Hadaad Yaabto Yaasiinka : Libaax Cunay mid ka mid ah Nimankii Xanaaneeyn jiray iyo Booliis goobta soo gaaray oo Xabad la dhacay Libaaxii ilaa uu ka dhinto (Halkaan ka Daawo Mucjisooyinka Caalamka) !!
Dadka xanaaneeya Xayawaanaadka qorshaha kuma daraan in Xayawaanaadku leeyahay sida Beni´aadamka oo kale maalin Farxadeed iyo maalin murugo (Xaanaq). Shaqsiyaadka Xanaaneeya Xayawaanaadka Qatarta ah waxaa inta badan u daran ineey Lacag ku helaan wexeeyna iloobaan Halista eey yeelan karto Nolashooda.
Xayawaaanaadka aan inta badan Rabaayada gelin oo marka eey xanaaqaan adag tahay si looga baxsado Waa Libaaxa iyo Shabeelka oo hadii eey kugu soo jeestaan ama Cadaw kuu arkaan eey adagtahay saad uga badbaado.
Sidoo kale waxaa Qatar gala Dadka xanaaneeya Masaska & Yaxaasyada oo mararka qaar kala kulmo Qaniinyo sababta ineey ku xijaabtaan ama mudo dheer la galaan Isbitaal. Maroodiga oo dhanka Rabaayada si weeyn loogu amaanay hadii uu Baahi dareemo kuuna arko Cadaw ku shaqeeysanaya weey adag tahay saad ku kala baxdaan wuxuuna marka uu Xanaaqo ja jabiyaa dhamaan wixii ka ag dhaw.
Muuqaalkaan hoose waxaad ka Daawan doontaa Libaax ku qara baxay mid ka mid ah Ragii Xanaaneeyn jiray markii uu Cunus ku bilaabayna waxaa si Deg Deg ah loogu yeeray Ciidamada Booliska oo Xabad la dhacay in kastoo Xabadihii ugu horeeyey eey wax ka tari waayeen