Waxaa weli is bar bar yaac uu ka taagan yahay Dagaalka kulul ee u eg in maalmaha soo socda lagu kala bixi doono kaas oo ka socda caasimada wadanka Liibiya ee Tripoli. Mudo 3 malmood gudahood ah waxa uu Madaxweeyne Qaddafi Cajalad ku soo diray hanjabaadii 2-aad kuna sheegay in aan weli laga guuleeysan uuna guuldaro ka xigo Dhimasho oo kaliyah.
Aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareeykanka oo u adkeeysan waayey Hanjabaada faraha badan ee ka imaaneeyso Madaxweeyne Qaddafi ayaa waxa uu markii ugu horeeysay ku yaboohay Lacag xoogan oo loo balan qaaday Cidii nolol ku soo qabata Madaxweeyne Qaddafi ama soo sheegta halka uu ku dhuumanayo.
" Waxaanu soo ogaanay oo cadeenteeda aanu heeynaa in Qaddaafi uusan weli ka bixin gudaha dalka Liibiya taas ayaana nagu sababtay inaanu Lacag u balan qaadno Mucaaradka la dagaalamaya Dambiilahaas ayuu yiri Josh Earnest oo ka tirsan Aqalka cad ee Mareeykanka una waramayey Talefishinka caanka ah ee Al-Jazeera .
Mareeykanka ayaa Lacagta uu ku yaboohay in la siin doono cidii Qaddafi nolol ku keenta waxaa cadadkeeda lagu sheegay 2-Milyan oo Liiraha dalka Liibiya ah una dhiganta 1,14 Milyan oo Euro. Dhanka kale waxaa dib xornimadooda u helay Wariyaal badan oo ku go´doonsanaa Hotel Rixos oo eey ka dagaalamayeen Xoogaga Qaddafi taageersan waxaana wariyaashaas ka mid ahaa CNN-Reporter Mr.Matthew Chance.
wararka qaar wexeey sheegayaan in Mucamar Al Qadafi uu ku sugan yahay halkii ama Magaaladii uu ku dhashay oo lagu magacaabo Sirte waana meesha sida ba´an eey ugu xoogan yihiin Taageerayaasha iyo Qabiilka uu ka soo jeedo.
Ugu dambeeyntii waxaa markii ugu horeeysay la soo bandhigay Goobaha uu Dagaalka kulul ka socdo iyo sida loo kala heeysto.
Daawashada muuqaalkaan Calaamada gaduudan meesha lagu muujiyey waxaa la wareegay ama gacanta ku dhigay mucaaradka Liibiya halka Calaamada Cagaaran eey weli ku sugan yihiin ama ka Dagaalamayaan Xooga Qaddafi waxaana goobaha eey weli joogaan Ciidamada Qaddafi ka mid ah Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Tripoli iyo Degaanka uu degnaa Mr Qaddafi kaas oo lagu magacaabo Bab al-Asisija ilaa Wadada ugu dheer Caasimada Tripoli taas oo lagu magacaabo Hadaba al-Chadra.
Halkaan ka Daawo Goobaha lagu kala bixi la´yahay http://www.youtube.com/watch?v=Q7GVDxJpgho