LA YAAB MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Ciidamada Mareeykanka & kuwa Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somalia oo Dabin la la yaabay u dhigay Burcad badeeda Somalida & Burcad Badeeda oo sheegtay inaan la siri karin ama la gaadi karin wax kastana eey la socdaan (By Mondo TV France)
Dadka Soomaaliyeed ayaa Dagaalada ahliga ah wexeey ka dhaxleen dhibaatooyin fara badan oo qaarkood qatartooda xambarsan. Beriga/dhulka Somalia waxaa ka socda Dagaalo Wajiyo badan xambaarsan oo mararka qaar xitaa la isla galay dhanka Diinta.
Dhanka Bada waxaa ka dilaacday Dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo afduubata Maraakiibta Shisheeye ee maraya Badweeynta Hindia iyo wixii ka sii fog ama baxsan Biyaha Soomaaliya. Dhalinyaradaan wexeey isku heeystaan hadaad la sheekeeysatit ama dhoor jeer Wareeysiyo ku dhiibeen ineey Halyeey Wadaniyiin ah yihiin weliba Biyaha Soomaaliyeed ka Difaacayaan Maraakiibta sida Sharci darada ah uga Kaluumeeysata.
Dhalinyaradaan Bada ku yaacday maba isku maleeyaan ineey Dambi faraha kula jiraan ama Burcad Badeed yihiin (Yaab). Wadamada Caalamka ugu qanisan wexeey Somalia u soo direen Maraakiib Dagaal oo loogu tala galay ineey Burcad badeeda Soomaalida ka sifeeyaan Badweeynta Hindia iyo halka eey Bada ka joogaan ama wax ku weeraraan.
Maraakiibta & Ciidamada shisheeye ee Burcad Badeeda Soomaalida la dagaalama wexeey u badan yihiin ama ka yimaadeen Dalalka Qaarada Yurub iyo Saaxiibkooda waa Mareeykanka. Ciidamadaan wexeey si cad ugu guuldareeysteen wax ka qabashada Dhalinyaradaan ku yaacday Bada kana faaiday Malaayiinta Dolar.
Guuldaradii 2-aad iyo Arintii ugu dambeeysay uguna yaabka badneed wexeey qabsatay Ciidamada Mareeykanka iyo kuwa Faransiiska ah ee jooga Biyaha ama xeebaha dalka Somalia. Ciidamadaan oo Burcad Badeeda Soomaalida qaatu iyo quus ka taagnaa ayaa hada wexeey degeen Shax ama kaarto cusub oo loo arkayey ineey tahay tii ugu dambeeysay ee looga Taqluusi lahaa Maleeshiyaadka Burcad Badeeda ah.
Tv-ga French MONDO TV ayaa waxa uu soo daayey Barnaamish qaas ah oo uu ka diyaariyey Ciidamada Mareeykanka iyo kuwa Faransiiska ah ee ku sugan Biyaha ama Badaha Soomaaliya oo is ka dhigaya Maraakiib Xamuul, kuwo Shacab iyo weliba kuwo Dalxiisayaal eey dul saaran yihiin si gacanta loogu soo dhigo Burcad Badeed aad u fara badan oo haweeysan doonta Maraakiibta la soo qurixey si burcad Badeeda loogu qiyaaneeyo.
Monddo Tv oo soo xigtay mid ka mid ah Burcad Badeeda oo magaciisa lagu sheegay Sahal Ali Hayer waxa uu yiri sidan " Yaa ka caqli yar inteey Biyaheena noogu yimaadeen ayeey rabaan ineey na qiyaameeyaan wexeeyna Maraakiibtii eey wateen u soo dhaqaajiyeen dhanka u dhaw Dhulxeebeedka si aan u weerarno ama uu Hunguri nooga galo,,
Burcad Badeedkaan ayaa sheegay xiliga Maraakiibta Dalxiisayaasha ah iyo kuwa Xamuulka ah eey marayaan Badweeynta Hindiya ineey xaawli iyo orad ku maraan weliba iskuma dayaan Fariinka ama Bareega ineey qabtaan inta eey marayaan Biyaha ku dhaw dhaw Soomaliya halka Ciidamadii Burcad Badeeda Dabinka la doonayey eey u soo dhaweeyeen Maraakiibtii eey wateen dhanka Xeebaha Somalia ayuu yiri Mr.Sahal Ali Hayer.
Ugu dambeeyntii waxaa iska cad in isku daygii 2-aad ee la doonayey in looga taqluuso Burcad Badeeda Soomaalida uu ku dhamaaday Fashil .