Geele Gaaboow Messi oo Goolal ka bixi la,*Difaaca Man Utd oo celin waayey Dhirirka Peter Crouch,* Fernando Torres oo Fc Chelsea Gool u saxiixay ka dibna Rooso dafay & Ramires oo kacsan,*Van Persie oo noqday Madaalaha Fc Arsenal,*Cristiano Ronaldo oo Real Madrid Wadadii guusha ku soo celiyey,*Weeraryahan Kanoute oo Fc Valencia Cagaha ka tumay iyada oo kooxdiisa Seville 2-Ciyaaryahan Rooso laga siiyey,*Macalin Claudio Ranieri oo Inter Milan Guul ku Iftaxay,* Fc Bayern Munchen oo Bayer Leverkusen Jooga ka riday & Ac Milan oo Guul Caato ah gaartay (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 1-aad ee Faaqidaada Horyaalada) !!
*** Horyaalka Ingiriiska ee Premier-League oo la ciyaaray kulankiisii 6-aad waxaa markii ugu horeeysay la qabtay oo iskoorkii iyo Fak faktii dhanka Guulaha laga joojiyey kooxda Manchester United . Man Utd waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay kooxda Mudooyinkaan dambe kacsan ee Stoke City.
Man Utd oo ciyaartaan goolka ku hor martay waxaa Daqiiqadii 27-aad u saxiixay Xiddiga Qaranka Portugal Luis Nani balse wexeey Man Utd iska Difaaci waayeen Weeraryahanka ugu dhirirka badan Horyaalka Ingiriiska ee lagu magacaabo Peter Crouch.
Peter Crouch oo 31 bishii Agoosto 20-Milyan oo Euro looga soo iibsaday xili Ciyaareedkaan kooxda Tottenham ayaa Goolkiisii ugu horeeyey waxa uu ka xareeyey Daqiiqadii 52-aad Difaaca Man Utd xili eey ka daba boodeen balse uu ka dhirir batay.
Kooxda Fc Chelsea wexeey ku qara baxday oo Qararamsatay Naadiga Swansea City oo eey kaga badiyeen 4-1. Goolasha Fc Chelsea waxaa kala dhaliyey Daqiiqadii 29-aad Weeraryahan Fernando Torres oo isla daqiiqadii 39-aad Fc Chelsea Rooso ka qaatay waxaana Goolasha kale sii raacsaday Laacib Ramires oo ahaa Xiddigii ugu wanaagsanaa Garoonka Fc Chelsea ee Stamford Bridge wuxuuna 2-gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 36-aad iyo 76-aad. Goolka 4-aad fc Chelsea waxaa u saxiixay Weeraryahan Didier Drogba oo dib ugu soo laabtay garoomada Caalamiga ah ka dib markii bil ka hor Dhaawac xun uu ka soo gaaray Afka (Daqiiqadii 90-aad) .
Kooxda The Gunners Fc Arsenal wexeey ku dur durisay Naadiga Bolton oo mararka qaar dhibcaha ka tirsan jiray. Arsenal Bolton wexeey ku garaacday 3-0 waxaana Madaalaha Garoonka Emirates Stadium noqday xiddiga Reer Holland Rubin Van Persie oo dhaliyey 2 gool daqiiqadihii (46-aad iyo 71-aad), Goolka 3-aad waxaa Daqiiqadii 89-aad raacsaday Xiddiga Reer Cameroon Alex Song.
Kooxda Man City oo xili Ciyaareedkaan isku kooleeysay dariskeeda Man Utd dhanka Tartanka horyaalka England ayaa wexeey 2-0 ku quusisay Naadiga Everton. Manchester City goolasha waxaa u kala saxiixay Xiddiga Italy balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana waa Mario Balotelli Daqiiqadii 68-aad waxaana goolka 2-aad raacsaday Daqiiqadii 89-aad Ciyaaryahan Milner oo Paass aad u qurux badan ka helay Xiddiga reer Spain David Silva.
Man Utd iyo Man City wexeey Horyaalka England ku wada hogaaminayaan min 16-Dhibcood,Fc Chelsea oo ku soo xigta wexeey leedahay 13-Dhibcood, Newcastle wexeey iyana soo aruursatay 12-Dhibcood ,Fc Liverpool oo Wolverhampton 2-1 ku soo garaacday wexeey iska soo xaadirisay kaalinta 5-aad ee horyaalka Ingiriiska wexeeyna leedahay 10-Dhibcood.
KOOXAHA HORYAALKA ENGLAND WEXEEY ISKU QAABILEEN SIDAN :
| 24.09. |
13:45 |
Manchester City |
2:0 |
FC Everton |
| 24.09. |
16:00 |
FC Arsenal |
3:0 |
Bolton Wanderers |
| 24.09. |
16:00 |
West Bromwich |
0:0 |
FC Fulham |
| 24.09. |
16:00 |
Wigan Athletic |
1:2 |
Tottenham Hotspur |
| 24.09. |
16:00 |
Newcastle United |
3:1 |
Blackburn Rovers |
| 24.09. |
16:00 |
FC Liverpool |
2:1 |
Wolverhampton |
| 24.09. |
16:00 |
FC Chelsea |
4:1 |
Swansea City |
| 24.09. |
18:30 |
Stoke City |
1:1 |
Manchester United |
| 25.09. |
17:00 |
Queens Park Rang. |
- |
Aston Villa |
| 26.09. |
21:00 |
Norwich City |
- |
AFC Sunderland |
HORYAALKA INGIRIISKA KOOXAHA WEXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN HOOSE:
| 1 |
Manchester United |
6 |
5 |
1 |
0 |
22:5 |
17 |
16 |
| 2 |
Manchester City |
6 |
5 |
1 |
0 |
19:5 |
14 |
16 |
| 3 |
FC Chelsea |
6 |
4 |
1 |
1 |
12:7 |
5 |
13 |
| 4 |
Newcastle United |
6 |
3 |
3 |
0 |
7:3 |
4 |
12 |
| 5 |
FC Liverpool |
6 |
3 |
1 |
2 |
8:8 |
0 |
10 |
| 6 |
Tottenham Hotspur |
5 |
3 |
0 |
2 |
9:9 |
0 |
9 |
| 7 |
Stoke City |
6 |
2 |
3 |
1 |
4:6 |
-2 |
9 |
| 8 |
Aston Villa |
5 |
1 |
4 |
0 |
6:4 |
2 |
7 |
| 9 |
FC Everton |
5 |
2 |
1 |
2 |
6:6 |
0 |
7 |
| 10 |
Queens Park Rang. |
5 |
2 |
1 |
2 |
4:6 |
-2 |
7 |
| 11 |
Wolverhampton |
6 |
2 |
1 |
3 |
5:8 |
-3 |
7 |
| 12 |
FC Arsenal |
6 |
2 |
1 |
3 |
9:14 |
-5 |
7 |
| 13 |
AFC Sunderland |
5 |
1 |
2 |
2 |
6:4 |
2 |
5 |
| 14 |
Norwich City |
5 |
1 |
2 |
2 |
5:7 |
-2 |
5 |
| 15 |
Wigan Athletic |
6 |
1 |
2 |
3 |
5:9 |
-4 |
5 |
| 16 |
Swansea City |
6 |
1 |
2 |
3 |
4:9 |
-5 |
5 |
| 17 |
FC Fulham |
6 |
0 |
4 |
2 |
4:7 |
-3 |
4 |
| 18 |
Blackburn Rovers |
6 |
1 |
1 |
4 |
8:13 |
-5 |
4 |
| 19 |
West Bromwich |
6 |
1 |
1 |
4 |
3:8 |
-5 |
4 |
| 20 |
Bolton Wanderers |
6 |
1 |
0 |
5 |
8:16 |
-8 |
3 |
*** Horyaalka Spain ee La Liga waxaa Wadadii Guulaha dib igu soo laabatay kooxda Faca weeyn ee Real Madrid oo 2 kulan aan wax guul ah gaarin. Real Madrid wexeey Gurigeeda iyada oo ku ciyaareeysa dharka kaga dhigtay kooxda Rayo Vallecano (6-2).
Halyeeygii garoonka ama ciyaarta waxaa noqday Laacib Cristiano Ronaldo oo dhaliyey 3-gool waxaana Goolasha kale kala raacsaday weeraryahan Gonzalo Higuain, Raphael Varane iyo Karim Benzema .Real Madrid waxaa Rooso ka qaatay Xiddiga Reer Argentina Angel Di Maria (Daqiiqadii 57-aad) Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=Nv0r6UvVPq0 .
Sidoo kale waxaa guul muhiim ah gaartay kooxda Fc Barcelona oo labo cad ka dhigtay Naadiga Atletico Madrid (5-0).
Kooxda Fc Barcelona oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda Camp Nou oo Caalamka looga yaqaan Godkii Naarta waxaa goolasha u kala saxiixay David Villa Daqiiqadii 9-aad iyo Ciyaaryahan Miranda oo si qalad ah Daqiiqadii 15-aad kooxdiisa At-Madrid gool uga xareeyey halka Sadexda gool ee kale uu si xarago leh u saxiixay Laacib Leo Messi Daqiiqadihii 26-aad, 78-aad & 91-aad.Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=EMgKQ-usTV4
Kooxda Fc Valencia oo hogaanka u heeysay Horyaalka La Liga mudooyinkaana kacsaneed waxaa Bareega u qabtay Weeraryahan Kanoute oo Gool qurux badan ka xareeyey isaga oo kooxdiisa Fc Sevilla eey Rooso ka qaateen 2 Ciyaaryahan (Sevilla Vs Valencia 1-0).
Horyaalka La Liga ee dalka Spain waxaa 12-Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Betis Sevilla, Fc Barcelona iyo Fc Sevilla oo ku soo xiga wexeey wada leeyihiin min 11-Dhibcood halka Real Madrid iyo Fc Valencia eey soo dabaalanayaan min 10-dhibcood.
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa kulankiisii ugu horeeyey kooxdiisa cusub ee Inter Milan Guul ku iftaxay Macalin Claudio Ranieri . Inter wexeey 1-3 kaga soo badisay kooxda Bologna waxaana goolasha u kala saxiixay Gianpaolo Pazzini (daqiiqadii 39-aad), Diego Milito (81./Rigoore) iyo Lucio (daqiiqadii 87-aad) Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=N2POeJO09SI .
Ac Milan ayaa sidoo kale Guushii ugu horeeysay ee xili Ciyaareedkaan Horyaalka Talyaaniga wexeey ka gaartay kooxda Cesena.
Milan oo Cesena 1-0 uga badisay waxaa Goolkaas Agoonka ah u saxiixay Daqiiqadi 5-aad Xiddiga reer Holland Clarence Seedorf.
Horyaalka Bundesligaha dalka Germany Kulan adag oo dhex maray kooxaha waa weeyn ee ku jira Koobka Champions League waa Fc Bayern Munchen Vs Bayer Leverkusen waxaa jooga laga riday kooxda kooxda Bayer Leverkusen oo lagu suul daaray (3-0).
Sadexda Gool Fc Bayern Munchen waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Thomas Müller (Daqiiqadii 5-aad), Daniel van Buyten (aqiiqadii 19-aad) iyo Xiddiga reer Holland Arjen Robben oo Dhaawac mudo dheer qaatay ka soo kacay (Daqiiqadii 90-aad).
Labada Xiddig ee intii Ciyaarta daawaneeysay ka Yaabsaday Gambiska faraha badana kooxda Leverkusen ku wareeriyey wexeey kala ahaayeen Frank Bilal Ribery iyo Bastian Schweinsteiger Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=ZyTwApqTxOw .
Horyaalka Bundesligaha Germany oo la ciyaaray kulankiisii 7-aad waxaa 18-Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Bayern Munchen, Gladbach oo ku soo xigto wexeey leedahay 16-dhibcood halka Naadiga Werder Breman oo 1 kulan uu u harsan yahay eey ka leedahay 13-Dhibcood.
FIIRO GAAR AH: Wararka Horyaalada oo Dhameeystiran Filo marka guud ahaan la wada Ciyaaro !!