 |
|
 |
LecceInter |
 |

TOP SPORT NEWS : Fc Arsenal oo Aston Villa ku ciil baxday iyo Laacib Robin Van Persie oo Goolkiisii 120-aad u saxiixay tan iyo intii uu xirnaa Maaliyada The Gunners, Yuu ka jabin rabaa Iskoor Taariikhi ah?,* Inter Milan oo iskoorkii Guulaha laga jabiyay iyo Ac Milan oo ma harto ku noqotay Juventus (+Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News Halkaan ka Daawo).
*** (FA-Cup) Kooxda The Gunners Fc Arsenal oo si aan caadi aheeyn uga yaabsatay naadiga Aston Villa ka dib markii ay 7 Daqiiqo gudahood uga dhalisay 3 Gool oo xiriir ah. Aston Villa oo marti ku eheed Garoonka Emarates Stadium ee kooxda Fc Arsenal waxeey ku hor martay 2-gool waxaana goolasha u kala saxiixay naadiga Aston Villa Ciyaartooyda kala ah Richard Dunne Daqiiqadii 33-aad iyo Weeraryahan Darren Bent Daqiiqadii 45-aad. Qeeybtii 2-aad ee Ciyaarta markii la isku soo laabtay waxaa Garoonka fak fak la soo gashay kooxda Fc Arsenal oo ugu dambeeyntii 7-Daqiiqo gudahood 3 gool ku dhalisay. Labo ka mid ah Goolashaas oo Rigooreyaal ahaa waxaa u saxiixay Fc Arsenal Xiddiga kacsan bilahaan dambe waa weeraryahan Robin Van Persie Daqiiqadihii 54-aad iyo 61-aad Goolka kale The Gunners waxaa u saxiixay Laacib Theo Walcott Daqiiqadii 57-aad. Goolasha uu Ciyaaryahan Robin van Persie Fc Arsenal u saxiixay waxeey sababeen ineey gaaraan 120-Gool waa intii uu sitay ama xirnaa Maaliyada The Gunners wuxuuna Iskoor ahaan soo qabtay Laacibkii hore ee kooxda Fc Arsenal iyo Qaranka Holland Dennis Bergkamp. Ciyaaryahan Robin van Persie oo aad u faraxsanaa ayaa isaga oo Saxaafada la hadlaya waxa uu yiri sidan >> (?Dennis ist eine Legende und ich habe enormen Respekt vor ihm. So viele Tore für Arsenal zu erzielen wie er, ist eine große Ehre", meinte Van Persie.)<< " Dennis wuxuu ahaa halyeey soo maray kooxdaan waxaana u hayaa Kalsooni, Goolal fara badan inaan Fc Arsenal u saxiixo waa war lagu farxo oo aan sahlaneeyn ayuu yiri Weeraryahan Van Persie : Laacib Van Persie mar uu ka hadlayey qaabka ay ugu sigteen Guuldaro kaga timaada Aston Villa oo 2-gool kala hor martay waxa uu yiri sidan >> ( ?Wenn man 0:2 hinten liegt, ist es immer schwierig wieder zurückzukommen", sagte Van Persie und ergänzte: ?Es waren verrückte erste 16 Minuten in der zweiten Halbzeit, die das gesamte Spiel auf den Kopf stellten. Das war ein Verdienst der gesamten Mannschaft, weil jeder alles gegeben hat.")<< " Hadii ay koox 0-2 kaala hor marto run ahaantii ma sahlana inaad iska soo jarto goolashaas oo hadane aad badiso balse Guushaan Taariikhiga ah waxaan leeyahay waxaa sabab u ah dhamaan Ciyaartooyda Fc Arsenal oo aan ka niyad jabin Goolasha laga la hor maray waxaana isku raacnay inaan Cidiyaha ku dagaalano maadaama aanu Garoonkeena ku dheeleeno weliba kulanka uu yahay FA Cup ayuu yiri Van Persie oo aad u faraxsanaa: Kulankii kale ee dhexmay kooxaha Sunderland Vs Middlesbrough wuxuu ku dhamaaday 1-1. Isku aadka Kooxihii horay u soo baxay ee FA-Cup oo la sameeyay ayaa dhamaan waxaa kala bad baaday oo aanan isku dhicin kooxaha waa weeyn oo laga cabsi qabay inay fooda is daraan qori tuurka. FA Cup kooxaha waxeey iskugu dhaceen qaabkaan :
| Liverpool |
Brighton and Hove Albion |
|
| Everton |
Blackpool / Sheffield Wednesday |
|
| Chelsea |
Birmingham City |
|
| Crawley Town |
Stoke City |
|
| Stevenage |
Tottenham Hotspur |
|
| Norwich City |
Leicester City |
|
| Sunderland / Middlesbrough |
Arsenal |
|
| Millwall / Southampton |
Bolton Wanderers |
Wajiga ama kulanka hore ee Koobka FA-Cup waxaa la kala Ciyaari doonaa Taariikhdu markay tahay 18-ka iyo 19-ka bisha Ferbaayo Sanadka 2012. *** Dhanka Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa Iskoorkii dhanka Guulaha ahaa laga jabiyey kooxda Inter Milan oo naadiga Lecce ay ku soo dubatay 0-1.Inter 7 kulan oo Xiriir ah ayeey badineeysay waxaana hada Iskoorkaas ka jabiyay Xiddiga reer Lecce Guillermo Giacomazzi oo Daqiiqadii 4-aad Gool ka xareeyey kooxda Anazurri Inter Milan oo Juventus 9-Dhibcood ka hooseeyso. Halkaan ka Daawo Kulankii Lecce Vs Inter Laacib Sneijder iyo Weeraryahanka Qaranka Talyaaniga Pazzini oo Inter isla wada ah oo is Dagaalay ama is caayey iyo Saxaafada oo daba dhigatay >>> http://www.youtube.com/watch?feature=endscreen&v=P2tm86Lo9Qs&NR=1 *** Dhanka Naadiga Ac Milan waxeey Xanjo ku noqotay oo daba taagan tahay kooxda Juventus oo sanakaan aad u kacsan waliba dooneeyso ineey qaado Serie A oo mudo fog ugu dambeeysay. The Rossoneri waxeey 3-0 jooga kaga riday kooxda Cagliari waxaana Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic (32.) Antonio Nocerino (39.) iyo Massimo Ambrosini (75) Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=wB8L_mOklKM . Kooxda Lazio oo ciilkii ay ka qaaday kulankii Coppa Italy oo Ac Milan ay ku reebtay 0-3 ayaa markaan waxeey xanaaqaas kula dhacday kooxda Chievo Verona oo Garoonkeeda ku ciyaareeysay. Lazio oo 0-3 ku soo badisay waxaa Sadexda gool u kala dhaliyeay Hernanes (21.) iyo labo gool oo uu dhalyay Weeraryahanka Teestada badan ee Qaranka Germany waa Miroslav Klose Daqiiqadihii 88-aad iyo 89-aad. Horyaalka Talyaaniga waxaa 44-Dhibcood ku hogaamineeyso Juventus oo weli aanan dhinaceeda dhulka la dhigin, Ac Milan 43-Dhibcood ayeey leedahay ,Udinese 38-Dhibcood,Lazio 36-Dhibcood Inter Milan 35-Dhibcood. *** Koobka Qaramada Africa oo Guruub A la soo gaba gabeeyey Xulka Sambia waxeey 0-1 ku tumeen Qaranka martida loo yahay ee Aquador Genui.Goolka Sambia waxaa u saxiixay Daqiiqadii 67-aad Ciyaaryahan Christopher Katongo. Ceebta ugu daran waxeey qabsatay Xulka Qaranka Senegal oo loo saadaalinayey inuu qaadi doono koobka Qaramada Africa waa hadii uu soo dhaafo dalalka wata sanadkaan Laacibiinta faraha badan waa Ivory Coast iyo Xulka Ghana. Senegal koob ay qaado iska daayee xitaa iyada oo hal dhibac wadan ayaa loo diray Caasimadooda Dakar. Senegal waxaa kulankii ugu dambeeyey 1-2 ku suul daartay Liibiya oo dhankooda tacbaan ahaa Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=Df4itw3b4vE. Guruub A oo dhamaaday Xulalka waxeey u soo kala baxeen qaabkaan : calaamada Xiddigta waa xulka soo baxay :
| 1. |
Sambia * |
3 |
2 |
1 |
0 |
5:3 |
7 |
| 2. |
Aquatorialguinea * |
3 |
2 |
0 |
1 |
3:2 |
6 |
| 3. |
Liibiya |
3 |
1 |
1 |
1 |
4:4 |
4 |
| 4. |
Senegal |
3 |
0 |
0 |
3 |
3:6 |
0 |
*** Maanta oo Isniin ah waxaa wada ciyaari doona Qaramada kala ah Ivory Coast Vs Angola iyo Sudan Vs Burkino Faso oo hartay. Kulamadaan ayaa dhici doona isku waqti saacadu markeey tahay 19.00 Fiidnimo. Angola hadii goolal badan looga badiyo Sudan-na dhaliso dhoor Gool waxaa sidaas ku soo bixi doonto Sudan.
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|