ugaarsi ku hayeen & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
***Kooxda kubada cagta ee Fc Barcelona ayaa markeedii 4-aad wexeey qaaday koobka Super-koobaha Qaarada Yurub.
Barcelona ayaa 2-0 dharka kaga dhigtay kooxda FC Porto oo heeysata ama soo qaaday koobka Europa Cup-ka.
Koobkaan oo aad Qiimo uga leh Qaarada Yurub ayaa waxaa loo dhigaa aalaaba kooxda soo qaado Champions League iyo tan ku soo guuleeysata koobka Europa League oo EX-horay loogu yeeri jiray UEFA-Cup.
Ciyaartaan oo eey ka soo qeeyb galeen daawashadeeda 18.048 Taageere ayaa waxa eey ka dhacday Garoonka Monaco Stade Louis ee dalka Faransiiska. Xiddiga heeysta Laacibka Dunida ka dibna doraad ku darsaday Ciyaaryahanka sanadka ee Qaarada Yurub Lionel Andreas Messi ayaa goolkii ugu horeeyey ee dhanka Super-koobaha Qaarada Yurub ah waxa uu u saxiixay kooxdiisa Fc Barcelona.
Leo Messi ayaa goolka dhaliyey Daqiiqadii 39-aad waxaana goolka 2-aad ama kan dhameeystirka sii raacsaday Laacibka Qaranka Spain ee dhawaan ka yimid dhanka The Gunners Fc Arsenal Francesc Fabregas i Soler Daqiiqadii 87-aad xili uu ciyaarta badal ku soo galay daqiiqadii 80-aad. Fc Porto waxaa dhamaadkii Ciyaarta Calaamada Roosada ah lagu asqeeyey Ciyaartooyda kala ah Rolando daqiiqadii 86-aad iyo Fredy Guarin daqiiqadii 90-aad.
Koobka Super-koobaha Qaarada Yurub kii ugu dambeeyey waxaa heeysatay kooxda Inter Milan oo 2-0 kaga qaaday Naadiga
Atletico Madrid wexeeyna Fc Barcelona guushaan u noqoneeysaa markii 4-aad inta Taariikhda la ogyahay.
Fc Barcelona ayaa Super-koobaha Qaarada Yurub wexeey heeysataa Sanadihii 1992, 1997, 2009 iyo hada oo eey afareesteen waxaana Iskoor 5-jeer ah koobkaan Super-koobaha Qaarada Yurub ku heeysta Naadiga AC Milan ee Horyaalka Talyaaniga.
Xiddiga ugu Nasiibka badan ayaa noqday Laacib Francesc Fabregas i Soler oo dhanka kooxda Fc Arsenal kaga soo cararay Abaar koob la aaneed markii uu u yimid Fc Barcelona waxa uu mudo 3-Isbuuc gudahood ah la kala qaaday Super-koobaha reer Spain oo eey ka qaadeen Real Madrid iyo Super koobaha Qaarada Yurub oo eey ka qaadeen Fc Porto. Halkaan ka Daawo Ciyaartii eey Fc Barcelona Dhulka la jartay Fc Porto oo dhoor Koob isku darsatay >>> http://www.youtube.com/watch?v=bb8QvnOALmY&feature=related
*** Weeraryahanka Qaranka Cameroon Samuel Eto'o oo dhawaan ku biiray kooxda Anschi Machatschkala ee Horyaalka Russia ayaa si la yaab ah kooxdiisa cusub Gool uga farxiyey ka dib markii Dhamaadkii Ciyaarta uu badal ku soo galay.
Samuel Eto'o ayaa goolka bareejada waxa uu dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 80-aad ka xareeyey kooxda Rostow oo ku dheeleeysay gurigeeda (1-1). Weeraryahan Samuel Eto'o waxa uu mushaar ahaan sanad kasta u qaadan doonaa Adduun gaaraya 20,5 Milyan oo Euro wuxuuna qalinka ku duugay Qandaraas 3-sano ah .
*** Kooxda SSC Napoli oo sanadkaan ka ciyaareeysaa koobka Horyaalada yurub ee The Uefa Champions League ayaa waxa eey si toos ah ula soo wareegtay Weeraryahankii kooxda Inter Milan Goran Pandev. Xiddigaan ayaa booskiisa waxaa lagu buuxiyey Laacibka cusub ee dhawaan Inter Milan ku soo biiray waa Diego Forlan oo u safta Qaranka Uruguay kana yimid dhanka kooxda Atletico Madrid ee horyaalka Spain. Goran Pandev ayaa kooxda Inter Milan wexeey sanadkii 2009-kii ka soo iibsatay Naadiga SS Lazio wuxuuna 46-kulan oo uu u ciyaaray Inter Milan u saxiixay 5-gool oo kaliyah.
***Kooxda Paris Saint-Germain ee Horyaalka Faransiiska wexeey Fanerbahce Istanbul kala soo wareegtay Difaacii Qaranka Reer Uruguay waa Ciyaaryahan Diego Lugano.
*** Kooxda Fc Chelsea ee Horyaalka England wexeey si nasiib ah kula soo wareegtay Laacib da´yar oo kooxo badan eey xarash ama raadis ku hayeen. Xiddigaan cusub oo 20 jir ah waxaa lagu magacaabaa Ulises Davila wuxuuna u saftaa oo wacdaro uu ka soo dhigay Qaranka Juunyerka dalka Mexico waxaana laga soo iibiyey kooxda ugu adag Horyaalka Mexico ee Chivas Guadalajara .
Laacibkaan cusub oo la sheegay ineey saaxiibo qaas ah yihiin Xiddiga Man Utd Xavier Hernandez waxa uu Qaranka Junyerka Mexico keenay kaalinta 3-aad tartankii Juunyerka Addunka ee Isbuucii la soo dhaafay lagu soo gaba gabeeyey dalka Colombia.
Ciyaaryahan Ulises Davila oo eey Toosh ka daba wateen kooxaha Inter Milan, Fc Valencia, Fc Seville iyo Parma ayaa waxa uu sheegay xili uu la hadlayey Skysport in uu asaga doortay ku biirista Fc Chelsea maadaama ilaa yaraantiisii uu aad u jeclaa in uu mar uun u safto naadiga Fc Chelse. Ulises Davila oo mucjiso cusub lagu tilmaamay waxa uu Fc Chelsea Qalinka ugu duugay Qandaraas 5-sano ah.
*** Xiddiga Qaranka Russia iyo kooxda Fc Arsenal Andrei Sergeyevich Arshavin oo u waramayey Tv-ga Skysport ayaa waxa uu Hanjabaad hawada u soo mariyey kooxda Man Utd oo la sheegay ineey Dhibcaha Fc Arsenal ku sii tashatay kulanka galabta.
Skysport ayaa sheegay Andrei Sergeyevich Arshavin inuu yahay xiddiga kaliyah ee ku kacsada ManU mar kastana Goolasha ka dhaliya ayaa waxa uu ka xumaaday Su´aal eheed Man Utd oo kulanka galabta Dhibcaha Fc Arsenal ku sii tashatay?
Arshavin " Waxaas waa qalad Kubadu waa Cad & Madoow cidii Dhibcaha Fc Arsenal ku sii tashata waxaan oran lahaa markaas ayeeyba Fc arsenal Miciyo Libaax la soo baxdaa ayuu yiri Andrei Sergeyevich Arshavin oo Farxad iyo Qosol badan uu wajigiisa ka muuqday.
FAAQIDAADA HORYAALADA ENGLAND ,GERMANY IYO SPAIN OO DIB U FURMAY HALKA TALYAANIGA DIB LOO DHIGAY:
Xiddiga Qaranka Ivory Coast iyo Fc Chelsea Didier Drogba ayaa lama arag iyo lama maqal eey qabsatay ka dib markii uu Garoonka dhexdiisa ku miyir beelay. Didier Drogba waxaa la la tacaalayey mudo 11 Daqiiqo ah ka dib markii uu Testo ku qaaday Goolhayaha Norwich John Ruddy Daqiiqadii 65-aad ee Ciyaarta Qeeybteedii dambe.(Sawirka kore ee Beejkaan Daawo)
Drogba ayaa Sanka & Afka si daran uga dhiigbaxay waxaana loo la cararay Isbitaalka markii la arkay inuu Dhiig baxay oo weliba uu miyir beelay.Fc Chelsea ayaa kulankaan wexeey Norwich ku suul daartay 3-1 waxaana Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Jose Bosingwa (Daqiiqadii 6-aad), Frank Lampard (Daqiiqadii 82-aad) Rigoore iyo Laacibka cusub ee Qaranka Spain Juan Mata (Daqiiqadii 101-aad.)
Fc Liverpool wexeey iyana 3-1 ku dar dartay Kooxda Bolton Wanderers oo horyaalka England dar dar iyo Goolal badan ku iftaxday balse gadaal ka noqotay Dhiiqo ama Boolo goolal badan laga xareeysan karo. Fc Liverpool waxaa goolasha labo ka mid ah u saxiixay Laacibiinta cusub ee xili ciyaareedkaan ku soo biiray waa Jordan Henderson (daqiiqadii 15-aad) iyo Charlie Adam (daqiiqadii 53-aad) halka uu goolka sadexaad sii raacsaday Ciyaaryahan Martin Skrtel (daqiiqadii 52-aad). Goolka Bolton waxaa Daqiiqadii 92-aad u saxiixay Weeraryahanka Qaranka Croatia Ivan Klasnic oo ah Xiddiga kaliyah ee ka ciyaaro Horyaalka Ingiriiska isaga oo hal keli wata waxaana mudo 3-sano ka hor ah Kelidiisii 2-aad looga soo saaray dalka Jarmalka xiligii uu u ciyaari jiray kooxda Werder Bremen.
***Kulanka Ugu adag maanta waxaa Dharka iska dhigi doono kooxaha Man Utd Vs Arsenal, Arsenal waa Cidiyo ku dirir iyo Ceeb ka carar halka Shayaadiinta Cas Cas eey niyada ku rakibteen in Arsenal Boolo noqotay oo Darawaladii hagi jiray eey ka kala yaaceen (Cesc Fabrigas & Samir Nasri)
*** KULAMADII HORYAALKA ENGLAND AYEEY KOOXAHA SIDAAN ISKUGU BAASHAALEEN:
| 27.08. |
13:05 |
Aston Villa |
0:0 |
Wolverhampton |
| 27.08. |
13:30 |
Wigan Athletic |
2:0 |
Queens Park Rang. |
| 27.08. |
16:00 |
FC Chelsea |
3:1 |
Norwich City |
| 27.08. |
16:00 |
Blackburn Rovers |
0:1 |
FC Everton |
| 27.08. |
16:00 |
Swansea City |
0:0 |
AFC Sunderland |
| 27.08. |
18:30 |
FC Liverpool |
3:1 |
Bolton Wanderers |
| 28.08. |
14:00 |
Newcastle United |
-:- |
FC Fulham |
| 28.08. |
14:30 |
Tottenham Hotspur |
-:- |
Manchester City |
| 28.08. |
16:00 |
West Bromwich |
-:- |
Stoke City |
| 28.08. |
17:00 |
Manchester United |
-:- |
FC Arsenal |
HORYAALKA ENGLAND WAXAAN LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN:
| 1 |
FC Liverpool |
3 |
2 |
1 |
0 |
6:2 |
4 |
7 |
| 2 |
FC Chelsea |
3 |
2 |
1 |
0 |
5:2 |
3 |
7 |
| 3 |
Wolverhampton |
3 |
2 |
1 |
0 |
4:1 |
3 |
7 |
| 4 |
Manchester City |
2 |
2 |
0 |
0 |
7:2 |
5 |
6 |
| 5 |
Manchester United |
2 |
2 |
0 |
0 |
5:1 |
4 |
6 |
| 6 |
Wigan Athletic |
3 |
1 |
2 |
0 |
3:1 |
2 |
5 |
| 7 |
Aston Villa |
3 |
1 |
2 |
0 |
3:1 |
2 |
5 |
| 8 |
Newcastle United |
2 |
1 |
1 |
0 |
1:0 |
1 |
4 |
| 9 |
Bolton Wanderers |
3 |
1 |
0 |
2 |
7:6 |
1 |
3 |
| 10 |
FC Everton |
2 |
1 |
0 |
1 |
1:1 |
0 |
3 |
| 11 |
Queens Park Rang. |
3 |
1 |
0 |
2 |
1:6 |
-5 |
3 |
| 12 |
Stoke City |
2 |
0 |
2 |
0 |
1:1 |
0 |
2 |
| 13 |
AFC Sunderland |
3 |
0 |
2 |
1 |
1:2 |
-1 |
2 |
| 14 |
Norwich City |
3 |
0 |
2 |
1 |
3:5 |
-2 |
2 |
| 15 |
Swansea City |
3 |
0 |
2 |
1 |
0:4 |
-4 |
2 |
| 16 |
FC Fulham |
2 |
0 |
1 |
1 |
0:2 |
-2 |
1 |
| 17 |
FC Arsenal |
2 |
0 |
1 |
1 |
0:2 |
-2 |
1 |
| 18 |
West Bromwich |
2 |
0 |
0 |
2 |
2:4 |
-2 |
0 |
| 19 |
Tottenham Hotspur |
1 |
0 |
0 |
1 |
0:3 |
-3 |
0 |
| 20 |
Blackburn Rovers |
3 |
0 |
0 |
3 |
2:6 |
-4 |
0 |
*** Horyaalka La Liga oo dib u furmay waxaa Guul ku bilaabay kooxaha FcValencia & Real Sociedad.
Halkaan ka Daawo Valencia Vs Santandar 4-3 Laacib Soldado oo kacsan >>> http://www.youtube.com/watch?v=1xiPQyjKOG0 .
Horyaalka La Liga ayaa kooxaha wexeey maanta ku balan san yihiin sidan hoose iyada oo koox kasta eey dooneeysaa ineey Horyaalka Guul ku iftaxdo maadaama kooxdii la tumaa eey noqon doonto mid eey Koox kasta oo Boolo ah soo haweeysata:
| 27.08. |
18:00 |
Sporting Gijon |
1:2 |
Real Sociedad |
| 27.08. |
20:00 |
FC Valencia |
4:3 |
Racing Santander |
| 27.08. |
22:00 |
FC Granada |
-:- |
Betis Sevilla |
| 28.08. |
12:00 |
Atletico Madrid |
-:- |
CA Osasuna |
| 28.08. |
16:00 |
Athletic Bilbao |
-:- |
Rayo Vallecano |
| 28.08. |
18:00 |
RCD Mallorca |
-:- |
Espanyol Barcelona |
| 28.08. |
18:00 |
FC Getafe |
-:- |
UD Levante |
| 28.08. |
20:00 |
Real Zaragoza |
-:- |
Real Madrid |
| 28.08. |
22:00 |
FC Sevilla |
-:- |
FC Malaga |
| 29.08. |
21:00 |
FC Barcelona |
-:- |
FC Villarreal |
*** Horyaalka Germany ee Bundesligaha oo la Ciyaaray kulankiisii 4-aad waxaa Hoganka si Nabad ah oo aan Dhiig ku daadan kula wareegtay kooxda Fc Bayern Munchen oo biloowgii horyaalkaan Gurigeeda looga naxsaday.
Fc Bayern wexeey guri kale 0-3 dhibcaha kaga soo tirsatay Naadiga Kaiserslautern oo ah Kooxdii soo korisay weeraryahan Miroslav Klose oo xiligaan SS Lazio dhanka weerarka ka caawiya. Goolasha Bayer waxaa u wada saxiixay Mario Gomez oo Xili ciyaareedkii la soo dhaafay Gooldhalinta Horyaalka Germany soo qaaday: Halkaan ka Daawo ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=1S-BOm6XpZM .
Horyaalka Germany Kooxaha weexeey ku kala bexeen sidaan :
| Kaiserslautern |
Bayern München |
0:3 |
| Hoffenheim |
Bremen |
1:2 |
| Freiburg |
Wolfsburg |
3:0 |
| Nürnberg |
Augsburg |
1:0 |
| Hamburger SV |
Köln |
3:4 |
| Leverkusen |
Dortmund |
0:0 |
| Axad, 28. Agoosto: |
| Hannover |
Mainz |
15.30 |
| Schalke |
Mönchengladbach |
18.30 |
HORYAALKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN HOOSE :
| 1. |
FC Bayern München |
4 |
3 |
0 |
1 |
9:1 |
9 |
| 2. |
Werder Bremen |
4 |
3 |
0 |
1 |
9:5 |
9 |
| 3. |
Borussia Mönchengladbach |
3 |
2 |
1 |
0 |
6:2 |
7 |
| 4. |
Borussia Dortmund |
4 |
2 |
1 |
1 |
5:2 |
7 |
| 5. |
Hannover 96 |
3 |
2 |
1 |
0 |
5:3 |
7 |
| 6. |
Bayer 04 Leverkusen |
4 |
2 |
1 |
1 |
2:2 |
7 |
| 7. |
FC Schalke 04 |
3 |
2 |
0 |
1 |
9:6 |
6 |
| 8. |
1. FSV Mainz 05 |
3 |
2 |
0 |
1 |
6:5 |
6 |
| 9. |
1899 Hoffenheim |
4 |
2 |
0 |
2 |
5:4 |
6 |
| 10. |
1. FC Nürnberg |
4 |
2 |
0 |
2 |
3:4 |
6 |
| 11. |
Hertha BSC Berlin |
4 |
1 |
2 |
1 |
4:4 |
5 |
| 12. |
VfB Stuttgart |
4 |
1 |
1 |
2 |
4:3 |
4 |
| 13. |
SC Freiburg |
4 |
1 |
1 |
2 |
9:9 |
4 |
| 14. |
1. FC Köln |
4 |
1 |
1 |
2 |
6:12 |
4 |
| 15. |
VfL Wolfsburg |
4 |
1 |
0 |
3 |
4:8 |
3 |
| 16. |
FC Augsburg |
4 |
0 |
2 |
2 |
3:6 |
2 |
| 17. |
1. FC Kaiserslautern |
4 |
0 |
2 |
2 |
2:7 |
2 |
| 18. |
Hamburger SV |
4 |
0 |
1 |
3 |
6:14 |
1 |
Fiiro gaar ah Horyaalka Talyaaniga oo maanta bilaaban lahaa gebi ahaanba waa la wada baajiyey kulamadisa waxaana sabab looga dhigay dhanka dhaqaalaha iyo Caanshuuraha oo weli aan meel la isla dhigin !
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top news ah iyo Barnaamishka LA YAAB!!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com