La Yaab : Magaalada Madrid oo Koobka "Copa del Rey" ugu Dabaal degtay sidii ineey Champions League soo qaadeen, Waa Maxay sababta?, Laacibiinta Real Madrid oo Bas korka ka furan iyaga oo saaran lagu soo wareejiyey Dhamaan Wadooyinka Waa weeyn ee Caasimada Madrid ( Halkaan ka Daawo Ciyaartooyda Real Real Madrid & Baahi Koob Maxaa kala heeysta) !
Barnaamishka Taxanaha ah ee La Yaab Sport waxa uu soo tabiyaa kuna soo Xiraa Bahda Sportiga ee http://www.xiriiriye.com/ ku xiran warar kii ugu hadal heeynta badnaa dhanka Saxaafada Sportiga ee Caalamka. Hadaba Faalada & Hadal heeyntii ugu badneed dhanka Sportiga Mexeey noqon kartaa taloow Maanta waa Yaaaabee ??
Weli waxaa ka socda Magaalada Madrid ee Caasimada dalka Spain Damaashaad iyo Dabaal deg balaaran oo inta badan dadka degan halkaas soo xasuusisay xilgii Qaranka Spain uu soo qaaday World Cup 2010 & koobkii Qaramada Yurub 2008 .
Kooxda Real Madrid oo koobka Copa del Rey ugu dambeeysay Sanadkii 1993-dii ayaa baahi weeyn u qabtay ineey mar uun ka baxdo Abaarta koobab la aanta ah ee mudada dheer ku habsatay. Real Madrid oo 1-0 Koobkaan uga qaaday kooxda eey ifka iskugu neceb yihiin ee FC Barcelona wexeey guushaan u noqotay mid uga qiimo badan koobka Champions League maadaama eey Nalkii ka damiyeen kooxdii Loo saadaalinaayey ineey Sanadkaan isku darsan doonaan Horyaalka Spain & ? Copa del Rey" .
Macalinka kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho oo lagu yaqaan marka uu Guul muhiim ah gaaro inuu inta badan Saxaafada Caalamka wareeysi dheer siiyo ayaa waxa uu yiri isaga oo la hadlaayey Skysport Sidan : " Ciyaar wanaagsan ayaan soo bandhignay Koobkiina Caasimada Madrid ayaan ka soo dajinay laakiin waxaan la yaabay Ragii isku sheegay ineey yihiin Laacibiin hore ee Real Madrid ku sheegay ineey Jiir/Dooli tahay Fc Barcelona-na Libaax tahay, Mexeey ku hadli doonan Ragaas maanta?
Jose Morinho ayaa hadalkaas waxaa uu kala jeeday ama Jawaab uga dhigay Xidddigii hore ee kooxda Real Madrid Mr. Alfredo di Stefano oo Saxaafada wareeysi uu siiyey inta Ciyaarta eeysan dhicin ka hor ku sheegay in xiligaan Real Madrid tahay Jiir/Dooli Barca-na Libaax. Macalin Morinho Wexeey Saxaafada Sportiga ee Caalamka u bixisay Mr.Cup-killer oo eey kala jeedaan isaga oo soo qaaday Koobabka dalalka Portugal, England, Italy & hada oo uu k darsaday Koobka Boqortooyada Reer Spain ee (Copa del Rey)
Macalinka Fc Barcelona ayaa hadii uu Koobkaan qaadi lahaa wexeey noqon leheed Iskoor cusub maadaama isaga oo kooxda la joogo Sanado yar uu koobkiisii 9-aad u soo xareeyey. Ugu dambeentii Faalada Qoralkaan waxaan ku soo gaba gabeenayaa Kooxda Real Madrid Iyo Dadweeynaha Magaalada Madrid wexeey Koobka (Copa del Rey) ugu Dabaal degeen sidii ineey Koobka Champions League soo qaadeen oo kale. Halkaan ka Daawo Ciyaartooyda Kooxda Real Madrid oo Bas korka ka furan socod dheer kula soo maray wadooyinka waa weeyn ee Magaalada Madrid >>> http://www.youtube.com/watch?v=Pyyho7mJRNs .
Halkaan ka Daawo Goolkii uu Cristiano Ronaldo Leo Messi iyo Kooxdiisii Barcelona ku Cirib tiray >>> http://www.youtube.com/watch?v=3vDzW1P3rF0 .
Filo Goor Dhaw : Barnaamishka La Yaab Sport Qeeybtiisa dambe oo aan idinkugu heeyno Aktarad caan ah oo Jaceyl ku abuurtay 4-Ciyaaryahan oo Caalamka si weeyn caan uga ah markii dambena la saaxiibtay mid ka mid ah Laacibiintaas halka mid hore uu Wiil uga dhalay, (Tarjumis ayaa ku socota) La Yaaaab Sport & Xiriiriye.com.
Waxaa sidoo kale Qadka ku soo jiro Barnaamishkii Hal Xiraalaha, Magacyadii Masuuliyiintii Sport ee sida saxda ah uga soo jawaabtay & Su´aasha Hal Xiraalaha cusub oo noqotay mid aad u xiiso badan. (Isku diyaari hadaad Masuul Sport tahay)
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |