Geele Gaaboow Lionel Messi oo isku badalay Iskoor Ugarsade,* Maxaad kala socotaa Xiddigaha uu doonayo inuu Iskoorka ka Jabsho iyo dhamaan Goolashii uu u dhaliyey intii uu la joogay kooxda Catalonia Fc Barcelona?? (Leo Meesi oo Cel Celis noqday yaa u maqan Laacibiinta Caalamka waa Yaabee? ) !!
Su´aasha ugu muhiimsan ee Bahda Ciyaaraha kubada Cagta eey is weey diinayaan ama Maskaxda ku hayaan wexeey tahay Xiddiga kooxda Catalonia Fc Barcelona Lionel Andres Messi yaa xili Ciyaareedkaan ka hor is taagi doono inuu mar kale Xaabsado Koobabka ugu muhiimsan Caalamka sida : Xiddiga ugu waanaagsan Dunida,Laacibka Qaarada Yurub & Gooldhalinta Uefa Champions League.
Inta badan Caalamka dadka Ciyaaraha Caalamiga ah xiiseeyo ma jeclo inuu mar kaste hal Xiddig oo kaliyah uu Xaabsado Abaal marinta Biladaha ugu Wanaagsan Dunida. Dadka & Tababarayaasha kooxaha ayaa qaar wexeey qabaan in Fursad loo siiyo Abaal marintaas Qaaliga ah ineey Laacibiin badan wada qeeybsadaan.
Laacibka kaliyah ee Maanta Leo Messi Daaqada kala bixi kara ama ku Cariirin kara Koobabkaas Qaaliga ah waa Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro balse waxaad moodaa C.Ronaldo Raga Qadka dhexe ka caawiya ee kooxda Real Madrid ineeysan weli iskula qabsan sida eey dhexda u degeen ama Isbaarada u dhigteen Ciyaartooyda uu Leo Messi Gurmadka Deg dega ah kaga bartay waa Xavier Hernandez i Creus iyo Midigtiisa Andres Iniesta Lujan.
Ma jirto Cabsi aad u baaxad weeyn oo eey qabaan Laacibiinta Caalamka kuwaas oo ku oran kara Leo Messi Xiddig aan aheeyn kama talin karo Maslaxa Ciyaaraha Kubada Cagta maadaama la wada ogyahay heerka & Quuska uu Messi ka taagan yahay Qaranka Argentina.
Qabiirada Sportiga qaar wexeey qabanaan in Shaqsiga dhinac kasta ka dhisay Leo Messi kana dhigay Warshada Goolasha ee xiliyadaan dambe uu yahay Qabiirka Fc Barcelona Macalin Josep Guardiola oo Messi si weeyn eey isku fahmeen xitaa dhanka Kaftanka.
Lionel Andres Messi wuxuu hada ku mashquulsan yahay Jabinta Iskooradii Laacibiintii hore ee soo maray inta Taariikhda la ogyahay kooxda Fc Barcelona. Leo Messi in ka badan 10-Ciyaartooy ayuu Iskoorka Taariikhda Gooldhalinta kooxda Fc Barcelona ka soo jabiyey wuxuuna hada soo degay Kaalinta 3-aad.
Kaalinta 2-aad Iskoorka Gooldhalinta Taariikhda Fc Barcelona waxaa Degan Xiddigii hore ee kooxdaas waa Ciyaaryahan Laszlo Kubala (194 Gool). Kaalinta 1-aad Taariikhda Gooldhalinta Catalonia Fc Barcelona wexeey Isbaaro u taalaa Laacibkii hore ee kooxdaas waa Cesar Rodriguez (235 Gool)
Leo Messi guud ahaan Taariikhda kooxda Fc Barcelona waxa uu goolasha u kala dhaliyey sidan : 39-Gool koobka Champions League, 127-Gool Horyaalka La Liga ee dalka Spain, 17-Gool koobka Spain (Copa del Rey), 8-Gool Spain Supercup, 2-Gool Club-World iyo 1-Gool European Super Cup.
Horyaalkii la soo dhaafay oo kaliyah waxa uu Leo Messi kooxdiisa Fc Barcelona u saxiixay 53-Gool .Hada oo xili Ciyaareed cusub la galay waxa uu isku dar kooxdiisa Fc Barcelona durbadiiba u saxiixay 14-gool (La Liga,Champions League, Eu-Super Cup,World Clubs, & Spain Super Cup oo dhamaan lagu xisaabiyey Xili Ciyaareedkaan) !
Leo Messi weli waa Xiddig da´yar waana 24-sano jir waxaana u harsan oo uu ka faaideeysan karaa waqti dheer.
Halkaan ka Daawo Goolashiisii ugu dambeeyey ee Horyaalka La Liga >>> http://www.youtube.com/watch?v=kT8OdEc64Iw .
Halkaan ka Daawo Goolashii ugu dambeeyey ee koobka Champions League uu ka dhaliyey Geele Gaaboow Leo Messi >>> http://www.youtube.com/watch?v=7sJVD_lCTH8 .
*** Dhanka kale waxaa isna Iskoor cusub iyo Farxad ku dabaal degay R/Wasaaraha dalka Talyaaniga Mr.Silvio Berlusconi oo Sanadguuradiisii 75-aad kooxdiisa Ac Milan ka gudoomay Guul ka dib markii eey kulankii Uefa Champions League Xafladii dhalashadiisa 2-0 ku garaaceen kooxda Viktoria Plzen.
Goolka 2-aad ee uu dhaliyey Antonio Cassano waxa uu noqday Goolkii Lambar 2.000 inta Taariikhda Ac Milan & Clubchef Silvio Berlusconi la ogyahay. Mr.Silvio Berlusconi waxa uu kooxda Ac Milan la wareegay Bishii Febraayo Sanadkii 1986-kii.
Silvio Berlusconi intii uu la joogay kooxda Ac Milan (Rossoneri) waxa uu la qaaday 28 Koob waxaana ugu muhiimsanaa 8-jeer Horyaalka Serie A, 6-Jeer Copa Italy iyo 5-jeer Super-koobaha Talyaaniga iyo sidoo kale Uefa Champions League .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com