Ji-sung Park oo 75.227 Taageerayaasha Old Trafford ah ka farxiyey, Laacibiinta Gunners oo Kaptan Cesc Fabregas la´aantiis si wanaagsan iskula qabsan waayey, Juventus oo Lazio iyada oo Qaawan gurigeeda u dirtay, Ac Milan oo Xiligii Xaragada ku jirto, Maxaa is daba dhigay Sanadkaan Barca iyo Real waa Yaabee? (Faalo : Halkaan ka Daawo Kulamadii ugu adkaa Horyaalada uguna Xiisaha badnaa)
Kulankii sida weeyn loo sugaayey ee Premier League Man Utd Vs Arsenal ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday 1-0 oo eey ku badisay kooxda Shayaadiinta Dharka Cas Cas ee ManU.
Ciyaartaan oo aad u adkeed maadaama labada kooxoodba aan sanadkaan la dhaleeysan karin qaadistooda Horyaalnimo ayaa waxaa kooxda Arsenal Daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore gool uga naxsaday Xiddiga Qaranka South Korea Ji-sung Park oo Soomaalida Ciyaaraha daawato dhamaantood eey u yaqaanaan (Mr. Indhoos)
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa kii 17-aad ee Premier League la dheelo xili ciyaareedkaan waxaana lagu soo xasuusan doonaa oo Mucjisooyinkii garoonka ka dhacay aanu ka xusi karnaa sidan >>>Waxaa Garoonka si Live ah u fadhiyey oo soo gashtay Funaanada kooxda Man Utd 33-dii Nin ee dhawaan laga soo badbaadiyey Godkii eey macdanta ka qodaayeen ee dalka Chille, Nimankaan oo dunida si weeyn caan uga noqday ayaa 2-bilood waxaa laga samray Nolashooda markii la soo bad baadiyey oo la qoday halkii eey Dhulka hoostiisa uga dhex dhumeen ayaa wexeey ka cabsadeen dadkii soo bad baadiyey oo ka kala yimid Qaarada Yurub iyo America dhamaantood wexeeyna u sheegeen Umad weeyntii soo bad baadineeysay ineey Dhimasho u maleeyeen maadaama waxa eey ku sugayeen halkii Mugdiga eheed eey noqon kartay Only Dhimasho eey la kulmaan.
Waxaa kale oo Garoonka fadhiyey Xiddigii hore ee kooxda Man Utd David Beckham oo tusay caalamka iyo Taageerayaasha Shayaadiinta dharka cas cas inuu weli yahay Tageere jecel kooxdiisii hore ee ManU. Waxaa kaloo Kulankaan lagu soo xasuusan doonaa Macalimiinta kala ah Sir Alex Ferguson (ManU) iyo Arsene Wenger (Arsenal ) oo markoodii 43-aad gacanta Midig is galiyey waana Recorad cusub oo dhanka Salaanta Tababarayaasha ugu badan ee Premier League inta taariikhda la ogyahay ah ah.
Waxaa kaloo iyana xusid mudan 4-Jaalle oo la laqsiiyey Ciyaartooyda kooxda Arsenal sida Samir Nasri, Alex Song, Andrey Arshavin iyo Marwan Chamakh wexeeyna taas kuu cadeeneysaa inuu Qosol hiilo galo ileen marka Ciyaartooyda Garoonkooda ku ciyaareeyso wax yar la taabto ama dhulka isku tuuro waxaa Qeeylo iyo Sawaxan aan horay loo arag bilaabo Taageerayaasha xiligaas ka taliyo Garoonka isla markiina waxaa Jaalle Sal Fudeed ah la soo boodo Alabiitaraha , Man Utd ayaa garoonka ka baxday iyada oo aan wax Jaalle ah la Laqsiin. (waa Recorkii 2-aad ee horyaalkaan marka laga reebo Kulankii Fc Liverpool Vs Fc Chelsea (2-0) oo Liverpool garoonka ka baxday iyada oo aan wax Jaalle ah loo taagin.) Halkaan ka Daawo kulamadii ugu dambeeyey ee Man Utd Vs Arsenal iyo kii eey caawa ciyaareenba: > http://www.youtube.com/watch?v=EMONX0Zk3WM.
Dhanka kooxda Chelsea waxa eey 1-1 dirqi ah la dhaafi weeysay (Dariskeena Alloow Kaal waa Tottenham). Laacibiinta Daalaan ee Ciyaartooyda badan ka dhaawacan yihiin waa Fc Chelsea ayaa waxaa Daqiiqadii ugu dambeeysay ee ciyaarta wadne xanuun ku kala fasaxay Taageerayaasha Chelsea Xiddiga Qaranka Ivory Coast Didier Drogba oo Goolkii Rigoorada ee guusha ahaan lahaa ku qubeeystay ama Qararamsaday (Cunay) Wuxuuna Drogba dib ka sheegay isaga oo la hadlaayey Skysport ineey qalad eheed inuu gamo wuxuuna yiri waan dareemay oo u cabsaday inaan cuni doono waxaana ii wanaagsaneed inaan Saaxiibada kale ku baashaala iraahdo ayuu yiri Mr.Drogba markii uu kooxdiisa Fursadii qaaliga eheed ee soo martay la degay. Goolka Tottenham ayaa waxaa u saxiixay Weeraryahanka Qaranka Russia Roman Pavlyuchenko.
Kulamadii kale ee horyaalka England ayaa sidaan loo kala xishooday:
|
| Villa - West Brom |
2:1 |
| West Ham - Man City |
1:3 |
| FC Everton - Wigan |
0:0 |
| Fulham - Sunderland |
0:0 |
| Stoke City - Blackpool |
0:1 |
| Newcastle - Liverpool |
3:1 |
| Bolton - Blackburn |
2:1 |
| Wolves - Birmingham |
1:0 |
| Tottenham - Chelsea |
1:1 |
Sidaan ayeey kooxaha dhibcaha Xaq ugu kala yeesheen
| 1 |
Manchester United |
16 |
9 |
7 |
0 |
36:16 |
20 |
34 |
| 2 |
FC Arsenal |
17 |
10 |
2 |
5 |
34:19 |
15 |
32 |
| 3 |
Manchester City |
17 |
9 |
5 |
3 |
24:13 |
11 |
32 |
| 4 |
FC Chelsea |
17 |
9 |
4 |
4 |
31:12 |
19 |
31 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
17 |
7 |
6 |
4 |
25:22 |
3 |
27 |
| 6 |
Bolton Wanderers |
17 |
6 |
8 |
3 |
30:24 |
6 |
26 |
| 7 |
AFC Sunderland |
17 |
5 |
9 |
3 |
20:18 |
2 |
24 |
| 8 |
Newcastle United |
17 |
6 |
4 |
7 |
27:26 |
1 |
22 |
| 9 |
FC Liverpool |
17 |
6 |
4 |
7 |
21:22 |
-1 |
22 |
| 10 |
FC Blackpool |
16 |
6 |
4 |
6 |
24:29 |
-5 |
22 |
| 11 |
West Bromwich |
17 |
6 |
4 |
7 |
24:29 |
-5 |
22 |
| 12 |
Stoke City |
17 |
6 |
3 |
8 |
21:22 |
-1 |
21 |
| 13 |
Blackburn Rovers |
17 |
6 |
3 |
8 |
22:27 |
-5 |
21 |
| 14 |
Aston Villa |
17 |
5 |
5 |
7 |
19:28 |
-9 |
20 |
| 15 |
FC Everton |
17 |
3 |
9 |
5 |
18:20 |
-2 |
18 |
| 16 |
Birmingham City |
17 |
3 |
9 |
5 |
17:20 |
-3 |
18 |
| 17 |
FC Fulham |
17 |
2 |
10 |
5 |
16:20 |
-4 |
16 |
| 18 |
Wigan Athletic |
17 |
3 |
7 |
7 |
13:28 |
-15 |
16 |
| 19 |
Wolverhampton |
17 |
4 |
3 |
10 |
18:30 |
-12 |
15 |
| 20 |
West Ham United |
17 |
2 |
6 |
9 |
15:30 |
-15 |
12 |
Horyaalka Serie A ee Talyaaniga Milan ayaa baahidii iyo Cabaadkii badnaa ka baxday wexeeyna jiiftaa Bandar iyo Guulo is daba taxan in kastoo Juventus oo ah kooxda kaliyah ee Milan gurigeeda ku soo garaacay eey Milan Bursasho ku heeyso.
Kooxda Ac Milan ayaa ku duceeysatay in Lazio eey isbaaro u dhigato kulankii Juventus maadaama Taariikh ahaan kooxda Lazio eey Juventus Xanjo ku noqon jirtay ama inta badan ka adkaan jirtay Juve oo aad intaad uga awood badnaan jirtay. Taas ma dhicin oo Habaarkii Ac Milan waxa uu noqday in Lazio iyada oo qaawan gurigeeda Roma loo diro.
Juventus waxa eey SS Lazio uga badisay 2-1, goolasha waxa u kala dhaliyey Difaaca qaranka Talyaaniga ee lagu naaneeso ama loo yaqaan (Birtii Shubka) waa Chiellini halka goolka guusha uu u saxiixay Xiddiga cusub ee Fak fakta badan una ciyaaro Qaranka Serbia waa Milo Karasic,goolka SS Lazio ayaa waxaa u saxiixay Zárate. Halkaan ka daawo Kulankii Juve Vs Lazio >>> http://www.youtube.com/watch?v=KKgTFGrlgOc.
Kooxda Milan waxa eey guri kale ku soo garaacday 3-0 kooxda Bologna oo eey ka faaideeysatay maadaama Bologna Xaraash lagu haayo oo uu gadan rabo nin u dhashay dalka Kuweit waxaana naadiga Bologna lacag badan ku yeeshay xiriirka horyaalka Talyaaniga. Milan goolasha waxaa u kala saxiixay Xiddigaha eey ayaan iskugu baxdo waa Boateng, Ibra iyo Robinho, Sadexdaan ciyaaryahan ee cusub wexeey dhamaantood goolal u wada dhalinayeen Milan kulamadii ugu dambeeyey ee eey ciyaartay : Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay >>> http://www.youtube.com/watch?v=tw597_0q7D4.
Horyaalka Talyaaniga ayaa lagu balamay isbuucaan in wax ka badan Natiijadaan aan la is ceebeeyn.
| 11.12. |
18:00 |
Udinese Calcio |
2:1 |
AC Fiorentina |
| 11.12. |
18:00 |
US Palermo |
3:1 |
FC Parma |
| 11.12. |
20:45 |
CFC Genua |
0:1 |
SSC Napoli |
| 12.12. |
12:30 |
FC Bologna |
0:3 |
AC Milan |
| 12.12. |
15:00 |
Cagliari Calcio |
3:0 |
Catania Calcio |
| 12.12. |
15:00 |
Brescia Calcio |
1:0 |
Sampdoria Genua |
| 12.12. |
15:00 |
US Lecce |
3:2 |
AC Chievo |
| 12.12. |
15:00 |
AS Roma |
1:0 |
AS Bari |
| 12.12. |
20:45 |
Juventus |
2:1 |
Lazio Roma |
| 19.01. |
20:45 |
Inter Milan |
-:- |
AC Cesena |
Kala Horeeynta Qab Qablayaasha Serie A
| 1 |
AC Milan |
16 |
11 |
3 |
2 |
29:12 |
17 |
36 |
| 2 |
Juventus |
16 |
8 |
6 |
2 |
31:16 |
15 |
30 |
| 3 |
SSC Napoli |
16 |
9 |
3 |
4 |
25:17 |
8 |
30 |
| 4 |
Lazio Roma |
16 |
9 |
3 |
4 |
21:14 |
7 |
30 |
| 5 |
US Palermo |
16 |
8 |
2 |
6 |
28:21 |
7 |
26 |
| 6 |
AS Roma |
16 |
7 |
5 |
4 |
21:20 |
1 |
26 |
| 7 |
Inter Milan |
15 |
6 |
5 |
4 |
20:14 |
6 |
23 |
| 8 |
Sampdoria Genua |
16 |
5 |
8 |
3 |
18:13 |
5 |
23 |
| 9 |
Udinese Calcio |
16 |
7 |
2 |
7 |
19:18 |
1 |
23 |
| 10 |
CFC Genua |
16 |
6 |
3 |
7 |
13:15 |
-2 |
21 |
| 11 |
Cagliari Calcio |
16 |
5 |
5 |
6 |
19:15 |
4 |
20 |
| 12 |
AC Chievo |
16 |
5 |
5 |
6 |
18:18 |
0 |
20 |
| 13 |
AC Fiorentina |
16 |
5 |
4 |
7 |
16:17 |
-1 |
19 |
| 14 |
FC Bologna |
16 |
5 |
5 |
6 |
16:23 |
-7 |
19 |
| 15 |
Catania Calcio |
16 |
4 |
6 |
6 |
13:18 |
-5 |
18 |
| 16 |
FC Parma |
16 |
4 |
6 |
6 |
14:20 |
-6 |
18 |
| 17 |
Brescia Calcio |
16 |
4 |
3 |
9 |
12:20 |
-8 |
15 |
| 18 |
US Lecce |
16 |
4 |
3 |
9 |
16:33 |
-17 |
15 |
| 19 |
AC Cesena |
15 |
3 |
3 |
9 |
10:20 |
-10 |
12 |
| 20 |
AS Bari |
16 |
2 |
4 |
10 |
10:25 |
-15 |
10 |
Horyaalka La Liga ee Spain waxaa weli Xaaladooda caafimaad laga deeyrinayaa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo kala hari waayey Dibir iyo Jilaafona raaxada iska qaaday-.. Kooxahaan isku dhiig baxay sanadkaan ayaa waxaa la la´yahay cid kala qabata maadaama sanadkaan Labada kooxoodba eey soo gateen Hub iyo Saanad cusub taas ayaa keentay ineey Hoobiyeyaal iyo Ciyaartooy cusub iskugu faanaan, xitaa dhanka gool dhalinta weey kala xishoon la´yihiin C.Ronaldo Vs Leo Messi oo is hor fadhiya.
Kooxda Barcelona wexeey Timaha ka jartay oo ku bar baratay ugana badisay 5-0 kooxda Real Sociedad : Halkaan ka Daawo Ciso la ´aanta iyo saqiir suujinta Barca >> http://www.youtube.com/watch?v=vh2VC0AX6hA
Kooxda Real madrid ayaa iyadana wexeey 1-3 ku soo xasuuqday Naadiga Zaragoza : Halkaan ka Daawo goolasha Real oo eey ku baashaaleen Ozil, C.Ronaldo iyo Angel Di Maria >> http://www.youtube.com/watch?v=3gWCAXnqn-0
Horyaalka La Liga ayaa kooxaha sidan Gambar gaaban iskugu fadhiyaan
| 11.12. |
18:00 |
FC Getafe |
1:0 |
FC Villarreal |
| 11.12. |
20:00 |
FC Sevilla |
1:3 |
UD Almeria |
| 11.12. |
22:00 |
Atletico Madrid |
2:0 |
Deportivo La Coruna |
| 12.12. |
17:00 |
Athletic Bilbao |
2:1 |
Espanyol Barcelona |
| 12.12. |
17:00 |
Sporting Gijon |
1:1 |
UD Levante |
| 12.12. |
17:00 |
Hercules Alicante |
4:1 |
FC Malaga |
| 12.12. |
17:00 |
RCD Mallorca |
0:1 |
Racing Santander |
| 12.12. |
19:00 |
Real Zaragoza |
1:3 |
Real Madrid |
| 12.12. |
21:00 |
FC Barcelona |
5:0 |
Real Sociedad |
| 13.12. |
21:00 |
FC Valencia |
3:3 |
CA Osasuna |
Waa kan Meesha uu Xasuuqa ka taagan yahay iyo Dagaalka Sokeeye :
| 1 |
FC Barcelona |
15 |
13 |
1 |
1 |
46:8 |
38 |
40 |
| 2 |
Real Madrid |
15 |
12 |
2 |
1 |
38:12 |
26 |
38 |
| 3 |
FC Villarreal |
15 |
9 |
3 |
3 |
27:13 |
14 |
30 |
| 4 |
Espanyol Barcelona |
15 |
9 |
1 |
5 |
17:17 |
0 |
28 |
| 5 |
FC Valencia |
15 |
7 |
4 |
4 |
22:18 |
4 |
25 |
| 6 |
Atletico Madrid |
15 |
7 |
2 |
6 |
24:19 |
5 |
23 |
| 7 |
FC Getafe |
15 |
7 |
2 |
6 |
23:20 |
3 |
23 |
| 8 |
Athletic Bilbao |
15 |
7 |
1 |
7 |
23:26 |
-3 |
22 |
| 9 |
Real Sociedad |
15 |
7 |
1 |
7 |
21:24 |
-3 |
22 |
| 10 |
RCD Mallorca |
15 |
6 |
3 |
6 |
15:17 |
-2 |
21 |
| 11 |
FC Sevilla |
15 |
6 |
2 |
7 |
21:26 |
-5 |
20 |
| 12 |
Hercules Alicante |
15 |
5 |
3 |
7 |
18:22 |
-4 |
18 |
| 13 |
Deportivo La Coruna |
15 |
4 |
5 |
6 |
12:18 |
-6 |
17 |
| 14 |
Racing Santander |
15 |
5 |
2 |
8 |
13:23 |
-10 |
17 |
| 15 |
CA Osasuna |
15 |
4 |
4 |
7 |
15:20 |
-5 |
16 |
| 16 |
UD Levante |
15 |
4 |
3 |
8 |
17:24 |
-7 |
15 |
| 17 |
UD Almeria |
15 |
2 |
7 |
6 |
13:22 |
-9 |
13 |
| 18 |
FC Malaga |
15 |
4 |
1 |
10 |
20:32 |
-12 |
13 |
| 19 |
Sporting Gijon |
15 |
2 |
5 |
8 |
12:23 |
-11 |
11 |
| 20 |
Real Zaragoza |
15 |
1 |
6 |
8 |
14:27 |
-13 |
9 |
Filo Goor dhaw Barnaamishyada La Yaab iyo ku biiri Aqoontaada Sport oo Maanta aad u xiiso badan.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com